Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas abaarta uga soo barakacay Bay oo cunto-yari iyo hoy-la’aan ay ku haysato Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
December 14, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Humanitarian news, Radio Ergo news, Mogadishu live news, IDPs

Qoysas ka soo barakacay abaarta gobolka Bay oo nolol adag ay ku haysato kaamka Tuurey ee duleedka Muqdisho/Naciima Saciid Saalax/Keydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Farxiya Maaddey Maxamed oo ka soo barakacday deegaanka Buur-hakaba oo ay ku lahayd beer yar oo ay abaartu ka saameeysay, waxay hadda nolol adag ku wajahaysaa kaamka Tuurey oo ku yaalla duuleedka magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay labo boqol oo qoys oo ku sugan kaamka, kuwaas oo ka soo barakacay deegaannada Hawa bar-baaro, Waaqo, Gubta, Diinsoor, iyo Buur­hakabo ee gobolka Bay.

Waxay xustay in abaarta ay uga dhinteen saddex neef oo ari ahaa. Shan neef oo uga hartay xoolaheeda ayay tilmaantay in labo ay qasheen intii ay joogeen Buurhakabo. Saddex u soo hartay ayay iibisay si uu qoyska uga dhigto gaari-raac.

Qoyskeeda oo ka kooban afar qof ayaa noloshiisa ku maareeya lacag $1 ilaa $2 ah oo ay ka hesho howl nadaafadeed iyo dhar-dhaqis oo ay ka qabato xaafadaha magaalada. Waxay xustay in shaqada dhar-dhaqista ah aysan si joogto ah u helin.

“Haddii wax la soo helo ilmaha ayaa dabka loogu shiidaa, haddii la soo waayo waa layska fadhiyaa. Wax nagu filan ma haysanno wuxuu Ilaahay na siiyo waan cunaynaa haddii ilmaha hal waqti loo helo waan u karsanaynaa,” ayay tiri.

Farxiya oo aan wali helin meel ay degto ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in baahiyaha ugu daran ee hadda haysta ay yihiin hoy-la’aan, helista biyaha iyo musqul.

Dadka ku nool kaamka Tuurey waxay biyaha ka iibsadaan tubbo ku taalla gudaha kaamka. Tubbada ayaa maalmaha qaar labo ilaa iyo saddex maalin biyo-la’aan ahaata. Labaatanlaha biyaha ayaa lagu kala iibsadaa kun shillin Soomaali ah. Helista lacagtaan ayaa ku adag dadka ku nool kaamka.

“Biyaha hal tubbaa ku taalla, mar waa iska baxee, mar waa imaanee. Hadda shalay ayay baxeen, saaka way imaadeen hadda way maqan tahay. Musqulna ma haysanno, laba musqul ayaa la iska sugaa, rafaadkaasaan ku joognaa,”

Hooyadaan ayaa haysata 3 carruur ah oo labo ay maqalka naafo ka yihiin. Aabbaha carruurta ayay sheegtay inay kala tageen labo sano ka hor. Wax dhaqaale ah kuma caawiyo carruurtiisa.

Faadumo Cali Muumin, waxay iyada iyo qoyskeeda oo ka kooban shan qof soo gaareen magaalada Muqdisho koowdii bishaan Diseembar. Waxay ka soo barakaceen abaarta deegaanka Gubta oo hoostagta Buurhakabo.

Qoyskan ayaa ahaa beeraley iyo xoolo-dhaqato ku tiirsanaa xoolahooda iyo dalagyada uga soo bixi jiray beertooda, taas oo ay ku wazyeen abaarta. Waxay hadda dulsaar ku yihiin qoys ay qaraabo yihiin oo uga soo horreeyay kaamka.

Faadumo waxay carruurteeda dabka u shiddaa hal waqti maalinkii oo dhan. Raashinka ay u kariso ayay ka soo dawarsataa magaalada iyo xaafadaha ku dhow kaamka Tuurey.

”Ninkeyga ma yaqaanno Xamar. Xoolihii iyo beertii abaar ayaa naga dhameysay oo wax la cunayo malahan. Ma shaqayn kari hadda haddii shaqo la ii keeno, sagaalaad ayaan galay bishan, barri haddaan dhalo wax aan cuno mahaysto,” ayay tiri Faadumo oo xaamilo ah.

Waxay tilmaantay in saddex neef, oo ka tirsanaa sagaal ari ah oo ay dhaqaneyeen, ay uga dhinteen biyo iyo baad la’aan awgeeda. Labo neef oo ka tirsan arigii u soo haray ayay xustay inay u qashay carruurteeda, halka labo kale ay ku beddelatay masaggo. Labadii neef ee ugu dambeeyay xoolaheeda ayay ku iibisay $20 oo ay ku soo raaceen gaariga keenay Muqdisho.

Faadumo walwalkeeda ugu daran hadda ayaa ah sida uu xaalka noqon doono marka la gaaro xilliga dhalmadeeda oo ku aaddan dhamaadka bishaan, maaddaama aysan haysan dhaqaale ay ku aaddo isbitaalka.

Previous Post

Xoolo-dhaqatada Somaliland oo saameynta abaarta awgeed u weecday dhuxuleynta dhirta

Next Post

Qoysas abaartu ku barakicisay Jalalaqsi oo lagu caawiyay beero ay si kumeel-gaar ah u tacbadaan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Somalia live news, Radio Ergo news, Somalia live news, Humanitarian news

Qoysas abaartu ku barakicisay Jalalaqsi oo lagu caawiyay beero ay si kumeel-gaar ah u tacbadaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo