(ERGO) – Markii ay fatahaadda webiga Shabelle ka qaadday dalaagyadii ugu beernaa beer ay isla leeyihiin walaalkiis iyo aabbahood oo ku taalla deegaanka Xawaadley ee degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, Cabdi Xasey ayaa billaabay inuu ku shaqeysto doon kalluumeysi oo uu lahaa aabbihiis.
Wuxuu billaabay inuu dadka deegaanka iyo badeecada u kala gudbiyo tuulooyinka ay fadhiyaan biyaha fatahaadda, isagoo isticmalaya doon. Shaqadaan oo ah mid aad suuq u leh, maaddaama waddooyinka soo gala magaalada ay fatahaaddu xirtay, waxay u suurtagelisay in lacag yar oo uu ka aruursaday uu ku soo iibsado doon kale bishii Juun ee sanadkaan. Wuxuu haddana labo bil kaddib oo ku beegneyd Agoostadii hore uu iibsaday doon kale, taasi oo uu u dhiibay walaalkiis oo kala shaqeyn jiray doontii hore ee cusbeyd.
“Walaalkey tiisa [doontiisa] isaga ayaa u madax bannaan, anigana teyda ayaan heystaa, aabbaheyna tiisa ayuu ku shaqeystaa,” ayuu yiri Cabdi oo ay farxad ka muuqatay.
Wuxuu sheegay in isbuucii ay saddexda doon ka soo gasho $250, iyagoo shaqeeya shan maalin oo keliya.
Waxay qofkii ku qaadaan toddobo ilaa iyo siddeed doollar, inkastoo ay lacagtaan tahay mid ka badan lacagtii ay baabuurta dadka ku qaadi jireen, haddana Cabdi ayaa sheegay in sababtu ay tahay doonta oo shidaal ka badan tan baabuurta isticmaasha.
“Markii ay ka baxeyso Jowhar oo Xawaadley [ay u socoto] waxay cuneysaa afartan liitar. Ilaa iyo Balcad waan u rarnaa, dad aan magaalada ka qaadno ayaa jira oo ilaa iyo Muqdisho raba, Balcad ayaan geyneynaa, baabuur ayaa Balcad jooga oo Xamar geeya,” ayuu yiri.
Sidoo kale Sadaam Xasan Xuseen, oo ah beeraley ay fatahaaddu beertiisa ka qaaday oo hadda ka shaqeeya doon uu leeyahay nin ganacsade ah ayaa sheegay in shaqadaan oo uu billaabay bishii Agoosto ay ka caawisay nolol-maalmeedka qoyskiisa oo horay ugu tiirsanayd dad ay qaraabo yihiin.
Waxay fatahaadii bishii Luulyo ee sanadkaan ka baabi’isay dhamaan dalaggii ugu beernaa 20 hektar. Dalaggaas wuxuu isugu jiray digir, galley, sisin, yaanyo, bocor iyo bariis. Kharashka ka galay beertaas ayaa ahaa $1,356.
“Duruuftu waxay nagu qasabtay inaan shaqaale u noqdo nin facey ah. Anigoo shalay iskay u shaqeysanayay, laakiin wax walba oo uu Ilaahay kuu qoro inaad iimaanka ku sugatid waa muhiim,” ayuu yiri.
Halkii safar wuxuu ku qaataa $10, isagoo xusay in maalinta ay ugu shaqo-badan tahay uu safro saddex jeer, taasoo ka dhigan inuu helo $30. Lacagtaan ayuu sheegay inay ku filan tahay biilka qoyskiisa oo ka kooban siddeed carruur ah.
Fatahaadda webiga Shabeelle ee soo noq-noqotay waxay beeraleyda qaar dhaxalsiisay in sanadkaan oo dhan aysan waxba uga soo go’in beerahooda.
Hadda waxaa webiga ku soo xirma 30 doon maalin walba. Doomahaan ayaa ku safra webiga oo keliya, maaddaama biyaha kale ee berriga fariistay aysan xiriirsaneyn meelaha qaar. Shan saac ayuu qaataa safarka ugu dheer ee ay galaan, waxayna shaqeeyaan maalinkii oo keliya, taas oo ay ugu wacan tahay khatarka webiga ee habeenkii oo badan, sida uu xusay Sadaam Xasan Xuseen.
“Marmarka qaar mar uu geed kaa hor imaado, mar ay iyadu cillad gasho. Xilliga maalinkii bahalladaas waa laga bad-baadaa, laakiin habeen haddii ay kugu gasho naftaada halis ayay ku jirtaa. Waxaad ku dhex socotaa biyo, waa baxar (halis)!”
Waxaa sidoo kale webiga shaqo ka helay dadkii ka xamaalan jiray boosteejada baaburta.