Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Haweenka Arabsiyo oo wax-soo-saarkooda uu kordhiyay tababarro ay siiso gabar baratay cilmiga beeraha

Radio Ergo by Radio Ergo
November 19, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news, Somalia live news, Somalia latest news, Radio

Keydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saynab Axmed Cabdiraxmaan waxay isku haysaa dhowr shaqo – Waa beeraley iyo shaqaale dowladeed, waa xaas, hooyo ah – waxaaa intaa u dheer inay si lacag-la’aan ah u tababarto haweenka beeraleyda ah ee magaalada Arabsiyo oo 30 km galbeed uga beegan Hargeysa.

Haweeneydaan ayaa go’aansatay inay tababarto haweenka beeraleyda ah ee magaalada kula nool iyadoo weli ku jirta jaamacadda Tima Cadde ee magaalada Gebiley oo ay ka qalin-jabisay bishii Sebtember ee sanadkaan. Waxay baratay cilmiga beeraha oo heerka koowaad ee jaamacadda si ay haweenka ugu taageerto cilmigeeda.

“Waxaan jeclahay inaan arko horumarka haweenka, haddii ay ahaan lahaayeen kuwa ganacsatada ah mise kuwa beeraleyda ah. Waxaan jeclahay inay noqdaan haweenka kuwo iskood si madaxbannaan wax u qabsada,” ayay tiri.

“Waxaan u tababaraa haweenka beeraleyda ah sidii ay ula jaan-qaadi lahaayeen isbeddelka cimilada iyo waqtiyo ku haboon beerista dalagyada kala duwan, maaddaama aan hadda la tacaaleyno isbeddelka cimilada.”

Saynab waxay haweenka isugu keentaa beer ay leedahay oo afar hektar ah, taasi oo ku taalla duleedka magaalada. Waxay bartaa habka loo diyaariyo ciidda inta aan abuurka lagu beerin ka hor, kala-doorashada dalagyada hadba waqti lagu jiro kuwa ku habboon, habka ugu wanaagsan ee loo abuuro beerta iyo adeegsiga geedaha dila cayayaanka. Waxay sidoo kale bartaa habka loo sameeyo xisaabaadka si ay ula socdaan kharashka ka baxay iyo midka soo galay.

Haweenka beeraleyda ah ee ku nool Arabsiyo ayuu wax-soo-saarkoodu kor u kacay tan iyo intii uu tababarka socday. Qaar ayaa ku khasaari jiray beertooda marka ay u soo go’do maamulka beerahooda oo liitay awgeed. Saynab waxay 21 haween ah u tababartay sida khudaarta hallowday loogu beddelo malmalaado (jam) intii ay khasaari lahayd oo la daadin lahaa.

Ifraax Maxamed Cabdullahi oo ka mid ah haweenka ay Saynab u tababartay habka beerta loo beero waxay saddexdii bil ee u dambeeyay ku howlan tahay wax-soo-saarka beer toddobo hektar oo ay ku leedahay duleedka Arabsiyo.

Waxay markii ugu horreysay abuuratay basal, yaanyo iyo kaabash tan iyo intii uu seygeeda geeriyooday labo sano ka hor. Waxaa horay ugu abuurnaa beerta liin-macaan, seytuun iyo liin-dhanaan.

“Markii hore waxba kama fahansanayn oo waxaan moodayay inay rag keliya ka shaqeeyaan [beerta] laakiin hadda wax walba waan fahmay. Anigaa u dira oo siidhkii [abuurkii] kala roga mishiinka u soo shida subaxii beertaydii, waana soo waraabiyaa, midhihii waan gurayaa, wax iga qabyo ah ma jiraan,” ayay tiri.

Ifraax waxaa beerta kala shaqeeya carruurteeda. Haweenka khudaarta ku iibiya magaalada ayay sheegtay inay ugu yimaadaan beerteeda kana iibsadaan dalagga markaas u soo go’a.

Waxay $120 bil walba ka bixisaa lix ka tirsan sagaalkeeda carruurta ah oo dhigta dugsiga sare ee Badbaado. Waxay rajeyneysaa inay furato mehrad ay khudaarta ku iibiso marka ay lacag fiican u aruurto.

“…Waxaa la igu ababiyay gabadhu guri ayuunbay joogaysaa, laakiin markaad wax la soo baxdo, sacabkaaga ayaad biyo kaga dhargeysaa,” ayay tiri Ifraax.

Khadra Sheekh Cabdi, oo sidoo kale ah beeraley ku nool magaalada Arabsiyo waxay lacagta ay ka hesho dalagga uga so go’o beerteeda oo siddeed hektar ah ku biishaa sagaal walaalaheed ah oo ay iyada gacanta ku heyso. Khudaarta u soo go’da ayay sheegtay inay si toos ah suuqa ugu iib-geyso. Tan iyo markii tababarka la siiyay, haweeneydaan ayaa billowday inay beerteeda ka shaqeyso iyadoo aan wax shaqaale ah oo ku caaawiyo raadin.

“Markii hore qof iska beeraley ah ayaan ahaa, laakiin hadba macluumaadka ay soo hesho [Saynab] way igu kordhisaa, beeritaanka wixii kolba iga dhiman way iga caawisaa. Wax aanad garanayn marka laguu sheego waa faa’ido weyn,” ayay tiri Khadra.

Dhanka kale, Saynab waxay rajaynaysaa in tababarkeeda ay gaarsiiso dhamaan haweenka beeraleyda ah ee ku nool Somaliland. Waxay waqtigeeda u qaybisaa shaqada ay ka qabato wasaaradda beeraha ee Somaliland oo ay u qaabbilsan tahay wacyigelinta, iyo tababarida haweenka, iyo ka shaqaynta beerteeda. Waxay kaloo leedahay dukaan lagu iibiyo khudaarta beerteeda uga soo go’da. Saynab oo ah hooyada afar caruur waxaa beerta kala shaqeya seygeeda.

Saynab waxay sidoo kale guddoomiye u tahay urur ay ku midaysan yihiin labo boqol iyo konton haween beeralay, xoolo-dhaqato iyo ganacsato isugu jira. Ururku ayaa lacag uu iska uruuriyo bishii deymiya haweenka saboolka ah si ay beertooda u tacabdaan. Haweenka lacagta deynta ah qaatay ayaa dib isaga soo celiya marka ay beertooda u soo go’do.

Previous Post

Jowhar: Beeraleyda ay saameysay fatahaadda oo billaabay inay doonyo ganacsi dadka ku safriyaan

Next Post

Xoolo-dhaqatada miyiga Afmadow oo wajahaya cunto-yari ka dhalatay abaarta

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
Next Post
Somalia news, Somali news, Mogadishu live news, Radio Ergo News

Xoolo-dhaqatada miyiga Afmadow oo wajahaya cunto-yari ka dhalatay abaarta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-FEB-2026

IDAACADDA 08-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo