Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Fatahaadda webiga Shabeelle oo qoys beeraley ah ku qasabtay barakac iyo xoogsi

Radio Ergo by Radio Ergo
November 23, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news, Somali news, Radio Ergo news

Saalax oo ku mashquulsan gaari-dhaqis/Maryan Sheekh Cabdi /Ergo

4
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saalax Xaaji Jimcaale, oo nolol-maalmeedka qoyskiisa ka soo saaran jiray beer uu leeyahay, wuxuu hadda ka shaqeeyaa xarun gawaarida lagu dhaqo si uu reerkiisa ugu helo wax ay dabka ku shitaan. Fatahaadda webiga Shabeelle ayaa ka qaadday beertiisa iyo gurigiisa oo ku yaallay tuulada Mansoor, oo 15 km dhanka galbeedka ka xigta magaalada Mahaday Weyne bishii May ee sanadkaan.

Saalax iyo qoyskiisa oo ka kooban xaaskiisa, labadiisa waalid oo waayeel ah iyo toddobo carruur ah oo uu aabbe u yahay waxay hadda ku nool yihiin xerada barakaca ee Tawakal.

“Waxaan ahaa qof hanti leh oo beer afar hektar ah tacban jiray. Waxaa beerta iigu abuurnaa sisin, digir, galley, cambe, moos iyo liin. Fatahaadda ayaa iga gashay beerta. Waxay sidoo kale iga dumisay guri afar qol ah. Waxba kalama soo bixin guriga oo [nafteenna] keliya ayaan la soo cararnay. Xitaa alaabtii iyo joodariyaashii maanan soo qaadan,” ayuu yiri.

Wuxuu hadda shaqadiisa dhaqista baabuurta ka helaa maalinkii 40,000 oo shilin Soomaali ah, marka ay ugu badan tahay ($1.5). Lacagtaan ayaan ku filneyn qoyskiisa. Xaaskiisa ayaa sidoo kale xaafadaha magaalada u soo dhaqda dhar, waxayna maalintii ay shaqo hesho la soo noqotaa 60,000 – 100,000 oo shilin Soomaali ah ($2.3 – $3.8).

Waxaa sidoo kale reerka u shaqeysa gabadhiisa 12 jir ah oo uu sheegay inay reer deegaan ku ah Jowhar ay guriga uga shaqeyso. Waxaa bishii la siiyaa $20, inkastoo ay mararka qaar lacagta ka soo daahdo oo bishii oo kala bar ah la siiyo.

Saalax wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in wali lagu leeyahay $450 oo beerta ka gashay, wuxuuna rajeynayay inuu deynta iska bixiyo marka ay beertiisa u soo go’do.

“Waligay kuma fikirin inaan halkaan ka shaqeyn doono. Wax kale oo aan hayo ma jirto ma ogiye hal maalin xitaa meeshaan kama shaqeyn lahayn. Hadda carruurta ayaa baahi ku seexan doonta darteeda ayaan halkaan u joogaa ma ogiye, haddii aan kaligey ahaan lahaa, shaqada kama shaqeyn lahayn.”

Wuxuu tilmaamay in shaqada oo ku cusub awgeed uu markii ugu horreysay ee gaari loo keenay uu ‘sidii cunug camal ugu qabeeyay’ taasina ay ka dhalatay in ninkii gaarigii lahaa uu diido inuu lacagta bixiyo. Nin meesha kala shaqeynayay ayuu sheegay inuu dhex galay oo uu baabuurkii dib u dhaqay.

Saalax ayaa xusay inuu si weyn ugu xiisay noloshii beeraleyda oo uu xooggiisa ku maali jiray. Wuxuu sheegay in markii uu beerta ka shaqeyn jiray uu kaligiis ku filnaa nolosha reerkiisa oo ay xaaskiisa iyo gabartiisa ay guriga u joogi jireen. Afar ka tirsan carruurtiisa ayaa dhigata iskuul bilaash ah oo ay hay’ado taageeraan kaasi oo ku yaalla magaalada Jowhar. Carruurta ayuu sheegay inay dharkooda iskuulka iyo buugaagta ay hay’adda u qeybiso.

“Nolosha barakaca waa wax xun. Markii aan tuulada ku nooleyn carruurta dugsi ayay ii dhigan jireen oo iskuul kuma oollin halkaasi. Halkaan, kuwo inta dugsi ku dhigayo ayaan saddexdeyda carruur u geeyay, ‘lacag $3.8 ayaa halkii cunug laga rabaa’ ayaa la i yiri. Anigana lacagtaas ma hayo,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in mararka qaar uu guriga ku laabto isagoo aan wax lacag ah ka helin xarunta uu ka shaqeyo.

Saalax ayaa ka codsaday dadka wanaagga jecel inay ku kaalmeeyaan sidii uu ku dhisan lahaa gurigiisa oo ay fatahaaddu ka dumisay iyo bixinta daynta lagu yeeshay si uu noloshiisii hore ugu laabto.

“Nolosha magaalada waxa ay tahay hadda waan arkay. Halkaan ma aha meel aan ku noolaan karo, waxaad u baahan tahay inaad kharash u heyso si aad nolol wanaagsan ugu noolaato. Waxaan ka codsanayaa hay’adaha iyo walaalaheyga Soomaalida ah inay i caawiyaan,” ayuu yiri.

Previous Post

Xoolo-dhaqatada miyiga Afmadow oo wajahaya cunto-yari ka dhalatay abaarta

Next Post

Weriyaha Ergo oo ka sheekeynaya dhibaatadii uu ka maray Koofid19 oo ku dhacay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Somali live news, Somalia live news, Mogadishu live news

Weriyaha Ergo oo ka sheekeynaya dhibaatadii uu ka maray Koofid19 oo ku dhacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo