Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Waddo-la’aan caqabad ku ah beeraleyda iyo kalluumeysatada xeebaha hoostaga Ceerigaabo

Radio Ergo by Radio Ergo
November 30, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news live, Humanitarian news, Radio Ergo news

Kaydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cismaan Yuusuf Xasan oo beer 10 hektar ah ku lahaa tuulada Hareed waxaa uu sheegay in aanu muddo lix bil ah waxba tacban, maaddaama waddadii uu soo mari lahaa gadiidka u qaadi lahaa dalagga uga soo go’da beertiisa ay go’an tahay. Afartii mar ee ugu dambeysay ee uu beertiisa soo goostay wuxuu tilmaamay inay ka khasaartay $2,000, kaddib markii gaadiid u waday yaanyo, saladh iyo babaay uu uga jabay waddada.

“Gaarigii waa ku dhib oo waddadii in la hagaajiyo ayay doonaysaa. Tamaandhada [yaanyada] oo kale gaadiid ayaa loo waayaa oo muddo way qudhmaysaa oo meeshii laga soo qaaday ayay nagaga dhimataa, markaan gaadiid waynay,” ayuu yiri.

Gaadiid aanay tiradooda badnayn ayaa ku safara waddada Dowga Tabca ee isku xirta magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada xeebaha ee dhanka waqooyi ka xiga magaalada. Waxay ku qaadataa gaadiidka muddo lix saac ah inay ku safraan waddadaan oo uu dhirirkeedu yahay 80 km, halka waddooyinka kale ee isla cabbirkaan ah ay baabuurtu ku qaadato muddo saacad iyo bar ah. Arrintan ayaa kalliftay in sare-u-kac uu ku yimaado qiimaha raashinka, gaadiidka oo kordhiyay lacagta awgeed.

Cismaan iyo siddeediisa carruurta ah waxay noloshooda ku tiirsanayd dalagga uga soo go’a beerta. Wuxuu hadda ku biilaa mushaar bille ah oo 900,000 oo lacagta Somaliland ah ($100) oo uu ka qaato bakhaar uu waardiye ka yahay oo ku yaalla Ceerigaabo.

“Carruurtii way adag tahay noloshoodii, dabarkoodii iyo yoomkoodiiba ma jiraan. Quutal-daruurigii ayaa hadda nagu adag, wixii lagula soo baxay mar haddii ay waayeen waa iska adag tahay,” ayuu yiri.

Dhanka magaalo-xeebeedda Maydh, Saalax Saciid Maxamuud oo xanuunsaday sanadkii 2020-kii, waxay noqotay inuu sugo inta ay qoyskiisa ka soo uruurinayaan lacag $400 oo uu ku kireysto gaari gaarsiiya isbitaalka Ceerigaabo. Magaalada Maydh ma laha xarun caafimaad.

“Inta qofkii wax loo uruurinayo ama dhexda la sii wado ay ka baxaysaa naftu. Waad iska tabcaanaysaa oo adigoo miyir qaba ayaa baabuurka lagu soo saarayaa oo miyirku kaa tagayaa oo kol gaadhiga lagaa dhigayaa. Mar baa intii gaadhigii lagugu celiyo la odhanayaa way ka baxday ee ma iska dhignaa. Markii dambe waxaa la igu keenay nin aan Alle dilin ma dhintee, dhib badan. Waxaa la iga helay cudurka TB-da” ayuu yiri.

Saalax, oo ahaa kalluumeyste ayaa sheegay inuu iska dhaafay shaqadaas maaddaama uu waddada uga hallaabi jiray kalluunka uu maalinkii soo qabsado. Wuxuu hadda ku biilaa sagaalkiisa carruurta ah dahab uu ka soo qodo buuraha ku yaalla bannaanka Maydh. Wuxuu sheegay inuu cuntada uga soo iibiyo qoyskiisa magaalada Ceerigaabo, marka uu helo gaari u soo qaada. Waxaa 75 KG oo cunto ah loogu soo qaada $21.

“Wax walba waddo-xumadu waxay ku haysaa waxyeello. Waxay nagu haysaa hantidii oo ay burburisay oo iyadoo aan ku soo gaadhin kharash badan ku baxayo. Gaadhigii ayaad ka fikiraysaa, ma ka soo dhamaaday buurta maku dhacay? Warwar weyn ayay dad ahaan nagu haysaa,” ayuu yiri.

Jaamac Jibriil Jaamac oo ah guddoomiyaha urur iskaashaday oo isku dayay sanadkii hore inuu dayactiro wadada ayaa sheegay in 30 KM oo ka mid ah ay hagaajiyeen 2020-kii. Hase yeeshee roobkii da’ay uu dib u xidhay kaddib markii ay dhagxaan buurta uga soo daateen.

Ururkaan dhallinyarada ah waxaa qeybta ay hagaajiyeen ka taageertay ganacsato iyo qurbajoogta ka soo jeeda deegaanka oo ku caawiyay cagaf iyo gaadhi ciidda qaada oo ay ku shaqeeyeen haddase ay shaqadii joojiyeen. Wuxuu xusay in dadkii caawiyay ay gooyeen kharashkii ay markii hore ku taageereen kaddibna ay waayeen shidaalkii iyo mushaarkii shaqaalaha.

Waddada oo uu sameeyay gumeystihii Ingiriiska 1948-kii waxaa dayactir ugu dambeysay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Jaamac, guddoomiyaha ururkan isu dayay dayactirka Dowga Tabca.

Previous Post

Ganacsato ku hanti-beeshay dagaalkii Guriceel oo nolol adag wajahaya

Next Post

Hooyo ay labo carruur ah uga dhinteen safar ay uga soo barakaceysay abaarta Gedo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Somalia live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Hooyo ay labo carruur ah uga dhinteen safar ay uga soo barakaceysay abaarta Gedo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo