Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Cabsi laga qabo cudurka kudka oo ay u xirantay seyladda Bukadhabo, Dowlad-deegaanka Soomaalida

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Keydka, sawiradda, Ergo

Keydka sawirada/Ergo

7
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ganacsigii xoolaha ee seyladda tuulada Bukadhabo ee deegaanka Soomaalida ayaa joogsaday kaddib markii ay dhimatay haweenay ka mid ahayd dadka deegaanka oo la sheegay inay cuntay hilibka neef geel ah oo qaba cudurka kudka, 39 qof oo kale ayaa iyaguna ku xanuunsaday hilibkaas.

Maamulka gobolka Jarar ayaa 30-kii Oktoobar u diray tuulada Bukadhabo koox dhaqaatiir ah si ay u baaraan 39-ka qof ee xanuunsan, oo isbitaalka jiifa.

Isu-duwaha xafiiska horumarinta xoolaha gobolka Jarar, Maxamed Hudle Xuseen ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhaqaatiirta ay soo xaqiijiyeen in dhimashada haweenayda iyo xanuunka haya dadka kale uu yahay cudurka kudka. Wuxuu intaa ku daray in kooxda shaybaarka ay waddo baaritaanno ay ku ogaaneyso inta neef ee uu cudurka saameeyay. Hase ahaatee, wuxuu tilmaamay in cudurka uusan wali faafin.

“Ma ahayn cudur inta uu dillaacay xoolaha oo dhan saamayay, taas marka hore in aan ogaanno weyaan. Maaddaama wuxu ahaa kiis kooban, xoolihiina dee ayna wada qabin cudurkaa, wax laga walaaco oo in neef caafimaad qaba in la qasho ama seyladda la geeyo, sax inta badan maahan,” ayuu yiri isuduwaha.

Qoyskii lahaa geela xanuunsan ayaa sheegay in 13 ka tirsan 45 neef oo geel ah oo u soo haray ay jirran yihiin. Qoyska ayaa geela qashay kaddib markii ay arkeen inuu xanuunsanayo. Hilibka geela ayay dadka deriska la ah la wadaageen.

Inkastoo aan geela lagu iibin seyladda, haddana dhacdadaan ayaa cabsi-gelisay dadka deegaanka oo ka wada go’ay iibsashada xoolaha. Arrintaan ayaa shaqo-la’aan dhigtay 30 qof oo dullaal ah kuwaasi oo ka shaqeyn jiray seyladda Bukadhabo.

Maxamuud Daahir Cabdi oo 56 sano jir ah ayaa sheegay in lacag ka badan 10 doollar uu maalintii ka heli jiray dullaalnimada. Balse hadda ay nolosha ku adkaatay oo uu xitaa qoyskiisa u la’ yahay biil ay ku iibsadaan raashin ay hal waqti karsadaan. Maxamuud ayaa ah aabbaha 11 carruur ah. Hal neef xitaa laguma iibin seyladda tan iyo 29-kii Oktoobar.

“Xaaladda aan ku nool nahay hadda waxaa un fahmi kara qof ay ka soo xirantay shaqadii uu ku tiirsanaa sidayda oo kale,” ayuu yiri.

Xoolaha lagu iibiyo seyladda Bukadhabo waxaa sida caadada ah ka iibsada ganacsato ka ku sii iibiya magaalooyinka Hargeysa iyo Dhagaxbuur. Bukadhabo waxay 100 km koonfur bari u jirtaa Dhagaxbuur. Balse dalabkii ka imaan jiray labada magaalo ayaa dhamaan joogsaday cudurkaan dartiis.

Maxamuud oo ku dhowaad ​​20 sano ku shaqaysanayay dullaalnimada xoolaha, ayaa sheegay in subax walba uu seyladda aado si uu u soo indha-indheeyo xaaladdeeda. Wuxuu kala soo kulmaa niyad-jab maaddaama aysan ka jirin dhaqdhaqaaq ganacsi. Hadda, wuxuu ku fekerayaa inuu dullaalnimo u raadsado tuulooyin kale.

“Maanta ari badan baa ku xirxiran [seylada], lo’ baa la keenay hilib leh, hal neef ah lagama baayicine waa la wada kaxaystay,” ayuu yiri.

Deeq Sheekh Yuusuf oo ka mid ah xoolo-dhaqatada deegaanka wuxuu sheegay in seylada uu kula soo noqonayay siddeed neef oo ari ah oo uu doonayo inuu iibiyo. Ninkaan oo leh 100 neef oo ari ah ayaa sheegay inuu la’ yahy cid ka iibsata ariga.

Deeq waxaa uu rajaynayay inuu iibiyo siddeeda neef oo ari ah si uu cunto ugu soo iibiyo qoyskiisa oo ka kooban 7 qof, sidoo kalena uu isaga bixiyo dayn dhan $70 oo uu dhar arrad-bax ah ugu soo iibiyay carruurtiisa.

“Xilligaan oo kalena xilligii la kala dayn bixi jiray bay ahayd, xoolihiina waa la kala gadan waayay.”

Dhanka kale, isu-duwaha xafiiska horumarinta xannaanada xoolaha ayaa sheegay in wasaaradda xanaanada xoolaha ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ay qorsheyneyso in xoolaha deegaanka Jarar la tallaalo si looga hortago faafida cudurka kudka. Wuxuu xusay in aysan go’aan ka gaarin tirada saxda ah ee xoolaha la siin doono tallaalka, inkastoo ololaha tallaalka uu billaabanayo ka hor 20-ka bisha Nofeember.

Previous Post

Arday ay iskuulladooda burburisay fatahaadda Shabeellaha dhexe oo wax ku baranaya geedo hoostood

Next Post

Xoolo-dhaqato deegaannadii ay u hayaameen oo u dhow Rako-raaxo kala kulmay daaq-la’aan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Pastoralists in Somalia

Xoolo-dhaqato deegaannadii ay u hayaameen oo u dhow Rako-raaxo kala kulmay daaq-la'aan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo