(ERGO) – Cismaan Yuusuf Xasan oo beer 10 hektar ah ku lahaa tuulada Hareed waxaa uu sheegay in aanu muddo lix bil ah waxba tacban, maaddaama waddadii uu soo mari lahaa gadiidka u qaadi lahaa dalagga uga soo go’da beertiisa ay go’an tahay. Afartii mar ee ugu dambeysay ee uu beertiisa soo goostay wuxuu tilmaamay inay ka khasaartay $2,000, kaddib markii gaadiid u waday yaanyo, saladh iyo babaay uu uga jabay waddada.
“Gaarigii waa ku dhib oo waddadii in la hagaajiyo ayay doonaysaa. Tamaandhada [yaanyada] oo kale gaadiid ayaa loo waayaa oo muddo way qudhmaysaa oo meeshii laga soo qaaday ayay nagaga dhimataa, markaan gaadiid waynay,” ayuu yiri.
Gaadiid aanay tiradooda badnayn ayaa ku safara waddada Dowga Tabca ee isku xirta magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada xeebaha ee dhanka waqooyi ka xiga magaalada. Waxay ku qaadataa gaadiidka muddo lix saac ah inay ku safraan waddadaan oo uu dhirirkeedu yahay 80 km, halka waddooyinka kale ee isla cabbirkaan ah ay baabuurtu ku qaadato muddo saacad iyo bar ah. Arrintan ayaa kalliftay in sare-u-kac uu ku yimaado qiimaha raashinka, gaadiidka oo kordhiyay lacagta awgeed.
Cismaan iyo siddeediisa carruurta ah waxay noloshooda ku tiirsanayd dalagga uga soo go’a beerta. Wuxuu hadda ku biilaa mushaar bille ah oo 900,000 oo lacagta Somaliland ah ($100) oo uu ka qaato bakhaar uu waardiye ka yahay oo ku yaalla Ceerigaabo.
“Carruurtii way adag tahay noloshoodii, dabarkoodii iyo yoomkoodiiba ma jiraan. Quutal-daruurigii ayaa hadda nagu adag, wixii lagula soo baxay mar haddii ay waayeen waa iska adag tahay,” ayuu yiri.
Dhanka magaalo-xeebeedda Maydh, Saalax Saciid Maxamuud oo xanuunsaday sanadkii 2020-kii, waxay noqotay inuu sugo inta ay qoyskiisa ka soo uruurinayaan lacag $400 oo uu ku kireysto gaari gaarsiiya isbitaalka Ceerigaabo. Magaalada Maydh ma laha xarun caafimaad.
“Inta qofkii wax loo uruurinayo ama dhexda la sii wado ay ka baxaysaa naftu. Waad iska tabcaanaysaa oo adigoo miyir qaba ayaa baabuurka lagu soo saarayaa oo miyirku kaa tagayaa oo kol gaadhiga lagaa dhigayaa. Mar baa intii gaadhigii lagugu celiyo la odhanayaa way ka baxday ee ma iska dhignaa. Markii dambe waxaa la igu keenay nin aan Alle dilin ma dhintee, dhib badan. Waxaa la iga helay cudurka TB-da” ayuu yiri.
Saalax, oo ahaa kalluumeyste ayaa sheegay inuu iska dhaafay shaqadaas maaddaama uu waddada uga hallaabi jiray kalluunka uu maalinkii soo qabsado. Wuxuu hadda ku biilaa sagaalkiisa carruurta ah dahab uu ka soo qodo buuraha ku yaalla bannaanka Maydh. Wuxuu sheegay inuu cuntada uga soo iibiyo qoyskiisa magaalada Ceerigaabo, marka uu helo gaari u soo qaada. Waxaa 75 KG oo cunto ah loogu soo qaada $21.
“Wax walba waddo-xumadu waxay ku haysaa waxyeello. Waxay nagu haysaa hantidii oo ay burburisay oo iyadoo aan ku soo gaadhin kharash badan ku baxayo. Gaadhigii ayaad ka fikiraysaa, ma ka soo dhamaaday buurta maku dhacay? Warwar weyn ayay dad ahaan nagu haysaa,” ayuu yiri.
Jaamac Jibriil Jaamac oo ah guddoomiyaha urur iskaashaday oo isku dayay sanadkii hore inuu dayactiro wadada ayaa sheegay in 30 KM oo ka mid ah ay hagaajiyeen 2020-kii. Hase yeeshee roobkii da’ay uu dib u xidhay kaddib markii ay dhagxaan buurta uga soo daateen.
Ururkaan dhallinyarada ah waxaa qeybta ay hagaajiyeen ka taageertay ganacsato iyo qurbajoogta ka soo jeeda deegaanka oo ku caawiyay cagaf iyo gaadhi ciidda qaada oo ay ku shaqeeyeen haddase ay shaqadii joojiyeen. Wuxuu xusay in dadkii caawiyay ay gooyeen kharashkii ay markii hore ku taageereen kaddibna ay waayeen shidaalkii iyo mushaarkii shaqaalaha.
Waddada oo uu sameeyay gumeystihii Ingiriiska 1948-kii waxaa dayactir ugu dambeysay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Jaamac, guddoomiyaha ururkan isu dayay dayactirka Dowga Tabca.