Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Reer-miyiga oo carruurtooda waxbarashada ka reebaya si ay xoolaha uga badbaadsadaan abaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
December 7, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Keydka Ergo

10
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku nool gobolka Hiiraan ayay dantu ku khasabtay inay carruurtooda ka reebaan iskuulladii ay dhigan jireen si ay xoolahooda uga badbaadsadaan abaarta.

Cabduqaadir Cali Iidow, oo ah aabbaha siddeed carruur ah, wuxuu qoyskiisa kala barakacay abaarta ka jirta tuulada Jiracle. Wuxuu hadda joogaa tuulada Garasta ee degmada Maxaas. Saddex ka tirsan carruurtiisa oo u dhiganaysay dugsiga hoose-dhexe ee Cismaaan Maalin oo ku yaalla Jiracle ayaa hadda waxbarasho-la’aan ah.

“Xoolaha ayaan ku noolaa oo aan isticmaalayay, iyagaan waxbrashada iyo biilka uga bixin jiray. Maaddaama xaaladda ay xumaatay oo deegaankii ay roob ka waayeen iyagiina xoog waa looga maarmi waayey. Noloshii xoolaha maaddaama ay ku baaba’ayso, sidaas ayaa looga raray meesha, carruurtiina looga waday,” ayuu yiri.

Ninkaan iyo qoyskiisa waxay biyaha ka iibsan jireen booyado biyaha keena deegaanka oo aan ceel lahayn. Fuustada biyaha ah oo ay booyaduhu iibinayeen afar doollar ayuu sheegay inuu awoodi waayay gadashadeeda. Taas ayaa ku khasabtay in 200 oo neef oo ari ah iyo 59 geel ah uu ula hayaamo tuulada Garasta.

“Waxaa ii qorshe ah inaan iskuulka dib ugu soo celiyo oo ay wax ii bartaan haddii uu roob da’o oo xaaladda sidii la rabay uu Alle ka dhigo. Waxaan dareemayaa in waxabarashada ay [waxtar] leedahay oo iftiinka ummadda ay tahay,” ayuu yiri.

Hase ahaatee, shan ka tirsan carruurtiisa waaweyn ayaa wali wax uga baranaya dugsi sare iyo Jamacad ku taalla magaalada Beledweyne.

Khaliif Xasan Axmed, maamulaha guud ee iskuulka hoose-dhexe ee Cismaan Maalin ee deegaanka jiracle ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in 70 ka tirsan 320-kii arday ee dhiganaysay iskuulka ay la hayaameen waalidiintooda.

Macallin Khaliif ayaa xusay in xilligaan ay dareemayaan welwel la xiriira sii joogista ardayda hadda iskuulka dhigata ee deegaanka ku hartay haddii ay abaartu sii darsato, maaddaama ay iyagana ka soo jeedaan qoysas xoolo-dhaqato ah.

Wuxuu tilmaamay in qaar ka tirsan macalimiinta iskuulka oo iyaga naftooda ah xoolo-dhaqato ay ula hayaameen xoolahooda deegaannada ay daruuruha ka da’een.

Maxamed Cismaan, oo ah aabbaha toddobo carruur ah, wuxuu qoyskiisa kala soo barakacay deegaanka Beergadiid ee degmada Matabaan dhamaadkii bishii Oktoobar ee sanadkaan. Shan ka tirsan carruurtiisa oo dhiganaysay dugsiga hoose-dhexe ee Beergadiid ayaa hadda ku ilaaliya deegaanka Teedan ee degmada Maxaas 138 neef oo ari ah iyo 38 geel ah oo uu qoyska halkaas ula barakacay.

Carruurta ayaa sidoo kale qoyska ka caawiya soo dhaaminta biyaha, maaddaama meesha ay tuulada ka deggan yihiin ay ceelka u jirto 21 km.

Ninkaan iyo qoyskiisa waxay waddada labada tuulo u dhaxeysa oo 109 km ah ay ku soo jireen shan maalin. Xoolahooda ayaa hadda ka soo kabanaya abaarta kaddib markii ay biyo iyo baad uga heleen tuulada Teedan.

Maxamed ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu ka soo guuro tuulada Beergadiid markii ay xoolihiisa ay billaabeen dhimashada. Waxaa ka dhintay 12 neef oo ari ahaa, oo shan ay irmaanaayeen.

Qoyska Maxamed ayaa karsada raashin uu deyn uga soo qaatay dukaamo ku yaalla deegaanka Beergadiid, ka hor inta uusan soo barakicin. Wuxuu rajeynayaa inuu daynta iska bixiyo marka ay xoolihiisa ka soo kabtaan abaarta oo ay suuq yeeshaan.

Previous Post

Abaarta Gedo oo saameysay ganacsatadii ku tiirsanaa xoolo-dhaqatada

Next Post

Kalluumeysatada Mudug oo caqabado kala kulmaya kalluumeysato shisheeye oo u soo dhowaada xeebaha

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Somalia news, Humanitarian news, Radio Ergo news

Kalluumeysatada Mudug oo caqabado kala kulmaya kalluumeysato shisheeye oo u soo dhowaada xeebaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-MAY-2026

IDAACADDA 23-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo