(ERGO) – Afartii bil ee la soo dhaafay waxaa sii kordhay tirada dadka xoolo-dhaqatada ah ee keymaha jaraya ee ku nool degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Tuulooyinka Deri-yaxye, Geeddi-maal, Rijiimo iyo Layma ayaa ah meelaha ugu badan ee hadda laga shido dhuxusha.
Inkastoo xoolo-dhaqatada dhuxusha shida ay ogyihiin in arrintaan ay deegaankooda dhibaato ku keeni karto haddana waxay ku doodayaan inay waayeen shaqooyin kale oo ay qoysaskooda ku biilaan.
Ismaaciil Xasan Guuleed oo ah aabbaha toban carruur ah oo ku nool miyiga tuulada Rijiimo wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in shidista dhuxusha uu billaabay markii ay ka le’deen labo boqol oo ari ahaa oo u lahaa dabayaaqadii 2017. Wuxuu xusay in hadda keymihii ay xaalufeen oo ay shidaan jiridda ka hartay geedihii ay horay u gooyeen.
“Geedku waa noole oo xoolaha nool ayaa ku nool waan garanayaa inuu dhulku xaaluufayo. Haddana nin qoyani biyo iskama dhawree, markay dad iyo geed kuu noqoto la eegi maayo dhir nafteeda. Anigu adhigii haddii uu iga baxay cid uma danaynayo, iminka carruurtu si aanay u bariis beelin ayaan falawgeeda [jidkeeda] hayaa,” ayuu yiri.
Duruufaha ay abaartu badday iyo nolol-maalmeedka carruurta oo aanu garanayn shaqo kale oo uu uga soo saaro ayuu sheegay inay ku khasbayso inuu dhirta gooyo. Ismaaciil dhaawac gacanta ah ayaa ka soo gaaray bishii lixaad ee sanadkaan kaddib markii uu isku dhuftay gudin/misaar uu geed ku jarayay.
“Waddanka shaqo ma jirto waa miyi meesha aan joogo, miyigana waxaa laga yaqaannaa beero iyo dhuxul. Wax dhaama haddii aan hayo deegaanka waan badbaadin lahaa, laakiin wax manfac leh oo dhaama ayaan jirin,” ayuu yiri.
Maxamed Cabdi Cilmi oo ku nool tuulada Darar-wayne ayaa sidoo kale billaabay shidashada dhuxusha 2019-kii, kaddib markii uu ari saddex boqol ahaa iyo 50 neef oo geel ahaa ay abaartu uga reebtay konton ari ah iyo shan geel ah oo keliya.
Wuxuu xusay in shidashada dhuxusha ay ku riixday duruuf-nololeed oo soo food-saartay qoyskiisa. Xoolaha u haray ayuu sheegay inuu iibsan lahaa balse uu suuq u waayay.
Maxamed oo ah aabaha siddeed carruur ah ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dhibaato ay ku keenayso deegaankiisa dhirta uu sida maalinlaha u dhuxuleeyo, hase yeeshee ay shaqo-la’aan ka jirta tuuladiisa ku kallifeyso xaluufinta dhirta.
Ninkaan ayaa tilmaamay inay ku adkaatay inuu magaaloyinka shaqo ka raadsado, carruurtiisa oo kan ugu weyn uu sagaal jir yahay oo aan u kaga tagi karin baaddiyaha awgeed.
Kaynta ku dhow gurigiisa waxay dhirta ku gooyaan siddeed nin oo kale oo ay isku deegaan yihiin. Waxaa dhuxusha ka iibsada marka ay gubaan dad ganacsato ah.
Maxamed waxaa uu xusay in marar kala duwan uu dhuxuleynta dhirta kala kulmay xadhig, iyadoo markii ugu dambeysay uu toddobo maalmood ku xirnaa saldhigga Ceel-afweyn bishii Abriil ee sanadkan.
Wuxuu tilmaamay in shaqo-abuur kale oo loogu sameeyo deegaankiisa inuu ku dayn lahaa goynta dhirta.
Duqa Ceel-afweyn, Maxamed Digaale ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xafiiskiisa uu 10-kii bishii Nofeembar ee sanadkaan billaabay la-dagaallanka xaalufka. Waxay baabi’iyeen ilaa sagaal saldhig oo dhirta lagu dhuxuleyn jiray.
“Faashash af badan oo casri ah ayaa lagu jarayaa dhirtii iyo mashiino. Marka kayn la dhameyo mid kale ayaa looga gudbayaa, wixii nabaad ahaa ee kaynta ku yaallay dhuxusha ayaa dusha laga saaraaa si ay u bislaato. Dhuxushii way badatay oo wax walba meeshoodii ayaa loogu keenayaa, jaadkii iyo raashinkii meel kale kayntii ugama baxayaan. Way hubaysan yihiin oo cabsi amni-darro ayaa jirta iyagoo kaymihii baabi’inaya,” ayuu yiri.
Inkastoo xeerka ilaalinta kaymaha iyo dhirta ee Somaliland uu dhigayo inay sharci-darro tahay dhuxuleysiga dhirta oo saddex sano lagu xukumo dadka la qabto, haddana xeerkaasi si wanaagsan ugama dhaqan-gelin deegaanada Somaliland.
Magaaloyinka waaweyn waxaa dhuxusha lagu iibiyaa suuqyada waaweyn oo meelo si gaar ah looga helo. Booliiska jooga baraha laga soo galo magaalooyinka wuxuu gaariga dhuxusha soo gelinaya ka qaadaa ganaax siddeed boqol oo kun ilaa iyo hal milyan oo shillin Somaliland ah, kaddibna waxaa loo fasaxaa inuu dhuxusha sii geliyo magaalada.