(ERGO) – Dhaqaalo-xumada ay sababeen abaaraha soo-noq-noqday, colaadaha iyo sicir-bararka is biirsaday ee ka taagan deegaannada maamulka Galmudug waxaa u xirmay shantii bil ee nadhaaftay 90 Iskuul. Wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa sheegtay in ay hakad gashay waxbarashada 6,000 oo arday oo dhiganayay iskuuladaas xirmay oo dugsiyada hoose iyo dhexe ah.
Fartuun Duraan Ciise oo 17 jir ah waxa ay iyada iyo labo wiil oo ka yar ay ka mid yihiin 150 arday oo 10 bishii Sabteembar ee sanadkaan uu xirmay iskuulkooda. Waxaa saameeyay dagaal deegaanka Cadakibir oo Cadaado 65km u jirta ku dhex-maray dadka deegaanka iyo shabaab.
Qoyska carruurtan waxay u soo barakaceen degmada Cadaado oo ay ka daganyihhin xerada Cadakibir ee duleedka magaalada. Fartuun ayaa ka mid aheed kumanaan arday oo sanadkaan u diiwaan gashanaa in ay u fariistaan imtixanka shahaadiga ah ee dugsiga dhexe, balse rajadaas ayaa meesha ka baxday maaddaama aysan sanadkaan wax cashar ah qaadan.
“Markaan aragno arday iskuula u sii socoda annaguna aana waxbaran waxaan dareenaa muruggo badan, ardada fasalka sideedaadka ayaan anigu ka haray maadaama ardayda dhan dhiganayaan Iskuulada annagana aan ka harsan nahay fasal keena. Waxaan dareemaa aniga shacuur badan oo ah in aan fasal kaygii ka harsanahay iyada oo rool nambarkaygii ku jiro oo galaaskeenii dhamaa aan ka harnay, maadaama anagu aan jecel nahay in aan waxbaranno, balse ma noo suura galayso. Waalidiinteen ma awoodaan in aan waxbaranno maadaama aan halkaan qax ku nimid”.
Fartuun ayaa sheegtay in markii ay joogeen deegaankoodii uu wax barashada looga bixin jiray 200 neef oo ari ah oo ay dhaqan jireen, balse ay abaarta ku nacfi beeleen coladuna ay u siiraacday. Aabbaha reerka aya migiga deegaanka dhagaxdeer ku dhaqaya 120 neef oo u hartay oo aan lahay neef mac oo suuq lala hawoon karo.
Waxa ay Raadiyow ergo u sheegtay in waalidkeeda ay awoodi waayeen in iskuulada magaalada ay geeyaan si ay aan waxbarashadu uga istaagin oo aysan bixin karin qarashaadka ku baxaya sida ay sharraxayso.
“Iskuulada magaalada ku yaala ma awoodno anagu in aan dhiganno sababtoo ah iskuulada markii nala geeyo qarash ayaa nalaka rabaa buugaag ayaa nalaka rabaa marka ma awoodno in aan iska bixinno oo cuntadeenii ayaaba ku jirta halis annaga saan cunto ku helno ayaanba laga fakiraa, sidaas darteed sanadkaan waxaa noomuuqata in aana waxba baran karin”.
Maamulaha iskuulka Cadakibir Daahir Daa’uud oo la hadkay radio ergo ayaa sheegay in muddo labo sano ah ay ku soo shaqaynayeen daruufo dhaqaalo yari ah oo dadka aysan awoodin in ay carruurta ka bixiyaan qarashaad joogto ah, balse ay bishii ka qaadayeen $3, taas oo aan ku filnayn macalimiinta iskuulka dhigaysay oo ahaa ilaa shan macallin.
Waxa uu tilmaamay in waxa ardayda laga aruuriyo ay ku kabijireen kaalmo ay ka helaan wasaaradda waxbarashada Galmudug oo iskuulku ka diiwaan gashanaa oo macallinkiiba $100 sii jirtay, balse aan si joogto ah looga heli jirin.
“Iskuul intaas oo arday ay dhigato intaas oo fasal ka kooban waxa uu u baahan yahay macallimiin aad u badan macalimiin waliba tayo leh ayuu u baahan yahay. Markii abaarta iyo sicir-bararkii uu cirka isku shareeray waxaa meesha ka baxay taageeradii dhanka waalidiinta laga heli jiray, sidaas darteed bil haddii macallinku uu kuu samro isaga oo awalba caawin ahaa oo aan mushaar ku filan la sii jirin. Waxaa meesha ka baxay waxii yaraa ee nalakugu samrayay saas darteed waxaa soo deg-degtay in aan iskuulka si ku meel-gaar ah aan ku xirno”.
Maamulaha ayaa tilmaamay in iyaga ay daruufaha dhaqaale ee ay la wadaagaan tuulooyinka dhiggooda ah ee waxbarashadu ka istaagtay ay u dheertahay colaadaha deegaanka ku soo laalaabta, taas oo dhibaato wayn ku noqday waxbarashada carruurta. Waxa uu sheegay in wax kastaba haku qaadatee ay ku didaalayaan in mar iskuulku dib u shaqo bilaabo.
Deeqo Faarax shire waa Hooyada 8 carruur oo agoon ah. Waxa uu qoyskeedu dagan yahay miyiga deegaanka Qarsooni ee gobolka Mudug. Labo gabdhood oo ay dhashay ayaa ka mid ah Araday sanadkaan uu ka xirmay dugsiga hoose dhexe ee deegaanka.
Deeqo oo Gabdhaheedu ay ahaayeen fasalka todobaad ee dugsga dhexe waxa ay sheegtay in ay awoodi waysay in ay bixiso $5 oo bishii laga qaadi jiray qofkiiba maadaama abaartu ka nacfi tirtay 80 neef oo ari ah oo ay xoolo ka lahaayeen. Waxaay tilmaantay in dadka deegaanka qaar ay carruurtooda u dirteen magaalada Gaalkaco oo 40 km u jirta, balse iyadu ay u aamini waysay in gabdhaheeda ay dad ku eragto oo ay door biday in ay ku sugto xiligii iskuulka dib loo hawl galiyo.
“Igama suura gasho sababa too ah waxu waa gabar isma xadidi karto ismana xafidi kartoo jeeb yarana waa iska jirtaa in iskuul naloo furana rajaan ka qabnaa, hadday tahay gabdhaha ogaal koodii hadday tahay ciidan koodii hadday tahay Waxbarasho ahaan tayo ahaan meeshay marayso heerkay marayso oo lagaaga sheekaynayn aan la oranayn ilmahaagii waa saas gurigoodiina kuu joogo faa’iido aan la soo koobi Karin ayaa noogu jirta”
Hooyadaan waxa ay tilmaanay in carruutra oo ay kaligeed korisan jirtay ay xiligaan ku jiraan hubanti la’aan dhaqaale tii ugu liidatay noloshooda abaarta oo labo sano soo jiitamaysay darteed. Waxa ay sheegtay in hadda roob aan badnay uu u da’ay balse uusan wali soo saarin nacfi ay xooluhu ku naaxaan.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoorre ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in abaarta iyo colaadaha ka jira deegaanno badan oo Galmudug ah ay si wayn u saameeyeen waxbarashada.
Waxa uu tilmaamay in wasaaraddu ay dib u hawl-galisay 20 ka mid ah xarumahaas halka 70 kale ay wali xiran yihiin. Wasiirka ayaa xusay inaysan jirin miisaaniyad dhaqaale oo maamulka Galmugug uu ugu talagalay waxbarashada. Sia uu sharraxayo.
“waxa kaliya ee aan samayn karno ee iskuuladaas dib loogu hawl-gali karo waxa ay tahay in an hay’adaha iyo deeq bixiyaasha inta la fariisano aan niraah, adigu meeqo iskuul ayaa dib u soo hawl-galin kartaa? saas in aan u shaqayno oo anagu aan u noqono hab u dhaxeeya oo iyagaas isku xiraaya maahane wax bajad iyo miisaaniyad ah oo wasaaradda maaliyadda Galmudug ay u qoondayso oo la siiyo anagu ma hayno. Waxa aan ku shaqaynayno waa in aan deeq bixiyaasha indhahooda ku soo jeedinno daruufaha haysta waxbarashada Galmudug”.
waxuu tilmaamay in arrntaan aysan saamayn xarumaha ku yaalla tuuloyinka miyiga oo kaliya ee sidaas si la mid ah magalooyinka waawayn laga dareemay. Waxuu xusay in waxbarashada Soomaaliya ay ku tiirsan tahay waaliddiinta oo daruufo adag wax ku bara carruurtooda isla markaana aysan sii wadi karin haddi suuq xumadaan iyo sicir-bararku sii socdan. Waxuu muujiyay in aysan rajo ka qabin in ay wax ka qabtaan.
“Waxbarashada Galmudug maalin kasta ayaan dayac iyo daruuf iyo wax aana waxba ka qaban karin la kulannaa oo qof bini’aadan ah oo qalbi leh uusan u calool adaygi karin, marka waxaan rajaynaynaa in anaga waxii noo qabsoma maahane kuwa kalana in markooda wax laga qabto, laakiin anagu waxaan ku jirnaa hubanti la’aan in aanan hubin in aaniskuuladaas wax ka qaban karno ileen wax bajad ahna ma hayno intii aan awoodnay oo eheed in aan deeq bixiyaasha ku qaylinana waan ku qaylinnay”
Markasta oo ay abaartu sii daba dheeraato ayaa la filan karaa in ay sii xirmaan iskula kale oo hor leh, maadaama dadka kunool deegaanada Gamudug ay ku tiirsan yihiin xoolaha nool iyo beeraha.










