Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato isu beddelay cusbo-qodeyaal si ay abaarta uga badbaadiyaan qoysaskooda iyo xoolahooda

Radio Ergo by Radio Ergo
November 30, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news live, Somalia live news, Humanitarian news, Droughts in Somalia

Xasan Cali Sheekh oo dhinac fadhiya cusbo uu soo qoday/Maxamuud Cabdirashiid/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Tobannaan dhallinyaro ah oo qoysaskoodu ay ka cabsi qabaan in ay xoolahooda ku waayaan abaarta ka jirta koonfurta Soomaaliya ayaa u dhaqaaqay inay shaqo ka raadsadaan meelaha laga qodo milixda ee gobolka Gedo.

Xasan Cali Sheekh oo 27 jir ah, wuxuu bishii Luulyo ee sanadkaan yimid deegaanka Cusbo oo 40 km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Luuq, kaddib markii ay qoyskiisa abaartu ka leysay 144 neef oo ari ahaa iyo 12 geel ahaa oo ay ku dhaqanayeen deegaanka Washaaqo ee gobolka Bakool.

“Cusbo waxaan soo aaday shaqo-doon anigoo ah si aan xoolahaas ama reerkii aan u badbaadiyo oo naftooda aan wax ugu raadiyo. Shaqadii waxaan helay dad meeshaa cusbada leh oo aan la shaqeysto. Shaqadii inta yarta aan ka helo intii aan markaas ka cuno ma ahee inta kale reerkii ayaan u diraa si ay biyihii iyo cuntadii ugu iibsadaan,” ayuu yiri.

Qoyskiisa oo ka kooban 13 qof ayaa ula guuray 134 neef oo ari ah iyo 29 neef oo geel ah oo uga haray xoolohooda baaddiyaha Xudur, halkaas oo ay daruur yar ka da’day bishii Oktoobar.

“Awalkii hore waxaan gadan jirnay geela iyo ariga, hantidaas markaan soo gadanno waxaa lagu soo gadan jiray wixii loo baahan yahay marka iyada ah sida raashinka oo kale. Wixii hadda cid kaa rabta ma lahan oo iyagii ayaaba biil u baahan,” ayuu yiri.

Xasan wuxuu ku jiraa 50 dhallinyaro ah oo ay da’dooda u dhaxeyso 17 ilaa iyo 35 jir, kuwaas oo mardhow tagay deegaanka Cusbo si ay uga soo shaqeystaan qodista cusbada, maaddaama ay abaartu saameysay xoolihii ay qoysaskooda ku tiirsanaayeen.

Ninkaan wuxuu maalinkii ku shaqeeyaa labo ilaa iyo afar doollar, wuxuuna ka shaqeeyaa 69 god oo cusbo ah, kuwaas oo cusbada uu ka soo qodo uu ku cabbeeyo kiishash. Cusbada ayay hadda suuq-xumo soo food saartay maaddaama deegaannadii loo iib-geyn jiray ay abaartu saameysay.

Cabdi Jaamac Dalab oo 31 jir ah, wuxuu ku soo biiray ka shaqeynta godadka cusbada bishii Agoosto ee sanadkaan. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskooda oo labo tiro oo ari ah lahaa ay bishii 3 neef u iib-geysan jireen seyladaha xoolaha ee magaalooyinka Luuq iyo Buurdhuxunle sidaana ay labo waqti waxay cunaan u heli jireen. Balse xoolahooda oo ay abaartu saameysay ayaan suuq lahayn hadda.

Qoyskiisa oo ka kooban sagaal qof oo ku nool deegaanka Warmo-Liibaan oo 18 km waqooyi uga beegan Luuq ayuu sheegay inay ku adkayd helista raashin ay karsadaan hal waqti. Hase ahaatee, shaqadiisa qodista cusbada ayaa arrintaa wax ka beddeshay.

“Danta waxay igu kalliftay cusbadaan lacagta aan ka helo inaan xoolihii iyo ciddii aan ku badbaadiyo. Nin Luuq jooga ayaan la xiriiraa oo lacag u diraa si uu qoyska raashin ugu iibiyo oo uu mooto ugu saaro,” ayuu yiri.

Tuulada Cusbo oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 1,200 qoys ayaa ah mid ay dadkeedu ku tiirsan yihiin qodashada cusbada.

Axmed Cali oo 63 jir ah waxa uu haystaa 52 god oo cusbo ah. Wuxuu tilmaamay in dadka tuulada ay faa’iido weyn ku qabaan xoogsatadan ay heleen. Afar kiish oo cusbo ah ayaa maalinkii loo soo-saaraa, halka markii hore ay ku adkeyd inuu soo baxsado hal kiish oo dhameystiran.

Previous Post

Qoysas ay abaarta Jubbooyinka saameysay oo kaalmo ka helay dadka deegaanka Buulo-gaduud

Next Post

Xaalad bani’aadannimo oo haysata reer miyiga Gedo oo abaarta ku waayay xoolahooda

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Xaalad bani’aadannimo oo haysata reer miyiga Gedo oo abaarta ku waayay xoolahooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo