Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Weriyaha Ergo oo ka sheekeynaya dhibaatadii uu ka maray Koofid19 oo ku dhacay

Radio Ergo by Radio Ergo
November 23, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somali live news, Somalia live news, Mogadishu live news

Weriyaha Raadiyow Ergo ee Laascaanood, Faarax Dubbad oo laga baarayo Koofid19/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kiisaska COVID19 ayaa ku soo badanaya qaybo badan oo dalka ah oo ay ku jirto magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo tirokoobyada wasaaradda caafimaadka Somaliland ay muujinayaan in 95 qof uu soo ritay cudurka intii u dhaxaysay 19-kii Oktoobar iyo 17-kii Noofembar, iyadoo 11 qof ay u dhinteen cudurka. Hase ahaatee, tirada dadka uu cudurka ku dhacayo ee aan la diiwaangelineyn ayaa laga yaabaa inay ka badan tahay, maaddaama dadka intooda badan aysan cudurka iska baarin, sidoo kalena aanay ku dhaqmayn talooyinka caafimaadka.

Weriyaha Raadiyow Ergo ee magaalada Laascaanood Faarax Maxamuud Dubbad oo uu cudurka ku dhacay bishii Oktoobar ayaa ka warramay dhibaatadii uu ka maray cudurka.

“Xaaladdayda caafimaad way wanaagsan tahay hadda inkastoo aan wali dareemayo calaamadaha qaarkood sida qufac aan badnayn. Labadii maalin ee ugu dambeysay dhadhankayga wuu fiicnaa oo cuntada dhadhan ayay i lahayd, laakiin weli urka iima soo noqon,” ayuu telefoonka ugu sheegay Raadiyow Ergo.

“Waxaan la tashaday dadka kale ee uu cudurka ku dhacay, waxayna ii sheegeen in ay si tartiib-tartiib ah ugu soo noqotay urta.”

Faarax ayaa isku karantiilay guriga kaddib markii uu dareemay qandho aad u sarreysa iyo qabow qabanayay marka ay xumadda ka degto 20-kii Oktoobar. Wuxuu ka shakiyay in xanuunka haya uu yahay cudurka COVID19. Labo maalmood kaddib ayuu baritaan u aaday isbitaalka guud ee Laascaanood. Natiijooyinkii tijaabada ee ugu horreeyay waxay muujiyeen in uusan Koroona qabin, laakiin tijaabada labaad oo la adeegsanayo qalab casari ah (PCR) ayaa looga helay COVID19.

“Dhaqaatiirtu waxay igula taliyeen inaan guriga isku karantiilo, oo aan cabo biyo badan, sidoo kalena aan isticmaalo kaniinka xanuun-baabi’iyaha. Balse, 25-kii Oktoobar ayaan miir-daboolmay xanuunka dartiis. Isbitaalka ayaa la ila orday, wuxuuna miirka i soo laabtay 29-kii Oktoobar,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in hadda uu qorsheynayo inuu qaato tallaalka COVID19 marka uu bogsado. Sida ay sheegeen maamulka isbitaalka, tirada dadka u yimaada ee doonaya inay tallaalka qaataan way korortay saddexdii bil ee la soo dhaafay. Kororka tirada ayay u maleeyaan inay xiriir la leedahay waayo-aragnimada dadka ee cudurkaan oo intooda badan ay ku waayeen eheladooda.

Hase ahaatee, dadka raacaya talooyinka caafimaadka ee cudurka looga hortago ayaan ku badneyn Laascaanood.

Faarax ayaa tuhunsan inuu cudurka ka qaaday haweeney caafimaadka ka shaqeysa oo uu yaqaanay, taasi oo uu baabuurkiisa ku soo qaaday iyadoo waddada mareysa. Haweeneyda ayaa u sheegtay Faarax inay iska dareemeysay calaamadaha COVID19, balse aysan hubin in cudurka uu ku dhacay.

Faarax wuxuu tilmaamay in xalfad-dhaqameed ay ka soo qeyb galeen dad uu ku qiyaasay 60 qof oo uu isagu ku jiro uu ahaa qofka keliya ee af-xir watay. Wuxuu xusay in xalfadda oo ay xitaa joogeen dad da’ ah aan la ilaalineyn kala-fogaanshaha.

“Waxaan ugu baaqayaa bulshada inay ka taxaddaraan cudurka halista ah oo ay talooyinka raacaan. Waxaan sidoo kale ku boorrinaya inay raacaan talada dhaqaatiirta marka cudurka laga helo oo ay guriga isku karantilaan,” ayuu yiri Faarax, oo xusay inuu eheladiisa ka celinayay inay qolka ugu soo galaan intii uu xanuunsanaa.

Isbitaalka weyn ee Laascaanood ayaa ah xarunta keliya ee dadka uu cudurka ku dhacay lagu daryeelo. Baaritaannada iyo daawada isbitaalka ayaa ah lacag-la’aan, inkastoo sahayda ogsijiinta ay ku yar tahay. Halkii haan ee ogsijiin ayaa magaalada Garowe looga soo iibiyaa $30.

Isbitaalka wuxuu taageero ka helaa dhallinyarada magaalada oo si is-xilqaan ah lacag uga soo uruuriya qurbajoogta deegaanka. Waxay bishii uruuriyaan ilaa iyo $10,000. Lacagtaan ayay ku wareejiyaan isbitaalka.

Previous Post

Fatahaadda webiga Shabeelle oo qoys beeraley ah ku qasabtay barakac iyo xoogsi

Next Post

Ganacsato ku hanti-beeshay dagaalkii Guriceel oo nolol adag wajahaya

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Somalia news live, Humanitarian news, Radio Ergo news

Ganacsato ku hanti-beeshay dagaalkii Guriceel oo nolol adag wajahaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo