Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Hooyo ay labo carruur ah uga dhinteen safar ay uga soo barakaceysay abaarta Gedo

Radio Ergo by Radio Ergo
November 30, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Fartuun Warsame oo ah hoyo ka soo barakacday abaar ku qabsatay Bakool waxaa dhexda uga soo dhimatay labo carruur ah oo ay dhashay/Keydka sawirada/Ergo

22
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kumannaan qoysas xoolo-dhaqato ah oo ay abaartu saameysay ayaa safar lug ah ku gaaraya meelo aad uga fog deegaannadooda si ay u helaan raashin, biyo iyo caawinaad kale. Mid ka mid ah qoysaska ka soo lugeeyay gobolka Bakool ayay labo carruur ah waddada uga soo dhimatay, waxayna ku qasbanaadeen inay dhexda ku soo duugaan ka hor inta aysan soo gaarin halkii ay u soo hayaameen.

Weriyaha Raadiyow Ergo Maxamuud Cabdirashiid ayaa wareysi la yeeshay Fartuun Warsame Maxamed, oo ah hooyadii dhashay labada carruurta ah. Haweeneydaan ayaa ka soo barakacday deegaanka Goobito oo 86 km u jira magaalada Luuq, kaddib markii ay abaartu ka leysay 16 neef oo ka tirsanaa 20 ari ah oo uu qoyskeedu lahaa. Waxay iyada, seygeeda iyo afarta carruur ee u soo hartay wadada ku soo jireen shan cisho, waxayna hadda ku nool yihiin xero barakac ah oo ku taalla Luuq.

Fartun: Carruurta way iga xanunsanaayeen, waxaan ula soo cararay si aan isbitaallada magaalada u gaarsiiyo. Wiil iyo gabar ayay ahaayeen, oon iyo gaajo ayaa jirtay oo way oonnaayeen. Mid labo sano ayuu jiray midda kale saddex sano ayay jirtay. Biyo iyo cunto aan cunno maan haysan.

Raadiyow Ergo: Waxaad ahayd xoolo-dhaqato. Maxaad uga soo barakacday deegaanka Goobito?

Fartun: Waxaan ka soo cararay abaarta. Waxaan dhaqanayay ari, markii aan biyo iyo baad u wasyay ayaan soo cararay si aan nolosheenna u badbaadsanno. Ariga intiisa badan way iga dhamaadeen. Afar ayaa ii soo hartay oo waan wataa, hadda halkaan ayay joogaan.

Raadiyow Ergo: Safarkiinna aad magaalada ku soo gaarteen siduu ahaa. Maxaad jidka ku soo aragteen, bal sharraxaad yar nooga bixi?

Fartun: Waxaan jidka ku soo jirnay shan maalmood. Cuntada iyo biyaha aan wadannay wax yar oo aan nagu filnayn ayay ahayd, aad buu u dhib badnaa safarka. Dadka soo barakacay way badnaayeen oo annaga keliya maan ahayn. Waxaa alaabta lagu soo wada qaatay gaari-dameer. Carruurta waxaan soo saaray gaari dameerka, qadar Alle ayaa timid oo waqtigooda ayaa soo dhamaaday. Waxaan is lahaa way ku fiicnaanayaan haddii aad isbitaalka geyso, balse dhexda ayay iiga dhinteen. Matag, shuban iyo qandho ayaa haysay. Markii aan soo baxayay waxaan is lahaa way ku bogsanayaan haddii ay daawo helaan.

Raadiyow Ergo: Markii aad Luuq timid cuntada iyo biyaha ka waran, miyaad heshay?

Fartun: Waxba kuma heysanno halkaan. Hadda aan kula hadlayo waxaan joogaa xero barakac. Xerada biyo ayay leedahay, balse wax cunto ah ma haysanno.

Raadiyow Ergo: Carruur kale miyaa kuu joogta, marka laga soo tago labada kaa dhimatay?

Fartun: Haa, carruur kale ayaa ii joogaan oo way iska fiican yihiin, inkastoo ay gaajo la il-daran yihiin. Waxaan dabka u saaraa, kista yar ee aan walaaladeyda Muslimiinta ah ka soo helo.

Raadiyow Ergo: Maanta wax aad u kariso ma heshay?

Fartun: Wax yar oo aan walaalahay ka helay ayaan hayaa, caawa ayaan u karini doonaa.

Raadiyow Ergo: Dadkii kale ee aad isla soo hayaanteen, ka waran xaalkooda?

Fartun: Dhamaan dadka halkaan jooga waa isku wada mid. Dhamaaanteen abaartu waa u simannahay oo way na saameysay, inkastoo ay kaligey carruur iga dhinteen, dhamaanteen waan iska dhibaateysannahay. Waxaan u baahannahay in na lagu caawiyo cunto. Hadduu Ilaahey cunto na siiyo waa Alxamdulilah.

Previous Post

Waddo-la’aan caqabad ku ah beeraleyda iyo kalluumeysatada xeebaha hoostaga Ceerigaabo

Next Post

Qoysas ay abaarta Jubbooyinka saameysay oo kaalmo ka helay dadka deegaanka Buulo-gaduud

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali news, Mogadishu live news, Humanitarian news

Qoysas ay abaarta Jubbooyinka saameysay oo kaalmo ka helay dadka deegaanka Buulo-gaduud

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo