(ERGO) – Kumannaan xoolo-dhaqato ah oo ku nool gobollada Soomaaliya ayay haysataa biyo-yari iyo cunto-yari ka dhalatay abaarta ka jirta dalka. Abaaraha ayaa ka dhashay roobkii Gu’ga oo yaraa iyo dayrta oo aan wali la helin, inkastoo ay jiraan meelo ay ka da’een roobab aan badnayn.
Deegaannada laga deyrinayo xaaladdooda waxaa ka mid ah degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya iyo guud ahaan deegannada hoos taga. Xoolaha oo dhammaanaya iyo inta joogta oo aan iib lahayn ayaa sababtay in ay dadku waayaan lacag ay ku gataan waxyaabaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.
Soo-saaraha Raadiyow Ergo, Fowzia Barre ayaa Guddoomiyaha degmada Afmadow Maxamed Amiin khadka teleefoonka ku wareystay, waxayna wax ka waydiisay xaalka xoolo-dhaqatada halkaa ku sugan:
Maxamed Amiin: Xaaladda aad ayay u liidata. Gaajo ayaa jirta, xoolihii ay ku soo dadaalayeen ayaa hadda ka dhamaanaya. Xooluhu ma laha cad iyo caano toona. Waxaan hadda ka cabsi qabnaa in dadku ay dhintaan. Xoolo-dhaqatada qaarkood waxay ku soo guureen qaraabadooda oo magaalada deggan, oo way ka soo guureen baaddiyaha. Hadda waxay la nool yihiin qaraabadooda.
Raadiyow Ergo: Maamul ahaan sideed u caawiseen dadkaan xoolo-dhaqatada ah ee ay xooluhu ka dhamaanayaan?
Maxamed Amiin: Afmadow waa degmo ballaaran. Hadda odayaasha degmada ayaa isu-xilqaamay inay caawiyaan xoolo-dhaqatada ay abaartu saamaysay. Waxay booqasho u aadaan deegaannada ay abaartu ka jirto si ay xaaladda u soo qiimeeyaan. Odayaasha, culimada iyo dhallinyarada degmada ayaa si wadajir ah dadka deegaanka lacago uga uruuriya si ay u caawiyaan xoolo-dhaqatada ay saameynta soo gaartay. Biyo-dhaamin ayay u sameynayaan oo booyado ayay biyo uga dhaamiyaan ceelasha ku yaalla magaalada. Biyo-dhaaminta way fududahay maaddaama ay ku kacayso ugu badnaan $200, balse dhibka jira ayaa ah dadkaan ma heystaan cunto marka biyo kaliya kuma filna.
Marka aysan dadku haysan cunto iyo biyo, waxaa wanaagsan in laga soo saaro tuulooyinka ay abaartu saameysay oo la keeno magaalada si ay u helaan biyo iyo cunto. Balse, magaalada ma laha xarumo lagu qaabilo dadkaan ay musiibada ku dhacday.
Haddii ay hadda roob helaan, xoolaha yar ee u soo haray way u badbaadi doonaan, laakiin haddii uu roob imaan waayo qatar ayay ku jiraan. Xoolo-dhaqatada mala hayaami karaan xoolahooda hadda, maaddaama aysan xooluhu socon karin. Waxaan ugu baaqaya hay’adaha iyo cid walba oo gacan ka geysan karta in dadkaan la caawiyo inay soo caawiyaan, haddii aan sidaa la yeelin waxaa ka dhalan karta inaan aragno dad u dhinta baahi iyo oon.
Raadiyow Ergo: Bal nooga warran sidee ayay odayaasha, culimada iyo dhallinyarada u aruuriyaan lacagta?
Maxamed Amiin: Culimada iyo odayaasha waxay lacagta ka soo uruuriyaan ganacsatada magaalada iyo dadka booyadaha leh oo qaarkood si bilaash ah biyaha ku geeya tuulooyinka. Ceelasha ku yaalla magaalada waa kuwo si gooni ah loo leeyahay, mulkiilayaasha ceelasha ayaa sidoo kale biyaha ku sadaqeysta culimada si ay ugu geeyaan dadka ay abaartu saameysay. Shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil ayaa ku caawiyay raashin deeq ah dadka ay abaartu saameysay. Waxaan rajeynayaa in aysan halkaa ku joojinin oo ay garab nagu siiyaan sidii aan qoysaskaan ku caawin lahayn. Waxaan ugu baaqeynaa inay nagu kaalmeeyaan.
Raadiyow Ergo: Halkee ayuu idin marayaa qorshaha ah inaad qoysaska ay abaartu saameysay aad ka soo rartaan tuulooyinka una soo rartaan magaalada, yaase idinku caawinaya arrintaas?
Maxamed Amiin: Horta runta hadii aan ka hadalno anaga ururka odayaasha is-xilqaamay ee dadaalka wada ayaan la kaalmeynaa dadaalkooda. Waxaan jeclaan lahayn in qoysaskaan laga soo raro tuulooyinka oo la keeno magaalada, maaddaama aysan wax xoolo ah xagga ku haysan, hadda oo ay xoolihii ka dhamaadeen. Sidoo kale waxaa loo rari karaa dhanka webiga, waxaana laga caawin karaa sidii ay nolol cusub oo beeraley ah u billaabi lahaayeen. Balse hadda wax qorshe ah oo noo deggan ma jiraan.










