Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ay abaarta Jubbooyinka saameysay oo kaalmo ka helay dadka deegaanka Buulo-gaduud

Radio Ergo by Radio Ergo
November 30, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali news, Mogadishu live news, Humanitarian news

Keydka Ergo

4
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kumannaan qoys oo xoolo-dhaqato ah oo ka soo barakacay deegaanno ay saameysay abaarta oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya ayaa hadda ku tiirsan gargaar raashiin ah oo ay ka helaan dadka deegaanka ku ah tuulada Buulo-guduud ee gobolka Jubbada Hoose.

Cabdinuur Cismaan waxay isaga, xaaskiisa iyo gabadhiisa ka soo lugeeyeen tuulada Irshiid oo 60 km u jirta deegaanka Buulo-gaduud si ay u helaan biyo iyo gaargaar kale.

“Reer Buulo-gaduud maatadii aan u keennay way u gurmadeen, saacadii aan halkaan nimid ilaa iyo hadda Buulo-guduud ayaa noo gurmaneysay. Way illoobeen reerkoodii iyo danahoodii gaarka ahaa, dejinteenna iyo wax siismadeenna ayay ku mashquuleen. Ehelkeenna waxba nagama hagran, laakiin cunno kale oo sii socota ma noo awoodaan,” ayuu yiri.

Ninkaan iyo qoyskiisa waxay ku jiraan 86 qoys oo labadii isbuuc ee la soo dhaafay soo gaaray tuulada Buulo-guduud, iyagoo ka soo hayaamaya baaddiyaha Saakow, Jilib, Afmadow iyo Jamaame ee gobollada Jubbooyinka Hoose iyo Dhexe.

Cabdinuur ayaa sheegay in qoyskiisa oo ka kooban afar qof uu helay raashin 50 kg ah oo isugu jira bariis, bur, galley iyo sokor. Raashinka waxaa qoysaska u qeybinaya guddi ay dadka deegaanka u xil saareen. Qoyska Cabdinuur ayaa raashinka ay heleen karsada labo waqti maalinkii. Walwalkiisa ugu weyn ayaa ah sida ay noqon doonto nolosha qoyskiisa haddii uu raashinkaan gargaarka ah ka joogsado.

Ninkaan iyo qoyskiisa ayaa hadda ku nool xero barakac oo ku taalla tuulada Buulo-guduud, taasi oo la aasaasay 2020-kii. Xerada waxaa horay u deggenaa 240 qoys oo ka soo barakacay fatahaadii webiga Jubba ee sanadkii la soo dhaafay. Waxaa ku yaalla ceel ay u qodday hay’adda maxalliga ah ee SAADO horraantii sanadkaan. Qoysaska ayaa biyaha ceelka lacag-la’aan ku dhaansada.

“Alxamdulilaah; biyaan helnay, ciriirigaan ku jirnay waan ka soo baxnay oo way dhaantaa boqolkiiba boqol, laakiin wax baa noo dhiman oo nooma dhammeystirmin. Waxaa ii qorshe ah islaamka iga soo horreeyay beer inaan weydiisto, awalba beeraley ayaan ahaa oo arlada Ilaahay aan beer ka fasho, cid igu kaalmeysana haddaan helo halkaas aan shaqadeyda ka sii wato,” ayuu yiri.

Cabdinuur wuxuu leeyahay beer 10 hektar ah oo ku taalla deegaanka uu ka soo barakacay, balse ma tacban labo xilli-roobaad oo ah deyrta hadda sii dhamaaneysa iyo roobkii hore ee gu’ga. Sababta ayaana ah beerta oo biyaha roobka ku baxda oo labadaas xilliba aan helin biyo ku filan. Waxaa abaarta uga dhimatay 18 neef oo lo’ ah, labo neef oo uga soo hartay lo’da ayuu xusay inuu uga soo tagay qoys tuulada ku haray.

Safarka waxaa ku wehelinayay 19 qoys oo ay abaartu ceyrteysay, kuwaas oo gaari-dameerro adeegsanayay. Intii ay safarka soo ahaayeen ayuu tilmaamay inay raashin kooban oo qoysaska qaar ay wateen ay isla wadaagayeen.

Haashim Xuseen Faarax oo ka mid ah guddiga gurmadka sameynaya ee dadka deegaanka ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhammaan qoysaska soo gaaray ay ahaayeen dad ay xoolihii ka soo dhammaadeen oo fara maran.

Dadka deegaanka oo arrintan ka damqaday ayuu sheegay in wixii ay awoodeen ay isugu soo dareen, taas oo natiijadeedu ay noqotay in qoys walba loo helo raashin uu ku dhowaad bil isticmaali karo. Wuxuu xusay in dadka deegaanka ay ku adag tahay inay sii joogteeyaan caawinaadda.

“Horta Buulo-guduud dadka jooga waa dad isku tiirsan oo xagga gurmadka ku fiican. Qoyska markaan u tagno haddii uu haysto kiilo bariis ah wuxuu kuu jarayaa nus kiilo. Wuxuu ku leeyahay nuskiiladan anigaa karsanaya ee nuskiiladan ha loo geeyo dadkii tabaaleysnaa,” ayuu yiri.

Haashim ayaa ka codsaday hay’adaha gargaarka, dowladda Puntland iyo dowladda Federaalka ah inay gargaar u soo fidiyaaan dadka ku xoolo-waayay abaarta.

Binti Maxamed Yuusuf oo ka mid ah qoysaska cusub ee dhowaan degay xeradan ayaa sheegtay inay heshay raashin 70 KG ah. Waxay hadda carruurteeda oo agoon ah u karisa raashinka labo waqti maalinkii.

“Hadda nolosheenna Alxamdulilaah, ilmaha waan gaajeysannahay nama dhahaan. Raashinka waxaan karsannaa subixii, haddana habeenkii ayaan shidaneynaa.”

Waxay xustay in abaarta ay ku weyday 32 neef oo lo’ ah oo ay reerkeeda ku tiirsanaayeen.

Previous Post

Hooyo ay labo carruur ah uga dhinteen safar ay uga soo barakaceysay abaarta Gedo

Next Post

Xoolo-dhaqato isu beddelay cusbo-qodeyaal si ay abaarta uga badbaadiyaan qoysaskooda iyo xoolahooda

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Somalia news live, Somalia live news, Humanitarian news, Droughts in Somalia

Xoolo-dhaqato isu beddelay cusbo-qodeyaal si ay abaarta uga badbaadiyaan qoysaskooda iyo xoolahooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-MAY-2026

IDAACADDA 23-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo