Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Ganacsato ku hanti-beeshay dagaalkii Guriceel oo nolol adag wajahaya

Radio Ergo by Radio Ergo
November 29, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news live, Humanitarian news, Radio Ergo news

Khadiija oo shaah ku iibineysa meeshii ay ku taallay maqaayadeedii gubatay/Cabdirisaaq Haajirow/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dahabo Ciise Guutaale oo ah hooyo korsata carruur agoon ah waxay la daalaa-dhacaysaa biilka qoyskeeda kaddib markii meherad ay ku lahayd suuqa Munawar ay ku waysay dagaalkii Guriceel. Afar ka tirsan carruurteeda oo u dhiganayay iskuulka hoose/dhexe ee Jaylaani ayaa waxbarashada laga soo eryay maaddaama aysan bixin lacagta waxbarashada ee bishii Oktoobar oo ah $54. Waxay sidoo kale bixin weyday lacagta kirada guri afar qol ah oo ay magaalada ka deggen tahay, taasi oo ah $35 bishii.

“Qof walaal ah shaxaadkiis iyo wax la mid ah oo aan qadar lahayn ayaan hadda ku nool nahay oo wax ku maareeyaa. Laakiin markii hore qof ganacsanaya oo wax walba ay isagu isdabbarayaan ahaa, wax nooga baaqaday iyo wax aan hayno oo hadda maanta na taakulaynayana ma jiraan,” ayay tiri Dahabo oo meheraddeeda ka heli jirtay maalinkii lix ilaa iyo toban doollar oo faa’iido ah.

Dahabo waxay ka mid tahay 260 ganacsato ah oo ay ganacsiyadooda uu burburiyay madfac ku soo dhacay suuqa 24 Oktoobar intii uu socday dagaalkii Ahlu Sunnah Wal Jamaaca, oo doonaysay inay la wareegto maamulka magaalada, iyo ciidamada dowlad-goboleedka Galmudug.

Madfaca ku soo dhacay suuqa ayaa sababay dab gubay xarumo ay ku jiraan isbitaallada Kulmiye iyo Istarliin, xarumo qaabilsanaa farsamada gacanta sida cillad-bixinta gaadiidka, alxanka iyo bakhaarro shidaal.

Muddo 8 sano ah ayay ka soo shaqeyneysay ganacsiga ka gubtay oo ay ku qiimaysay $3,000. Waxay sheegtay in $500 ay ku leedahay haweenay dhimatay inkastoo ehelka haweeneyda ay ku cadaadinayaan bixinta daynta.

“Gacantana iiguma jirto [daynta] bixinteedii, cafiskeediina ma arkayo oo qofkii lahaana wuu dhintay, kollay dadkii dhaxalkeeda lahaa baa xoolahaas u taagan. Xoolahaas baa la igu leeyahay, daynta igu dhibka badan intaas waaye,” ayay tiri.

Xubno ka tirsan maamulka Galmudug oo horraantii bishan Nofeembar la kulmay ganacsato oo ay ka mid ahayd Dahabo, ayay tilmaantay in xog-uruurin ay ku sameeyeen khasaaraha gaaray inkastoo aysan wali wax jawaab ah ka helin.

Cabdirisaaq Cabdulaahi Faarax, guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Guriceel ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay billaabeen qaaraan oo ay ula jeedaan inay ku kaalmeeyaan ganacsatada ay dhibaatadu soo gaartay. Waxay rajaynayaan inay soo gaba-gabeeyaan qaaraanka bisha Diseembar.

“Assessmentiga [xogtii aan uruurinnay] wasaaradda ayaan la kaashanaynay, wasaaradduna waxay la kaashanaysay oo report-yadeeda la wadaagaysay hay’adaha internationalka [caalamiga] ah oo kaalmada bixiya si ay iyaguna dadka kaalmo ula soo gaaraan. Walina wax hadda kaalmo ah oo soo gaaray ma jiraan, laakiin qorshe isku tashi ah oo dadka deegaanka ah ayaan wadnaa, oo ah in ugu yaraan qofkii kab loo sameeyo si uusan qofku barakac u noqonin,” ayuu yiri.

Dad badan ayaa ku dhintay dagaalka, halka dad tiradooda lagu qiyaasay 100,000 ay ka barakaceen guryahooda.

Khadiija Maxamed Diini oo ganacsi yar ku lahayd suuqa waxay dagaalka ku weysay curudkeeda oo 32 jir ah. Waxaa ku dhacday xabbad wiifto ah isagoo gaarigiisa ku wata magaalada dhexdeeda.

Khadiija waxay sidoo kale dagaalka ku weyday maqaayad yar iyo dukaan ay ku lahayd suuqa Munawar. Waxay tilmaantay in dhimashada wiilkeeda ay ku khasabtay in iyada iyo siddeed carruur ah oo ay dhashay in ay ku tirsanaadaan cunto ay ka soo dawarsato deriskeeda.

“Qof qof baryi jirtay ma jirto, waxaa weeye mucjisadaan ayaa nagu dhacday, gubasho iyo dhimasho iyo wax walba baa na soo saameeyay oo noo imaaday,” ayay tiri.

Waxay xustay in curudkeeda, oo ku shaqeysan jiray darawalnimo uu ka taageeri jiray biilka qoyska maalmaha ay suuq-la’aan ku dhacdo. Qoyska ayaa hadda ku tiirsan kaligeed, maaddaama seygeeda uu la xanuunsan yahay cudurka sonkorta. Ganacsiga suuqa uga gubtay waxay ku qiyaastay $6,000.

Khadija ayaa sheegtay in hadda aysan wax qorsho ah u hayn qoyskeeda, balse ay rajeyneyso in gargaar la soo gaarsiiyo si ay dib uga soo kabato khasaarihii ka soo gaaray dagaalka.

Previous Post

Weriyaha Ergo oo ka sheekeynaya dhibaatadii uu ka maray Koofid19 oo ku dhacay

Next Post

Waddo-la’aan caqabad ku ah beeraleyda iyo kalluumeysatada xeebaha hoostaga Ceerigaabo

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Somalia news live, Humanitarian news, Radio Ergo news

Waddo-la’aan caqabad ku ah beeraleyda iyo kalluumeysatada xeebaha hoostaga Ceerigaabo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-MAY-2026

IDAACADDA 23-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo