Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xaalad bani’aadannimo oo haysata reer miyiga Gedo oo abaarta ku waayay xoolahooda

Radio Ergo by Radio Ergo
December 3, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Biyo-yarida ka dhalatay abaarta darteed, dadka qaar dhowr kiilomitir ayay u lugeeyaan inay biyo soo dhaansadaan/Maxamuud Cabdirashiid/Ergo

2
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Bashiir Isxaaq Cali wuxuu toddobadiisa carruurta ah la soo istaagaa waddada dhinaceeda, wuxuuna gaadiidka soo mara tuulada Ceel-culey ee gobolka Gedo ka baryaa raashin uu carruurtiisa siiyo.

“Xaaladdaas baan ku jirnaa. Wax cunno ah oo saaka reerkan haddii aad gurigan gashid aad ka soo arkaysid ma jirto, dhan ay noqotaba faaruq waaye. Maanta oo dhan dab looma shidin, annagiibaa tallaabo qaadi la’, haddii aan wax raadin lahayn. Ciyaalkaas iyo naftaada meel ay wax ka cunaan haddaad heshid uun baan ku haminayaa hadda,” ayuu yiri.

Bashiir oo 35 jir ah ayaa sheegay in qoyskiisa uu keenay deegaanka Ceel-culey bishii Maarso ee sanadkaan. Rajadiisa ayaa ahayd inuu xoolihiisa uu deegaanka ugu heli doono biyo iyo baad ay ku nooladaan. Balse taa beddelkeeda, waxaa bishii Nofeembar degaanka uga dhamaadey 19 neef oo ahaa kuwii ugu dambeyay ee xolihiisa oo 250 neef oo ari ah iyo 20 neef oo lo’ ah uga soo haray.

Tuulada Ceel-culey ma lahan ceel ay dadka deegaanka ka cabaan. Waxaa sidoo kale wada qallalay barkadihii ay dadku ku keydsan jireen biyaha.

Bashiir xaaskiisa ayaa qoyska uga soo dhaamisa biyo ay cabaan, ceel ku yaalla tuulada Guriyaale oo 10 km u jirta Ceel-culey. Biyaha ay soo dhaamiso ayaa ah kuwa aan ku filneyn isticmaalka qoyska.

“Biyaha xaaladdoodu aad bay noogu adag tahay. Gabadha caag shanle ah ayay halkii marba soo dhaamisaa. Ilmaha mararka qaar waan ka-ka-bisiinayaa cabitaanka ‘labo-jeer kabbo adiga kanow, adiga mar kabbo, kanow adiga mar kabbo,’ waa la kabbo-siinaa ciyaalka. Shantii liitar marka meeshaa ayay ku dhamaanayaanba. Markaan tukanayno dhagaxyahaas baa lagu istijoonaa, ciiddaas baa lagu gaba-gabaysanaa,” ayuu yiri.

Bashiir waxaa u qorsheysan inuu qoyskiisa kala hayaamo Ceel-culey, wuxuu maalin walba waddada dhinaceeda u istaagaa si uu u helo gaari si bilaash ah ku qaada isaga iyo carruurtiisa. Balse, baabuurta uu helo ayuu sheegay inay ka cadurdaartaan inay qaadaan.

“Maaddaama meeshu ay saas noqotay oo wax gargaar ah aanan ka helayn, oo baahi macnaha xaalad ba’an ay nagu hayso, magaalooyinkaas ay Luuq u sokayso in aan iska aaddo oo gaadiid socda oo islaamnimo Ilaahay dartiis nagu qaada aan raadsanno baan waddada u taagannahay,” ayuu yiri.

Qoyska Bashiir wuxuu ka mid yahay 73 qoys oo abaaraha ku ceyroobay oo hadda ay xaalad bani’aadannimo ku haysato deegaanka Ceel-culey, oo 58 km dhanka waqooyi uga beegan degmada Luuq.

Dadkii ay xooluhu u badbaadeen iyo kuwii meheradda ganacsi ku lahaa deegaanka Ceel-culey ayaa ganacsiyadooda ula guuray magaalooyinka Luuq iyo Doolow.

Inta u dhaxeysa tuulooyinka Ceel-culey iyo Guriyaale oo uu weriyaha Raadiyow Ergo safar ku maray ayuu sheegay inuu ku soo arkay bakhtiga xoolo iyo duurjoog ay abaartu laysay. Waxay dadka ku nool labada deegaan u sheegeen in dadka halkaas ku haray aysan wax xoolo ah abaarta uga badbaadin. Dadkii ay xoolaha u badbaadeen ayaa loo sheegay inay u hayaameen deegaanno kale si ay biyo iyo baad xoolahooda ugu helaan.

Dahabo Cabdi Maxamed, waxay raashin ku beddelataa xaabo ay ka soo uruuriso duurka si ay u quudiso toddobadeeda carruurta ah oo uu aabbahooda ka geeriyooday. Xaabada ayay tilmaantay inay ku beddelato koombo masaggo ah.

“Hal waqti oo qadada uun ah baan isugu imaanaynaa. Casho iyo quraacba dab looma shuuriyo,” ayay tiri Dahabo oo 65 jir ah oo u soo guurtay deegaanka Guriyaale bishii Luulyo.

Waxay sheegtay in 30 neef oo ari ah iyo dameer ay biyaha ku soo dhaansan jirtay ay abaartu ka dishay.

“Saddex sano roob ma helin, haddana maanta ri’ aan dad ka soo waday iyo ri’ iiga hartay arigayga ayaa ii jooga. Inta kale way iga dhinteen,” ayay tiri.

Deeq Maxamuud Aadan oo ah guddoomiyaha tuulada Ceel-culey ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka ku haray tuuladiisa oo boqol qoys aan ka badnayn ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Previous Post

Xoolo-dhaqato isu beddelay cusbo-qodeyaal si ay abaarta uga badbaadiyaan qoysaskooda iyo xoolahooda

Next Post

Khabiir jooga Somaliland oo ka talo-bixinaya sida looga gaashaaman karo saameynta isbeddelka cimilada

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Pastoralists in Somalia

Khabiir jooga Somaliland oo ka talo-bixinaya sida looga gaashaaman karo saameynta isbeddelka cimilada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo