Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Khabiir jooga Somaliland oo ka talo-bixinaya sida looga gaashaaman karo saameynta isbeddelka cimilada

Radio Ergo by Radio Ergo
December 7, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Pastoralists in Somalia

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xoolo-dhaqatada Soomaalida ah ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa saamayn wayn ku yeeshay abaaraha soo noqnoqda iyo roob-yarida. Kumannaan qoys ayaa ku cayrtoobay kuna barakacay, roobab wakhtigii la filayay aan di’in, abaar aan loo diyaar-garoobin, daadad aan xog badan laga sii hayn oo isbiirsaday ayaa keentay in xoolo badan ay dhammaadaan.

Arrintaan waxaa loo sababaynayaa isbeddelka cimilada ee saameeyay guud ahaan dunida. Weriyaha Radio Ergo ee Somaliland Ilyaas Cabdi Cali ayaa arrimahaas ka wareystay Dr Maxamed Xasan Maxamuud oo ah khabiir ku takhasusay beeraha iyo calafka xoolaha.

Dr Maxamed Xasan: Taasi waa mid u baahan wadajir. Waxqabadka midna waa mid shakhsi ah oo uu ruuxa beeraleyda ah ama xoolo-dhaqatada ah uu qabsan karo. Midna waa mid u baahan qaran ahaan in loogu istaago oo dowladda iyo hay’adaha laga rabo inay gacan ka geystaan.

Khubarro ahaan markaan u hadleyno, beeraleyda waxaan dhahnaa dhego ma leh, oo indhuu leeyahay. Mid isaga la mid ah oo beeraley ah oo wax qabsaday ama intuu talo maqlay uu ku dhaqaaqay ama la garab istaagay oo laga caawiyay kaddibna najaxay, ayay ku daydaan oo waxay jecel yihiin inay isaga camal noqdaan oo wixii uu sameeyay ay la sameeyaan. Haddii laakiin afka un aad wax uga sheegto, halkaa ayuu ku tuuri oo kaama maqlayaan. Waa dhibaato weyn in daadadka ka dhasha roobabka ay waddooyinka qulqulaan oo ay beeraha iyo guryaha ka dumiyaan, haddana aysan keyd ka dhigan biyahaas badan ee qulqulaya. Abaarta iyo biyo-la’aanta waxayba billaabataa isla markii uu roobka istaago.

Radio Ergo: Haddii aad eegto abaarta hadda ka taagan dalka, maxay ahayd in dadka ay sii ogaadaan ka hor inta aysan abaartaan dhicin?

Dr Maxamed Xasan: Beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada waxay ku habbooneyd in lagu wargeliyo saadaasha hawada sida waqtiyada ay abaaruhu dhacayaan oo kale. Waxaan kula talin lahayn madaxda inay shaqo-geliyaan waaxda saadaasha hawada oo ayna la wadaagaan saadaasha dadka beeraleyda ah iyo kuwa xoolo-dhaqatada ah. Tani waxay ka kaalmeyneysaa inay u diyaar-garoobaan xilliyada abaaraha oo ay kordhiyaan wax-soo-saarkooda. Beeraley ayaa laga yaabaa inuu kala qeybsado beertiisa oo qeyb yar uu ugu abuuro qoyskiisa wax yar ay ku noolaadaan xilliyada abaaraha. Sidoo kale xoolo-dhaqatada iyagana waxay u kala qeybsan lahaayeen xoolahooda qeyb ay caanahooda reerka u maalaan xilliyada abaarta, halka kuwa kale ay iska iibin lahaayeen.

Radio Ergo: Dhirtu faa’iido noocee ah ayay u leedahay deegaanka, dadka, xoolaha iyo sidoo kaleba caafimaadka?

Dr Maxamed Xasan: Dhirtu waxay u leedahay faa’idooyin badan deegaanka. Marka aan deegaanka ka hadleyno waa halka ay ku nool yihiin xoolaha iyo dadkaba. Marka ay cadceeddu daran tahay, dadka iyo duunyadaba waxay harsadaan geedaha hoostooda. Geedaha qaarkood waxay dhalaan miro, sidoo kale dhirtu waxay qeyb ka qaadataa roobka. Marka la jaro dhirta waxaa ka dhasha caafimaad-darro, waayo cadceedda ayaa indhaha kaa qabaneysa ama dabeyl daran ayaa imaaneysa oo guryaha iyo beerahaba baabi’ineysa. Laakiin, marka aan geedaha la jarin, waxaas oo dhan ma dhacayaan oo geedaha ayaa dabeysha celinaya.

Radio Ergo: Dhuxuleysiga ay dadka xoolo-dhaqatada ah billaabaan xilliyada ay abaartu jirto sidee ayay deegaanka u saameysaa?

Dr Maxamed Xasan: Dhuxuleysiga, horta duruufo badan ayaa iska jira oo bani’aadamka soo gaara. Waxaa sabab inta badan u ah iyagoo aan jeclayn inay deegaankooda ka tagaan ama ka guuraan. Haddii aysan wax caawinaad ah ku helin marka waxaa imaaneysaa [in la is waydiiyo] sideed u noolaataan? Xaggaa un bey ka soo gali. Laakiin, waxaysan ogayn iyaga inay dhibta haysata ku sii kororto ma ogiye aysan ka sii yaraaneyn.

Dhirtii intii u harsaneyd markay guraan, xoolaha yar ee u harsanaana meesha ayay ka baxayaan. Marka waxaa ku imanaya dhibaatooyin badan oo ay dhirta markii hore ay ka haysay ayay marka dambe la kulmayaan oo arkayaan. Waa tan marka sababtii keentay in dadka laga celiyo dhirta inaysan gurin, si gaar ah weliba geedahaan uu dalka asalka u leeyahay ee bahda quraca ah.

Geedo waxaa jira sanado badan qaata inay baxaan laakiin si fudud lagu goyn karo. Marka taa iyada ah in laga dhowro goynta iyo shididda. Abaarta roob-la’aan keliya ma ahan, abaarta bani’aadamka gacan-ku-rimiska uu sameeyayna sida xaalufinta dhirta way ka dhalataa. Lacagta yar ee dhuxusha laga helo waxaa aad uga weyn dhibaatada dambe ee deegaanka ku imaaneysa marka dhirta oo dhan laga xaalufiyo.

Previous Post

Xaalad bani’aadannimo oo haysata reer miyiga Gedo oo abaarta ku waayay xoolahooda

Next Post

Abaarta Gedo oo saameysay ganacsatadii ku tiirsanaa xoolo-dhaqatada

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Somalia latest news, Humanitarian news, Radio Ergo news, Somalia live news

Abaarta Gedo oo saameysay ganacsatadii ku tiirsanaa xoolo-dhaqatada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo