Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo

Xoolo-dhaqato deegaannadii ay u hayaameen oo u dhow Rako-raaxo kala kulmay daaq-la’aan

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Pastoralists in Somalia

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdisalaan Cali Saciid, oo ah aabbaha 18 carruur ah waxay isaga iyo qoyskiisa oo ku sugan dooxada Qalwada ee gobolka Bari, wajahayaan hoy-la’aan iyo cunno-yari.

Ninkaan oo carruurtiisa iyo labadiisa xaas kala soo hayaamay abaar lixdii bil ee ugu dambeysay ku haysatay deegaanka Biyacadde, oo 30 km qiyaas ahaan dhanka bari uga beegan degmada Eyl, waxaa gabaabsi ka ah sahaydiisa.

“Dadka baahi baa haysa, xooluhu wax laga qasho ma leh, wax laga gatana ma leh, waana dal ka kac dadku, lacagna ma haysto oo dadku xoolo-dhaqatuu ahaa, xoolihiina way ka dhammaadeen.”

Cabdisalaan wuxuu ka mid yahay xoolo-dhaqato ay abaaruhu ku saameeyeen miyiga degmada Eyl ee gobolka Nugaal, kuwaas oo u naq-raacay deegaanno ku yaalla gobolka Bari, iyagoo raadinaya biyo iyo baad.

Cabdisalaan oo ay abaartu ka dishay boqol neef oo ari ahaa intii u dhaxeysay bilihii Juun iyo Oktoobar ee sanadkan ayaa la soo hayaamay labo tiro oo ariga uga soo haray iyo labo dameer oo uu isagu leeyahay.

Wuxuu rajaynayay in dooxada Qalwada ee uu u soo hayaamay, uu ka helo biyo iyo daaq ku filan xoolihiisa. Balse tirada badan ee xoolo-dhaqatada ee ku soo barakacaya deegaanka ayaa sababtay in barkadihii ay deyrtu biyo dhigtay ay biyo-yareeyaan, sidoo kalena baadkii uu yaraado.

“Waxaanu hayaanka gobolka Karkaar ku tagnay barakac abaareed oo jiilaal…Hadde ummaddii oo dhan waa isugu tagtay. Giruunkaa lawada dagay. Labo reer oo aan is-aqoonba waa la isku furay, barkadihi iyo biyihii ayaa ciriiri ku jira.”

Cabdisalaan wuxuu qoyskiisa iyo xoolihiisa ku soo raray gaari xamuul ah. Gaariga ayuu ku soo kireystay lacag $600. Wuxuu xusay inuu iska bixiyay $200 oo oo xoolo uu iibiyay uu ka helay, inta kalese wali waa lagu leeyahay. Wuxuu waddada ku soo jiray maalin iyo habeen safarka oo aad u dheeraa darteed. Labada deegaan waxay isu jiraan qiyaas ka badan 320 km. Lacagta lagu leeyahay ayuu sheegay in eheladiisa oo magaalooyinka deggan ay u ballan-qaadeen inay ka bixin doonaan.

Wuxuu ka mid yahay dadkii ugu horreeyay ee dooxada Qalwada ku soo hayaamay. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in maalin kasta ay xoolo-dhaqato cusub oo abaarta deegaannadooda ka soo hayaamaya ay soo gaaraan deegaanka uu joogo, oo qiyaastii 20 km u jirta magaalada Rako ee gobolka Bari ee Puntland.

Labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaa dooxadaas gaartay 200 oo qoys oo ka yimid inta u dhaxaysa tuulooyinka Qarxis iyo Biyacadde oo hoostaga degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Axmed Cabdi oo ka mid ah qoysaskii ugu dambeeyay ee ka soo hayaamay tuulada Ban-xaar oo u dhexeysa degmooyinka Eyl iyo Dangarayo, ayaa abaarta ku waayay labo boqol oo ari ahaa iyo 15 neef oo geel ahaa.

Axmed oo ah aabbaha 30 carruur ah ayaa la soo hayaamay 15 neef oo geel ah iyo labo boqol oo ari ah oo xoolihiisa uga haray. Wuxuu hadda ku sugan yahay dooxada Qalawada, halkaasi oo ay duruuf-nololeed ku haysato.

Ninkaan oo ah afar xaasle ayaa sheegay in reerkiisa iyo xoolaha uu ku soo raray gaari xamuul ah. Lacagta kirada baabuurka oo ah $500 ayuu sheegay in wali lagu leeyahay. Wuxuu rajeynayaa inuu lacagtaas iska bixiyo marka ay xoolihiisa abaarta ka soo kabtaan.

“Dadkuna waa dad is-yaqaan oo wada dhashay oo tol ah. Xoolahaa la wadaagaa oo taladaa la wadagaa. Ninkii hadda shidaal hela, xoolaha waa loo soo dhuftay, ninkii waayayna xoolihii lagama imaane waa la soo raray.”

Axmed ayaa walaac ka muujiyay nolosha adag ee ay wajahayaan wuxuuna sheegay in wax gargaarka ah oo ka socda dowladda ama hay’adaha samafalka aysan wali soo gaarin. Wuxuu codsaday in gurmad degdeg ah lala soo gaaro.

Amiin Cismaan Saciid oo ah guddoomiyaha Rako oo maamulkiisu uu gacanta ku hayo dhulka uu reer guuraagu kusoo hayaamay ayaa sheegay in ay halkaas isugu tageen xoolo-dhaqato uu ku qiyaasay kumannaan oo ka kala yimid gobollada Nugaal, Mudug, Sool, Sanaag, qeybo gobolka Bari ah.

Guddoomiyaha oo telefoonka kula hadlay Raadiyow Ergo ayaa xusay in qoysaska reer guuraaga ah ay duruuf adag ka muuqato, ayna u baahan yihiin in gurmad degdeg ah lala soo gaaro. Wuxuu sheegay inay maamul ahaan dadkaas u qeybiyeen teendhooyin ay ka galaan cadceedda iyo qabowga habeenkii.

“Dhulku roobku qabtay ma ahan dhul ballaaran, awalna reer miyi badan ayaa ku dhaqnaa oo deggenaa. Dadka kusoo hayaamay gobolka Nugaal ha u badnaadeen, runtii dooxooyinkii aad ayay jaam u noqdeen. Xoolihiina meel kasta ayaa lagu furayaa.”

Wuxuu sheegay in xoolo-dhaqatada soo hayaamay aysan haysan haamo ay biyaha ku keydsadaan ama weel ay wax ku cunaan, sidoo kalena aysan haysan meel ay ku hoydaan.

Previous Post

Cabsi laga qabo cudurka kudka oo ay u xirantay seyladda Bukadhabo, Dowlad-deegaanka Soomaalida

Next Post

Jowhar: Beeraleyda ay saameysay fatahaadda oo billaabay inay doonyo ganacsi dadka ku safriyaan

Related Posts

Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas barakac ah oo beero ka shaqeeya si ay u helaan nolol maalmeedka qoysaskooda

May 19, 2022
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news
Wararkii u Danbeeyay

Caabudwaaq: Qoysas dantu bidday barakacnimo oo ku dhiban helidda quud maalmeedka

May 17, 2022
Food delivery
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhallinyaro loo gaday mootooyin oo qoysaskooda ka caawinaya helidda nolol maalmeedka

May 16, 2022
BARNAAMIJKA TACAB
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda gobolka Hiiraan oo quus ka taagan tacbashada beerahooda

May 13, 2022
Houses in Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Berbera: Qoysas lagu taageeray hoy iyo dhul oo ka baxaya nolosha barakacnimada

May 12, 2022
Biyo, Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Gaalkacyo: Kumannaan qoys oo biyaha ka cabaya tubbooyin loo geliyay xeryaha ay deggan yihiin

May 11, 2022
Next Post
Somalia live news, Mogadishu live news, Radio Ergo news, floods, Jowhar

Jowhar: Beeraleyda ay saameysay fatahaadda oo billaabay inay doonyo ganacsi dadka ku safriyaan

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
#4d8fcc

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo