Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Jowhar: Beeraleyda ay saameysay fatahaadda oo billaabay inay doonyo ganacsi dadka ku safriyaan

Radio Ergo by Radio Ergo
November 18, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Mogadishu live news, Radio Ergo news, floods, Jowhar

Cabdi Xasey oo sugaya rakaab uu ku qaado doontiisa oo u kala safarta Jowhar iyo Balcad/Maryan Sheekh Cabdi/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Markii ay fatahaadda webiga Shabelle ka qaadday dalaagyadii ugu beernaa beer ay isla leeyihiin walaalkiis iyo aabbahood oo ku taalla deegaanka Xawaadley ee degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, Cabdi Xasey ayaa billaabay inuu ku shaqeysto doon kalluumeysi oo uu lahaa aabbihiis.

Wuxuu billaabay inuu dadka deegaanka iyo badeecada u kala gudbiyo tuulooyinka ay fadhiyaan biyaha fatahaadda, isagoo isticmalaya doon. Shaqadaan oo ah mid aad suuq u leh, maaddaama waddooyinka soo gala magaalada ay fatahaaddu xirtay, waxay u suurtagelisay in lacag yar oo uu ka aruursaday uu ku soo iibsado doon kale bishii Juun ee sanadkaan. Wuxuu haddana labo bil kaddib oo ku beegneyd Agoostadii hore uu iibsaday doon kale, taasi oo uu u dhiibay walaalkiis oo kala shaqeyn jiray doontii hore ee cusbeyd.

“Walaalkey tiisa [doontiisa] isaga ayaa u madax bannaan, anigana teyda ayaan heystaa, aabbaheyna tiisa ayuu ku shaqeystaa,” ayuu yiri Cabdi oo ay farxad ka muuqatay.

Wuxuu sheegay in isbuucii ay saddexda doon ka soo gasho $250, iyagoo shaqeeya shan maalin oo keliya.

Waxay qofkii ku qaadaan toddobo ilaa iyo siddeed doollar, inkastoo ay lacagtaan tahay mid ka badan lacagtii ay baabuurta dadka ku qaadi jireen, haddana Cabdi ayaa sheegay in sababtu ay tahay doonta oo shidaal ka badan tan baabuurta isticmaasha.

“Markii ay ka baxeyso Jowhar oo Xawaadley [ay u socoto] waxay cuneysaa afartan liitar. Ilaa iyo Balcad waan u rarnaa, dad aan magaalada ka qaadno ayaa jira oo ilaa iyo Muqdisho raba, Balcad ayaan geyneynaa, baabuur ayaa Balcad jooga oo Xamar geeya,” ayuu yiri.

Sidoo kale Sadaam Xasan Xuseen, oo ah beeraley ay fatahaaddu beertiisa ka qaaday oo hadda ka shaqeeya doon uu leeyahay nin ganacsade ah ayaa sheegay in shaqadaan oo uu billaabay bishii Agoosto ay ka caawisay nolol-maalmeedka qoyskiisa oo horay ugu tiirsanayd dad ay qaraabo yihiin.

Waxay fatahaadii bishii Luulyo ee sanadkaan ka baabi’isay dhamaan dalaggii ugu beernaa 20 hektar. Dalaggaas wuxuu isugu jiray digir, galley, sisin, yaanyo, bocor iyo bariis. Kharashka ka galay beertaas ayaa ahaa $1,356.

“Duruuftu waxay nagu qasabtay inaan shaqaale u noqdo nin facey ah. Anigoo shalay iskay u shaqeysanayay, laakiin wax walba oo uu Ilaahay kuu qoro inaad iimaanka ku sugatid waa muhiim,” ayuu yiri.

Halkii safar wuxuu ku qaataa $10, isagoo xusay in maalinta ay ugu shaqo-badan tahay uu safro saddex jeer, taasoo ka dhigan inuu helo $30. Lacagtaan ayuu sheegay inay ku filan tahay biilka qoyskiisa oo ka kooban siddeed carruur ah.

Fatahaadda webiga Shabeelle ee soo noq-noqotay waxay beeraleyda qaar dhaxalsiisay in sanadkaan oo dhan aysan waxba uga soo go’in beerahooda.

Hadda waxaa webiga ku soo xirma 30 doon maalin walba. Doomahaan ayaa ku safra webiga oo keliya, maaddaama biyaha kale ee berriga fariistay aysan xiriirsaneyn meelaha qaar. Shan saac ayuu qaataa safarka ugu dheer ee ay galaan, waxayna shaqeeyaan maalinkii oo keliya, taas oo ay ugu wacan tahay khatarka webiga ee habeenkii oo badan, sida uu xusay Sadaam Xasan Xuseen.

“Marmarka qaar mar uu geed kaa hor imaado, mar ay iyadu cillad gasho. Xilliga maalinkii bahalladaas waa laga bad-baadaa, laakiin habeen haddii ay kugu gasho naftaada halis ayay ku jirtaa. Waxaad ku dhex socotaa biyo, waa baxar (halis)!”

Waxaa sidoo kale webiga shaqo ka helay dadkii ka xamaalan jiray boosteejada baaburta.

 

 

 

Previous Post

Xoolo-dhaqato deegaannadii ay u hayaameen oo u dhow Rako-raaxo kala kulmay daaq-la’aan

Next Post

Haweenka Arabsiyo oo wax-soo-saarkooda uu kordhiyay tababarro ay siiso gabar baratay cilmiga beeraha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Somalia news, Somalia live news, Somalia latest news, Radio

Haweenka Arabsiyo oo wax-soo-saarkooda uu kordhiyay tababarro ay siiso gabar baratay cilmiga beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo