(ERGO) – Ganacsigii xoolaha ee seyladda tuulada Bukadhabo ee deegaanka Soomaalida ayaa joogsaday kaddib markii ay dhimatay haweenay ka mid ahayd dadka deegaanka oo la sheegay inay cuntay hilibka neef geel ah oo qaba cudurka kudka, 39 qof oo kale ayaa iyaguna ku xanuunsaday hilibkaas.
Maamulka gobolka Jarar ayaa 30-kii Oktoobar u diray tuulada Bukadhabo koox dhaqaatiir ah si ay u baaraan 39-ka qof ee xanuunsan, oo isbitaalka jiifa.
Isu-duwaha xafiiska horumarinta xoolaha gobolka Jarar, Maxamed Hudle Xuseen ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhaqaatiirta ay soo xaqiijiyeen in dhimashada haweenayda iyo xanuunka haya dadka kale uu yahay cudurka kudka. Wuxuu intaa ku daray in kooxda shaybaarka ay waddo baaritaanno ay ku ogaaneyso inta neef ee uu cudurka saameeyay. Hase ahaatee, wuxuu tilmaamay in cudurka uusan wali faafin.
“Ma ahayn cudur inta uu dillaacay xoolaha oo dhan saamayay, taas marka hore in aan ogaanno weyaan. Maaddaama wuxu ahaa kiis kooban, xoolihiina dee ayna wada qabin cudurkaa, wax laga walaaco oo in neef caafimaad qaba in la qasho ama seyladda la geeyo, sax inta badan maahan,” ayuu yiri isuduwaha.
Qoyskii lahaa geela xanuunsan ayaa sheegay in 13 ka tirsan 45 neef oo geel ah oo u soo haray ay jirran yihiin. Qoyska ayaa geela qashay kaddib markii ay arkeen inuu xanuunsanayo. Hilibka geela ayay dadka deriska la ah la wadaageen.
Inkastoo aan geela lagu iibin seyladda, haddana dhacdadaan ayaa cabsi-gelisay dadka deegaanka oo ka wada go’ay iibsashada xoolaha. Arrintaan ayaa shaqo-la’aan dhigtay 30 qof oo dullaal ah kuwaasi oo ka shaqeyn jiray seyladda Bukadhabo.
Maxamuud Daahir Cabdi oo 56 sano jir ah ayaa sheegay in lacag ka badan 10 doollar uu maalintii ka heli jiray dullaalnimada. Balse hadda ay nolosha ku adkaatay oo uu xitaa qoyskiisa u la’ yahay biil ay ku iibsadaan raashin ay hal waqti karsadaan. Maxamuud ayaa ah aabbaha 11 carruur ah. Hal neef xitaa laguma iibin seyladda tan iyo 29-kii Oktoobar.
“Xaaladda aan ku nool nahay hadda waxaa un fahmi kara qof ay ka soo xirantay shaqadii uu ku tiirsanaa sidayda oo kale,” ayuu yiri.
Xoolaha lagu iibiyo seyladda Bukadhabo waxaa sida caadada ah ka iibsada ganacsato ka ku sii iibiya magaalooyinka Hargeysa iyo Dhagaxbuur. Bukadhabo waxay 100 km koonfur bari u jirtaa Dhagaxbuur. Balse dalabkii ka imaan jiray labada magaalo ayaa dhamaan joogsaday cudurkaan dartiis.
Maxamuud oo ku dhowaad 20 sano ku shaqaysanayay dullaalnimada xoolaha, ayaa sheegay in subax walba uu seyladda aado si uu u soo indha-indheeyo xaaladdeeda. Wuxuu kala soo kulmaa niyad-jab maaddaama aysan ka jirin dhaqdhaqaaq ganacsi. Hadda, wuxuu ku fekerayaa inuu dullaalnimo u raadsado tuulooyin kale.
“Maanta ari badan baa ku xirxiran [seylada], lo’ baa la keenay hilib leh, hal neef ah lagama baayicine waa la wada kaxaystay,” ayuu yiri.
Deeq Sheekh Yuusuf oo ka mid ah xoolo-dhaqatada deegaanka wuxuu sheegay in seylada uu kula soo noqonayay siddeed neef oo ari ah oo uu doonayo inuu iibiyo. Ninkaan oo leh 100 neef oo ari ah ayaa sheegay inuu la’ yahy cid ka iibsata ariga.
Deeq waxaa uu rajaynayay inuu iibiyo siddeeda neef oo ari ah si uu cunto ugu soo iibiyo qoyskiisa oo ka kooban 7 qof, sidoo kalena uu isaga bixiyo dayn dhan $70 oo uu dhar arrad-bax ah ugu soo iibiyay carruurtiisa.
“Xilligaan oo kalena xilligii la kala dayn bixi jiray bay ahayd, xoolihiina waa la kala gadan waayay.”
Dhanka kale, isu-duwaha xafiiska horumarinta xannaanada xoolaha ayaa sheegay in wasaaradda xanaanada xoolaha ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ay qorsheyneyso in xoolaha deegaanka Jarar la tallaalo si looga hortago faafida cudurka kudka. Wuxuu xusay in aysan go’aan ka gaarin tirada saxda ah ee xoolaha la siin doono tallaalka, inkastoo ololaha tallaalka uu billaabanayo ka hor 20-ka bisha Nofeember.











