Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqatada Somaliland oo saameynta abaarta awgeed u weecday dhuxuleynta dhirta

Radio Ergo by Radio Ergo
December 10, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia latest news, Somali live news, Humanitarian news, Radio Ergo news

Saldhig dhuxusha lagu gubo oo ku yaalla Mudug, halkaas oo uu maamulka uu sidoo kale la-dagaallamayo reer-guuraaga dhuxusha ka ganacsada/Cali Xasan/Ergo

16
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afartii bil ee la soo dhaafay waxaa sii kordhay tirada dadka xoolo-dhaqatada ah ee keymaha jaraya ee ku nool degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Tuulooyinka Deri-yaxye, Geeddi-maal, Rijiimo iyo Layma ayaa ah meelaha ugu badan ee hadda laga shido dhuxusha.

Inkastoo xoolo-dhaqatada dhuxusha shida ay ogyihiin in arrintaan ay deegaankooda dhibaato ku keeni karto haddana waxay ku doodayaan inay waayeen shaqooyin kale oo ay qoysaskooda ku biilaan.

Ismaaciil Xasan Guuleed oo ah aabbaha toban carruur ah oo ku nool miyiga tuulada Rijiimo wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in shidista dhuxusha uu billaabay markii ay ka le’deen labo boqol oo ari ahaa oo u lahaa dabayaaqadii 2017. Wuxuu xusay in hadda keymihii ay xaalufeen oo ay shidaan jiridda ka hartay geedihii ay horay u gooyeen.

“Geedku waa noole oo xoolaha nool ayaa ku nool waan garanayaa inuu dhulku xaaluufayo. Haddana nin qoyani biyo iskama dhawree, markay dad iyo geed kuu noqoto la eegi maayo dhir nafteeda. Anigu adhigii haddii uu iga baxay cid uma danaynayo, iminka carruurtu si aanay u bariis beelin ayaan falawgeeda [jidkeeda] hayaa,” ayuu yiri.

Duruufaha ay abaartu badday iyo nolol-maalmeedka carruurta oo aanu garanayn shaqo kale oo uu uga soo saaro ayuu sheegay inay ku khasbayso inuu dhirta gooyo. Ismaaciil dhaawac gacanta ah ayaa ka soo gaaray bishii lixaad ee sanadkaan kaddib markii uu isku dhuftay gudin/misaar uu geed ku jarayay.

“Waddanka shaqo ma jirto waa miyi meesha aan joogo, miyigana waxaa laga yaqaannaa beero iyo dhuxul. Wax dhaama haddii aan hayo deegaanka waan badbaadin lahaa, laakiin wax manfac leh oo dhaama ayaan jirin,” ayuu yiri.

Maxamed Cabdi Cilmi oo ku nool tuulada Darar-wayne ayaa sidoo kale billaabay shidashada dhuxusha 2019-kii, kaddib markii uu ari saddex boqol ahaa iyo 50 neef oo geel ahaa ay abaartu uga reebtay konton ari ah iyo shan geel ah oo keliya.

Wuxuu xusay in shidashada dhuxusha ay ku riixday duruuf-nololeed oo soo food-saartay qoyskiisa. Xoolaha u haray ayuu sheegay inuu iibsan lahaa balse uu suuq u waayay.

Maxamed oo ah aabaha siddeed carruur ah ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dhibaato ay ku keenayso deegaankiisa dhirta uu sida maalinlaha u dhuxuleeyo, hase yeeshee ay shaqo-la’aan ka jirta tuuladiisa ku kallifeyso xaluufinta dhirta.

Ninkaan ayaa tilmaamay inay ku adkaatay inuu magaaloyinka shaqo ka raadsado, carruurtiisa oo kan ugu weyn uu sagaal jir yahay oo aan u kaga tagi karin baaddiyaha awgeed.

Kaynta ku dhow gurigiisa waxay dhirta ku gooyaan siddeed nin oo kale oo ay isku deegaan yihiin. Waxaa dhuxusha ka iibsada marka ay gubaan dad ganacsato ah.

Maxamed waxaa uu xusay in marar kala duwan uu dhuxuleynta dhirta kala kulmay xadhig, iyadoo markii ugu dambeysay uu toddobo maalmood ku xirnaa saldhigga Ceel-afweyn bishii Abriil ee sanadkan.

Wuxuu tilmaamay in shaqo-abuur kale oo loogu sameeyo deegaankiisa inuu ku dayn lahaa goynta dhirta.

Duqa Ceel-afweyn, Maxamed Digaale ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xafiiskiisa uu 10-kii bishii Nofeembar ee sanadkaan billaabay la-dagaallanka xaalufka. Waxay baabi’iyeen ilaa sagaal saldhig oo dhirta lagu dhuxuleyn jiray.

“Faashash af badan oo casri ah ayaa lagu jarayaa dhirtii iyo mashiino. Marka kayn la dhameyo mid kale ayaa looga gudbayaa, wixii nabaad ahaa ee kaynta ku yaallay dhuxusha ayaa dusha laga saaraaa si ay u bislaato. Dhuxushii way badatay oo wax walba meeshoodii ayaa loogu keenayaa, jaadkii iyo raashinkii meel kale kayntii ugama baxayaan. Way hubaysan yihiin oo cabsi amni-darro ayaa jirta iyagoo kaymihii baabi’inaya,” ayuu yiri.

Inkastoo xeerka ilaalinta kaymaha iyo dhirta ee Somaliland uu dhigayo inay sharci-darro tahay dhuxuleysiga dhirta oo saddex sano lagu xukumo dadka la qabto, haddana xeerkaasi si wanaagsan ugama dhaqan-gelin deegaanada Somaliland.

Magaaloyinka waaweyn waxaa dhuxusha lagu iibiyaa suuqyada waaweyn oo meelo si gaar ah looga helo. Booliiska jooga baraha laga soo galo magaalooyinka wuxuu gaariga dhuxusha soo gelinaya ka qaadaa ganaax siddeed boqol oo kun ilaa iyo hal milyan oo shillin Somaliland ah, kaddibna waxaa loo fasaxaa inuu dhuxusha sii geliyo magaalada.

Previous Post

Kalluumeysatada Mudug oo caqabado kala kulmaya kalluumeysato shisheeye oo u soo dhowaada xeebaha

Next Post

Qoysas abaarta uga soo barakacay Bay oo cunto-yari iyo hoy-la’aan ay ku haysato Muqdisho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Humanitarian news, Radio Ergo news, Mogadishu live news, IDPs

Qoysas abaarta uga soo barakacay Bay oo cunto-yari iyo hoy-la’aan ay ku haysato Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo