(ERGO) – Tobannaan dhallinyaro ah oo qoysaskoodu ay ka cabsi qabaan in ay xoolahooda ku waayaan abaarta ka jirta koonfurta Soomaaliya ayaa u dhaqaaqay inay shaqo ka raadsadaan meelaha laga qodo milixda ee gobolka Gedo.
Xasan Cali Sheekh oo 27 jir ah, wuxuu bishii Luulyo ee sanadkaan yimid deegaanka Cusbo oo 40 km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Luuq, kaddib markii ay qoyskiisa abaartu ka leysay 144 neef oo ari ahaa iyo 12 geel ahaa oo ay ku dhaqanayeen deegaanka Washaaqo ee gobolka Bakool.
“Cusbo waxaan soo aaday shaqo-doon anigoo ah si aan xoolahaas ama reerkii aan u badbaadiyo oo naftooda aan wax ugu raadiyo. Shaqadii waxaan helay dad meeshaa cusbada leh oo aan la shaqeysto. Shaqadii inta yarta aan ka helo intii aan markaas ka cuno ma ahee inta kale reerkii ayaan u diraa si ay biyihii iyo cuntadii ugu iibsadaan,” ayuu yiri.
Qoyskiisa oo ka kooban 13 qof ayaa ula guuray 134 neef oo ari ah iyo 29 neef oo geel ah oo uga haray xoolohooda baaddiyaha Xudur, halkaas oo ay daruur yar ka da’day bishii Oktoobar.
“Awalkii hore waxaan gadan jirnay geela iyo ariga, hantidaas markaan soo gadanno waxaa lagu soo gadan jiray wixii loo baahan yahay marka iyada ah sida raashinka oo kale. Wixii hadda cid kaa rabta ma lahan oo iyagii ayaaba biil u baahan,” ayuu yiri.
Xasan wuxuu ku jiraa 50 dhallinyaro ah oo ay da’dooda u dhaxeyso 17 ilaa iyo 35 jir, kuwaas oo mardhow tagay deegaanka Cusbo si ay uga soo shaqeystaan qodista cusbada, maaddaama ay abaartu saameysay xoolihii ay qoysaskooda ku tiirsanaayeen.
Ninkaan wuxuu maalinkii ku shaqeeyaa labo ilaa iyo afar doollar, wuxuuna ka shaqeeyaa 69 god oo cusbo ah, kuwaas oo cusbada uu ka soo qodo uu ku cabbeeyo kiishash. Cusbada ayay hadda suuq-xumo soo food saartay maaddaama deegaannadii loo iib-geyn jiray ay abaartu saameysay.
Cabdi Jaamac Dalab oo 31 jir ah, wuxuu ku soo biiray ka shaqeynta godadka cusbada bishii Agoosto ee sanadkaan. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskooda oo labo tiro oo ari ah lahaa ay bishii 3 neef u iib-geysan jireen seyladaha xoolaha ee magaalooyinka Luuq iyo Buurdhuxunle sidaana ay labo waqti waxay cunaan u heli jireen. Balse xoolahooda oo ay abaartu saameysay ayaan suuq lahayn hadda.
Qoyskiisa oo ka kooban sagaal qof oo ku nool deegaanka Warmo-Liibaan oo 18 km waqooyi uga beegan Luuq ayuu sheegay inay ku adkayd helista raashin ay karsadaan hal waqti. Hase ahaatee, shaqadiisa qodista cusbada ayaa arrintaa wax ka beddeshay.
“Danta waxay igu kalliftay cusbadaan lacagta aan ka helo inaan xoolihii iyo ciddii aan ku badbaadiyo. Nin Luuq jooga ayaan la xiriiraa oo lacag u diraa si uu qoyska raashin ugu iibiyo oo uu mooto ugu saaro,” ayuu yiri.
Tuulada Cusbo oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 1,200 qoys ayaa ah mid ay dadkeedu ku tiirsan yihiin qodashada cusbada.
Axmed Cali oo 63 jir ah waxa uu haystaa 52 god oo cusbo ah. Wuxuu tilmaamay in dadka tuulada ay faa’iido weyn ku qabaan xoogsatadan ay heleen. Afar kiish oo cusbo ah ayaa maalinkii loo soo-saaraa, halka markii hore ay ku adkeyd inuu soo baxsado hal kiish oo dhameystiran.










