(ERGO) – Bashiir Isxaaq Cali wuxuu toddobadiisa carruurta ah la soo istaagaa waddada dhinaceeda, wuxuuna gaadiidka soo mara tuulada Ceel-culey ee gobolka Gedo ka baryaa raashin uu carruurtiisa siiyo.
“Xaaladdaas baan ku jirnaa. Wax cunno ah oo saaka reerkan haddii aad gurigan gashid aad ka soo arkaysid ma jirto, dhan ay noqotaba faaruq waaye. Maanta oo dhan dab looma shidin, annagiibaa tallaabo qaadi la’, haddii aan wax raadin lahayn. Ciyaalkaas iyo naftaada meel ay wax ka cunaan haddaad heshid uun baan ku haminayaa hadda,” ayuu yiri.
Bashiir oo 35 jir ah ayaa sheegay in qoyskiisa uu keenay deegaanka Ceel-culey bishii Maarso ee sanadkaan. Rajadiisa ayaa ahayd inuu xoolihiisa uu deegaanka ugu heli doono biyo iyo baad ay ku nooladaan. Balse taa beddelkeeda, waxaa bishii Nofeembar degaanka uga dhamaadey 19 neef oo ahaa kuwii ugu dambeyay ee xolihiisa oo 250 neef oo ari ah iyo 20 neef oo lo’ ah uga soo haray.
Tuulada Ceel-culey ma lahan ceel ay dadka deegaanka ka cabaan. Waxaa sidoo kale wada qallalay barkadihii ay dadku ku keydsan jireen biyaha.
Bashiir xaaskiisa ayaa qoyska uga soo dhaamisa biyo ay cabaan, ceel ku yaalla tuulada Guriyaale oo 10 km u jirta Ceel-culey. Biyaha ay soo dhaamiso ayaa ah kuwa aan ku filneyn isticmaalka qoyska.
“Biyaha xaaladdoodu aad bay noogu adag tahay. Gabadha caag shanle ah ayay halkii marba soo dhaamisaa. Ilmaha mararka qaar waan ka-ka-bisiinayaa cabitaanka ‘labo-jeer kabbo adiga kanow, adiga mar kabbo, kanow adiga mar kabbo,’ waa la kabbo-siinaa ciyaalka. Shantii liitar marka meeshaa ayay ku dhamaanayaanba. Markaan tukanayno dhagaxyahaas baa lagu istijoonaa, ciiddaas baa lagu gaba-gabaysanaa,” ayuu yiri.
Bashiir waxaa u qorsheysan inuu qoyskiisa kala hayaamo Ceel-culey, wuxuu maalin walba waddada dhinaceeda u istaagaa si uu u helo gaari si bilaash ah ku qaada isaga iyo carruurtiisa. Balse, baabuurta uu helo ayuu sheegay inay ka cadurdaartaan inay qaadaan.
“Maaddaama meeshu ay saas noqotay oo wax gargaar ah aanan ka helayn, oo baahi macnaha xaalad ba’an ay nagu hayso, magaalooyinkaas ay Luuq u sokayso in aan iska aaddo oo gaadiid socda oo islaamnimo Ilaahay dartiis nagu qaada aan raadsanno baan waddada u taagannahay,” ayuu yiri.
Qoyska Bashiir wuxuu ka mid yahay 73 qoys oo abaaraha ku ceyroobay oo hadda ay xaalad bani’aadannimo ku haysato deegaanka Ceel-culey, oo 58 km dhanka waqooyi uga beegan degmada Luuq.
Dadkii ay xooluhu u badbaadeen iyo kuwii meheradda ganacsi ku lahaa deegaanka Ceel-culey ayaa ganacsiyadooda ula guuray magaalooyinka Luuq iyo Doolow.
Inta u dhaxeysa tuulooyinka Ceel-culey iyo Guriyaale oo uu weriyaha Raadiyow Ergo safar ku maray ayuu sheegay inuu ku soo arkay bakhtiga xoolo iyo duurjoog ay abaartu laysay. Waxay dadka ku nool labada deegaan u sheegeen in dadka halkaas ku haray aysan wax xoolo ah abaarta uga badbaadin. Dadkii ay xoolaha u badbaadeen ayaa loo sheegay inay u hayaameen deegaanno kale si ay biyo iyo baad xoolahooda ugu helaan.
Dahabo Cabdi Maxamed, waxay raashin ku beddelataa xaabo ay ka soo uruuriso duurka si ay u quudiso toddobadeeda carruurta ah oo uu aabbahooda ka geeriyooday. Xaabada ayay tilmaantay inay ku beddelato koombo masaggo ah.
“Hal waqti oo qadada uun ah baan isugu imaanaynaa. Casho iyo quraacba dab looma shuuriyo,” ayay tiri Dahabo oo 65 jir ah oo u soo guurtay deegaanka Guriyaale bishii Luulyo.
Waxay sheegtay in 30 neef oo ari ah iyo dameer ay biyaha ku soo dhaansan jirtay ay abaartu ka dishay.
“Saddex sano roob ma helin, haddana maanta ri’ aan dad ka soo waday iyo ri’ iiga hartay arigayga ayaa ii jooga. Inta kale way iga dhinteen,” ayay tiri.
Deeq Maxamuud Aadan oo ah guddoomiyaha tuulada Ceel-culey ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka ku haray tuuladiisa oo boqol qoys aan ka badnayn ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.










