(ERGO) – Saalax Xaaji Jimcaale, oo nolol-maalmeedka qoyskiisa ka soo saaran jiray beer uu leeyahay, wuxuu hadda ka shaqeeyaa xarun gawaarida lagu dhaqo si uu reerkiisa ugu helo wax ay dabka ku shitaan. Fatahaadda webiga Shabeelle ayaa ka qaadday beertiisa iyo gurigiisa oo ku yaallay tuulada Mansoor, oo 15 km dhanka galbeedka ka xigta magaalada Mahaday Weyne bishii May ee sanadkaan.
Saalax iyo qoyskiisa oo ka kooban xaaskiisa, labadiisa waalid oo waayeel ah iyo toddobo carruur ah oo uu aabbe u yahay waxay hadda ku nool yihiin xerada barakaca ee Tawakal.
“Waxaan ahaa qof hanti leh oo beer afar hektar ah tacban jiray. Waxaa beerta iigu abuurnaa sisin, digir, galley, cambe, moos iyo liin. Fatahaadda ayaa iga gashay beerta. Waxay sidoo kale iga dumisay guri afar qol ah. Waxba kalama soo bixin guriga oo [nafteenna] keliya ayaan la soo cararnay. Xitaa alaabtii iyo joodariyaashii maanan soo qaadan,” ayuu yiri.
Wuxuu hadda shaqadiisa dhaqista baabuurta ka helaa maalinkii 40,000 oo shilin Soomaali ah, marka ay ugu badan tahay ($1.5). Lacagtaan ayaan ku filneyn qoyskiisa. Xaaskiisa ayaa sidoo kale xaafadaha magaalada u soo dhaqda dhar, waxayna maalintii ay shaqo hesho la soo noqotaa 60,000 – 100,000 oo shilin Soomaali ah ($2.3 – $3.8).
Waxaa sidoo kale reerka u shaqeysa gabadhiisa 12 jir ah oo uu sheegay inay reer deegaan ku ah Jowhar ay guriga uga shaqeyso. Waxaa bishii la siiyaa $20, inkastoo ay mararka qaar lacagta ka soo daahdo oo bishii oo kala bar ah la siiyo.
Saalax wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in wali lagu leeyahay $450 oo beerta ka gashay, wuxuuna rajeynayay inuu deynta iska bixiyo marka ay beertiisa u soo go’do.
“Waligay kuma fikirin inaan halkaan ka shaqeyn doono. Wax kale oo aan hayo ma jirto ma ogiye hal maalin xitaa meeshaan kama shaqeyn lahayn. Hadda carruurta ayaa baahi ku seexan doonta darteeda ayaan halkaan u joogaa ma ogiye, haddii aan kaligey ahaan lahaa, shaqada kama shaqeyn lahayn.”
Wuxuu tilmaamay in shaqada oo ku cusub awgeed uu markii ugu horreysay ee gaari loo keenay uu ‘sidii cunug camal ugu qabeeyay’ taasina ay ka dhalatay in ninkii gaarigii lahaa uu diido inuu lacagta bixiyo. Nin meesha kala shaqeynayay ayuu sheegay inuu dhex galay oo uu baabuurkii dib u dhaqay.
Saalax ayaa xusay inuu si weyn ugu xiisay noloshii beeraleyda oo uu xooggiisa ku maali jiray. Wuxuu sheegay in markii uu beerta ka shaqeyn jiray uu kaligiis ku filnaa nolosha reerkiisa oo ay xaaskiisa iyo gabartiisa ay guriga u joogi jireen. Afar ka tirsan carruurtiisa ayaa dhigata iskuul bilaash ah oo ay hay’ado taageeraan kaasi oo ku yaalla magaalada Jowhar. Carruurta ayuu sheegay inay dharkooda iskuulka iyo buugaagta ay hay’adda u qeybiso.
“Nolosha barakaca waa wax xun. Markii aan tuulada ku nooleyn carruurta dugsi ayay ii dhigan jireen oo iskuul kuma oollin halkaasi. Halkaan, kuwo inta dugsi ku dhigayo ayaan saddexdeyda carruur u geeyay, ‘lacag $3.8 ayaa halkii cunug laga rabaa’ ayaa la i yiri. Anigana lacagtaas ma hayo,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in mararka qaar uu guriga ku laabto isagoo aan wax lacag ah ka helin xarunta uu ka shaqeyo.
Saalax ayaa ka codsaday dadka wanaagga jecel inay ku kaalmeeyaan sidii uu ku dhisan lahaa gurigiisa oo ay fatahaaddu ka dumisay iyo bixinta daynta lagu yeeshay si uu noloshiisii hore ugu laabto.
“Nolosha magaalada waxa ay tahay hadda waan arkay. Halkaan ma aha meel aan ku noolaan karo, waxaad u baahan tahay inaad kharash u heyso si aad nolol wanaagsan ugu noolaato. Waxaan ka codsanayaa hay’adaha iyo walaalaheyga Soomaalida ah inay i caawiyaan,” ayuu yiri.