(ERGO) – Ibraahim Cabdirashiid Daahir wuxuu qoyskiisa oo ka kooban afar qof ku biilaa lacag yar oo uu ka helo mootadiisa oo uu isbuucii mar ama labo jeer magaalada Luuq ku geeyo rakaab uu ka qaado tuulada Qooney.
Ninkaan ayaa ku tiirsanaa ganacsiga caanaha geela oo uu miyiga ka soo iibsan jiray kaddibna uu tuuladiisa ku iibin jiray. Abaarta ka jirta gobolka ayaa ganacsigiisa saameysay, maaddaama xoolo-dhaqatadii uu caanaha ka soo iibsan jiray ay geelooda la hayaameen si ay biyo iyo baad ugu helaan.
Wuxuu rakaabkiisa ka qaadaa $12 ilaa $15, inkastoo dadkii u safri jiray magaalada ay yaraadeen, saameyn la xiriira abaarta awgeed. Tuulada Qooney waxay magaalada Luuq u jirtaa 45 km.
Wuxuu xusay in maalintii uu tuulada Qooney mootadiisa ku geyn jiray sagaal ilaa 18 liitar oo caano ah oo uu ka soo iibsan jiray baadiyaha tuuladiisa. Litarkii caanaha ayuu sheegay inuu ku soo iibsan jiray $2.5, wuxuu na ku iibin jiray $4.5. Wuxuu maalinkii faa’iido ahaan u heli jiray $25 ilaa $36.
“Geelii aan caanaha ka soo qaadi jiray ayaa kala guuray. Geelii ugu dambeyay oo la dhaho geel xaar oo daaqa geedka cadayga ayaa bishan [Nofeembar] ka guuray meeshi aan ku ogaa. Hadda wax caano ah ma keeno,” ayuu yiri Ibraahim.
Dadka miyiga deggan ayaa sidoo kale u soo dirsan jiray lacag uu ugu gado raashin oo uu mootadiisa ugu gayn jiray deegaannada ay joogaan marka uu caanaha doonayo. Wuxuu ka qaadan jiray lacag u dhexeysa $5 ilaa $15, taas oo ku xirneyd fogaanta. Balse, wax lacag haysta ayaan jirin maalmahaan.
Axmed Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo mehrad ku leh tuulada Qooney ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in $5,000 ay uga maqan tahay 17 qoys oo dukaankiisa deyn uga adeegan jiray. Wuxuu xusay in 50 qoys ay ku xirnaayeen meheraddiisa, balse ay hadda u soo hareen 12 qoys oo keliya, kuwaas oo dibadda laga soo biilo.
“Waan la hadlay dadka aan deynta ku leeyahay, waxaan u sheegay inaan lacagtii u baahanahay. Waxay igu dheheen xilligaan waxba la isma waydiiyo oo hadda ayaan baahannahay, marka waa gartood oo waan iska aamusay. Wax kale oo aan sameeyo ma jiraan, wayba kula yaabayaan!” ayuu yiri Axmed.
Wuxuu tilmaamay in maalmaha qaar uu galabkii xiro mehraddiisa isagoo aan waxba iibin maalintii oo dhan.
Axmed, oo ah aabbaha lix carruur ah, wuxuu hadda ka welwelsan yahay sidii uu qoyskiisa ku biili lahaa. Waxaa lagu leeyahay lacag $7,250 oo uu mehraddiisa ugu soo adeegay. Waxaa lacagta ku leh bakhaarro ku yaalla magaalada Luuq. Wuxuu sheegay in bakhaarradii ay u diideen deyn kale inta uu iska bixinayo deynta hadda lagu leeyahay.
“Hadda, haddii aad raashin keento waa la kala qaadanayaa lacagna kama soo xaroonayso waayo dadku way baahan yihiin. Waa dhac abaareed ee dhac bani’aadam ma aha,” ayuu yiri.
Waxay abaarta sidoo kale saameysay 300 oo dallaal oo ka shaqeyn jiray seyladda Luuq, kuwaas oo hadda ah baagamuundo.
Axmed Xaaji Cabdi oo ka mid ah dallaaliintaas ma uusan iibin wax xoolo ah tan iyo billowgii bishii Nofeembar, maaddaama aan wax xoolo ah la keenayn seyladda.
“Suuqaan iska tagaa waxba ma hayo, reerkii kuma noqon karo, awlaaddii kuma noqon karo. Weligay guriga kama quraacan jirin kama qadayn jirin habeenkii un baan ku noqon jiray laakiin hadda aniga ayaanba koob shaah ah heli karin,” ayuu yiri Axmed oo ka walaacsan xaaladda adag ee soo food saartay.
Axmed oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inuu seyladda ka soo heli jiray 300,000 oo shillin Soomaali ah ilaa iyo labo milyan ($11 ilaa $74) maalinkii, intii ay seyladda furnayd.










