Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Abaarta Gedo oo saameysay ganacsatadii ku tiirsanaa xoolo-dhaqatada

Radio Ergo by Radio Ergo
December 7, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia latest news, Humanitarian news, Radio Ergo news, Somalia live news

Ibraahim Cabdirashiid Daahir waxaa ka joogsaday ganaacsigiisa iibinta caanaha geela kaddib markii ay xoolo-dhaqatadii uu ka soo iibsan jiray ay guureen abaarta darteed/Maxamuud Cabdirashiid/Ergo

12
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ibraahim Cabdirashiid Daahir wuxuu qoyskiisa oo ka kooban afar qof ku biilaa lacag yar oo uu ka helo mootadiisa oo uu isbuucii mar ama labo jeer magaalada Luuq ku geeyo rakaab uu ka qaado tuulada Qooney.

Ninkaan ayaa ku tiirsanaa ganacsiga caanaha geela oo uu miyiga ka soo iibsan jiray kaddibna uu tuuladiisa ku iibin jiray. Abaarta ka jirta gobolka ayaa ganacsigiisa saameysay, maaddaama xoolo-dhaqatadii uu caanaha ka soo iibsan jiray ay geelooda la hayaameen si ay biyo iyo baad ugu helaan.

Wuxuu rakaabkiisa ka qaadaa $12 ilaa $15, inkastoo dadkii u safri jiray magaalada ay yaraadeen, saameyn la xiriira abaarta awgeed. Tuulada Qooney waxay magaalada Luuq u jirtaa 45 km.

Wuxuu xusay in maalintii uu tuulada Qooney mootadiisa ku geyn jiray sagaal ilaa 18 liitar oo caano ah oo uu ka soo iibsan jiray baadiyaha tuuladiisa. Litarkii caanaha ayuu sheegay inuu ku soo iibsan jiray $2.5, wuxuu na ku iibin jiray $4.5. Wuxuu maalinkii faa’iido ahaan u heli jiray $25 ilaa $36.

“Geelii aan caanaha ka soo qaadi jiray ayaa kala guuray. Geelii ugu dambeyay oo la dhaho geel xaar oo daaqa geedka cadayga ayaa bishan [Nofeembar] ka guuray meeshi aan ku ogaa. Hadda wax caano ah ma keeno,” ayuu yiri Ibraahim.

Dadka miyiga deggan ayaa sidoo kale u soo dirsan jiray lacag uu ugu gado raashin oo uu mootadiisa ugu gayn jiray deegaannada ay joogaan marka uu caanaha doonayo. Wuxuu ka qaadan jiray lacag u dhexeysa $5 ilaa $15, taas oo ku xirneyd fogaanta. Balse, wax lacag haysta ayaan jirin maalmahaan.

Axmed Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo mehrad ku leh tuulada Qooney ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in $5,000 ay uga maqan tahay 17 qoys oo dukaankiisa deyn uga adeegan jiray. Wuxuu xusay in 50 qoys ay ku xirnaayeen meheraddiisa, balse ay hadda u soo hareen 12 qoys oo keliya, kuwaas oo dibadda laga soo biilo.

“Waan la hadlay dadka aan deynta ku leeyahay, waxaan u sheegay inaan lacagtii u baahanahay. Waxay igu dheheen xilligaan waxba la isma waydiiyo oo hadda ayaan baahannahay, marka waa gartood oo waan iska aamusay. Wax kale oo aan sameeyo ma jiraan, wayba kula yaabayaan!” ayuu yiri Axmed.

Wuxuu tilmaamay in maalmaha qaar uu galabkii xiro mehraddiisa isagoo aan waxba iibin maalintii oo dhan.

Axmed, oo ah aabbaha lix carruur ah, wuxuu hadda ka welwelsan yahay sidii uu qoyskiisa ku biili lahaa. Waxaa lagu leeyahay lacag $7,250 oo uu mehraddiisa ugu soo adeegay. Waxaa lacagta ku leh bakhaarro ku yaalla magaalada Luuq. Wuxuu sheegay in bakhaarradii ay u diideen deyn kale inta uu iska bixinayo deynta hadda lagu leeyahay.

“Hadda, haddii aad raashin keento waa la kala qaadanayaa lacagna kama soo xaroonayso waayo dadku way baahan yihiin. Waa dhac abaareed ee dhac bani’aadam ma aha,” ayuu yiri.

Waxay abaarta sidoo kale saameysay 300 oo dallaal oo ka shaqeyn jiray seyladda Luuq, kuwaas oo hadda ah baagamuundo.

Axmed Xaaji Cabdi oo ka mid ah dallaaliintaas ma uusan iibin wax xoolo ah tan iyo billowgii bishii Nofeembar, maaddaama aan wax xoolo ah la keenayn seyladda.

“Suuqaan iska tagaa waxba ma hayo, reerkii kuma noqon karo, awlaaddii kuma noqon karo. Weligay guriga kama quraacan jirin kama qadayn jirin habeenkii un baan ku noqon jiray laakiin hadda aniga ayaanba koob shaah ah heli karin,” ayuu yiri Axmed oo ka walaacsan xaaladda adag ee soo food saartay.

Axmed oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inuu seyladda ka soo heli jiray 300,000 oo shillin Soomaali ah ilaa iyo labo milyan ($11 ilaa $74) maalinkii, intii ay seyladda furnayd.

Previous Post

Khabiir jooga Somaliland oo ka talo-bixinaya sida looga gaashaaman karo saameynta isbeddelka cimilada

Next Post

Reer-miyiga oo carruurtooda waxbarashada ka reebaya si ay xoolaha uga badbaadsadaan abaarta

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Reer-miyiga oo carruurtooda waxbarashada ka reebaya si ay xoolaha uga badbaadsadaan abaarta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo