Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kalluumeysatada Mudug oo caqabado kala kulmaya kalluumeysato shisheeye oo u soo dhowaada xeebaha

Radio Ergo by Radio Ergo
December 9, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Somalia news, Humanitarian news, Radio Ergo news

Keydka sawiradda/Ergo

3
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kalluumeystada ka jilaabta xeebaha deegaannada Labad, Iidaan iyo Af-wayn ayaa wajahaya is-hortaag ay wax-soo-saarkooda badda ku sameeyeen kalluumeysato shisheeye ah oo ku sugan xeebaha gobolka Mudug. Arrintan waxay shaqo-la’aan ka dhigtay boqol iyo konton kalluumeysato ah oo ka soo jeeda qoysas danayar ah.

Saciid Yaasiin Cilmi iyo lix shaqaalihiisa ah, waxay la kowsadeen bartamihii bishii 9-aad ee sanadkan oo la galay bad-furanka weerarro iyo burburin qalab oo kaga imaanayay kalluumeysatadaas oo wata doonyo iyo hub.

Saciid ayaa sheegay in uu go’aansaday joojinta shaqadiisa billowgii bishii Oktoober, markii hal toddobaad gudihiis ay labo jeer halis-galiyeen kooxahaas oo rasaas u adeegsaday, inkastoo aysan dhibaato ka soo gaarin.

Shaqo-joojintiisu waxay saamaysay nolosha qoyskiisa oo 10 qof ah. Waxaa meesha ka baxay raashin uu u deymanayay qoyskiisa labadii bil ee u dambeeyay.

“Qofkii dukaanka daynta kaa siinayay haddaad xeebtii adigii iska taagan tahay oo aadan wax soo saareyn horta waxba ku siin mahayo. … Noloshu mid la faalleyn karo maahan waxaa weeye dadkan waxay badda ka soo saartaan bay ku noolaayeen. Shaqaalihii ii shaqaynayay qof walba meeshuu aadi karay buu aaday oo naftiisa meeshuu uu ku maarayn karo. Dadkii inta ka shaqaysan jiray shaqo la’aan bay xeebaha la wada fadhiyaan, maraakiibtaas iyo doomahaas baa ka shaqaysanaya.”

Qoyskiisa ayuu hadda raashinka ugu iibiyaa lacag labadii maalinba mar ay telefoonka ugu soo diraan dad ehelkiisa ah oo jooga Gaalkacyo iyo Muqdisho. Wuxuu xusay in aysan ku filneyn lacagtaas, maaddaama isu-geyn toddobaadkii uu ka helo waxaan ka badnayn $5.

Wuxuu tilmaamay in maalmaha qaar carruurtiisa uu u waayo hal waqti waxay cunaan, taasi oo walwal xooggan ku haysa.

Inta aysan caqabadda soo wajihin, Saciid wuxuu iskaga filnaa nolol-maalmeedka qoyskiisa. Wuxuu shaqadiisa helayay maalintii $30 ilaa $40. Lacagtan ayuu ku dabbarayay arrad-tirka qoyska iyo cunnadooda, taasi oo hadda meesha ka baxday.

Saciid wuxuu rajo ka qabaa in xaaladdan ay is-beddeli doonto.

Wuxuu ku shaqeysanayay doon uu leeyahay iyo agabka lagu jillaabto, inkastoo saddex shamaagood oo middiiba ay ku fadhido lacag dhan $80 oo ay ka jareen doomaha oo uu tilmaamay in ay ‘kalluumeysi sharci-darro ah’ ka wadaan xeebta deegaankiisa.

Shaqada doontiisa waxaa ku tiirsanaa lix shaqaalihiisa ah oo maalintii uu mushaar ahaan uu u siinayay min $10.

Nuur Khaliif Aadan iyo 50 kalluumeysato ah oo uu guddoomiye u yahay ayaa iyadoo ay jiraan caqabadahaas uga imaanaya kooxaha hubeysan, haddana weli isku dayaya inay shaqooyinkooda sii wataan. Waxay ka howlgaan deegaanka Iidaan oo 40 km u jira Hobyo.

Nuur ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in 24-kii saacba ay labo saac oo ka mid ah si dhuumaaleysi ah u kalluumeystaan.

Shamaagaha ayay dhigtaan meel xeebta u jirta wax ka yar hal meyl iyagoo isku beega qorrax-dhaca oo ay aaminsan yihiin in dhaqdhaqaaqa doomaha shisheeye aysan badnayn.

Sidaas oo ay tahay waxay la kulmaan dhibaatooyin sida uu sharraxayo Nuur.

“Shaqadu gabaabsi weeye wax na fleh ma ahan, haddii aan laga qabanna waxaa weeye way ka sii dareysaa. Nolosha waa la maaraynaa si kasta ha lagu maareeyee, shabaqii uu caawa dhigto ama berri uu dhigto waa la soo jarayaa asagoo eber ah baad ugu tageysaa meeshii, marka dhibaatadaas baa meesha ka jirta. Waxaasna waa maraakiib xun oo sharci darro ah oo tirada ka batay baa iska dhooban, oo dadkiina aysan gali karin, aysan u dhawaan karin oo ay soo xabadaynayaan.”

Kalluumaysatada uu ka mid yahay waxay wajahayaan kalluun yari, Wuxuu xusay in ay xoogga saaraan isaga iyo ragga la shaqaynayay in ay soo helaan dhowr xabbo oo kalluun ah oo qoysaskooda ay cunno uga dhigaan.

Nuur ka hor shaqo-xumada maalintii wuxuu ku xisaabtami jiray 15 kiilo oo kalluun ah oo uu ku iibin jiray $75. Lacagtaan ayuu $30 ka mid ah mushaar ahaan u siin jiray saddex shaqaalihiisa ah.

“Kalluunku wuxuu leeyahay meel uu ku hoydo, guri buu leeyahay sida dadka guri u leeyihiin buu guri u leeyahay. Gurigii haddii laga jabiyana meesha ma ku hakanayo wuu tagayaa nabaad-guur baa ku dhacay. Kalluumeysigu sharci buu leeyahay, sharcigaasna haddii aan lagu dhaqmin dhibaataa ka imaanaysa.”

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qayb ka tahay shaqo-xumada ay wajahayaan, maaddaama doomaha shisheeye ay siisay shati ama aqoonsi ay ku kalluumeysan karaan, iyadoo aan xil iska saarin dhibaatada ay u gaysan karaan dadka deegaanka ee noloshoodu ay ku tiirsan tahay badda.

Agaasimaha wasaaradda Kalluumeysiga Galmudug, Cabdirashiid Maxamed Cabdi ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay ka war-hayaan maraakiib iyo doomo shisheeye oo shati wata laakiin hab-dhaqankooda uu u keenay kalluumaystada deegaanka dhibaato xooggan.

Galmudug ayuu xusay in aysan awood badan u lahayn xakamaynta falalka kooxaha shisheeye oo uu ku tilmaamay kuwo ‘gurracan’.

Wuxuu sheegay in Galmudug iyo dowladda dhexe ay wadaan qorshe lagu dhisayo ciidamo ilaaliya xeebaha oo ka hortaga kalluumeystada shisheeye in ay xeebta u soo jirsadaan wax ka yar 50 meyl. Wuxuu rajeynayaa in qorshahan ay la kaashan doonaan ciidamada Midowga Yurub ee jooga xeebaha Hobyo.

Previous Post

Reer-miyiga oo carruurtooda waxbarashada ka reebaya si ay xoolaha uga badbaadsadaan abaarta

Next Post

Xoolo-dhaqatada Somaliland oo saameynta abaarta awgeed u weecday dhuxuleynta dhirta

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Somalia latest news, Somali live news, Humanitarian news, Radio Ergo news

Xoolo-dhaqatada Somaliland oo saameynta abaarta awgeed u weecday dhuxuleynta dhirta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo