Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Arday ay iskuulladooda burburisay fatahaadda Shabeellaha dhexe oo wax ku baranaya geedo hoostood

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia new, Somalia live news, Somali news

Ardayda tuulada Baarey oo wax ku baranaya geed-hoostiis, fatahaadda oo fasalladooda burburisay darteed/Maryan Sheekh Cabdi/Ergo

32
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xuseen Yuusuf Cali oo 17 jir ah, waxaa u suurtagashay in uu dib-u-billaabo waxbarashadiisa, muddo shan bil ah oo uu ahaa waxbarasho-la’aan kaddib. Wuxuu wax ku bartaa geed-hoostiis maaddaama fasallada iskuulkiisa ay fatahaaddii xilli roobaadkii Gu’ga ay burburisay.

Xuseen oo intii uu iskuul-la’aanta ahaa bannaanada wareegi jiray ayaa sheegay inay ku adag tahay la qabsiga meesha bannaanka ah ee sida ku meel gaarka ah wax loogu barayo isaga iyo ardayda kale.

“Fasal ayaan fariisan jiray, kursi iyo miis ayaa i hor yaallay. Hadda laakiin ma haysto, waxaana fadhiyaa geedka hoostiisa. Xilliyada roobabka, qorraxda iyo dabayshana dhib waaye ma la fadhiisan karo,” ayuu yiri Xuseen isaga oo ka cabanaya dhibaatada uu wax ku baranayo.

Xuseen oo dhigta dugsiga hoose ee deegaanka Baarey wuxuu ka mid yahay kun iyo labo boqol oo arday oo dhigata iskuullada ku yaalla toban tuulo oo hoostagta Jowhar, kuwaasi oo waxbarashada ku laabtay 16-kii bishii hore ee Oktoobar.

Iskuulka Baarey ayaa ardayda u siiya casharadda sida ay u kala yar yihiin, waxayna ku billaabaan waxbarista ardayda koowaadka ah subixii, waxaana ku xigsada ardayda fasalka labaad waxaana u dambeeya ardayda saddexaadka ah oo casharrada qaata duhurkii. Dhamaan ardayda dhigata iskuulka Baarey ayaa wax lagu baraa hal sabuurad, iskuulka oo sabuurad-yari ay ka jirto awgeed.

Xuseen, ma filayn dib ugu laabashada waxbarashada, waxaana bilihii uu seegay uu xusay in uu waqtiga uga dayacmay kubbad-ciyaarid. Casharrada dhaafay muddadii uu waxbarasho-la’aanta ahaa ayuu hadda ka walwalsan yahay.

“Waxaan dareemi jiray jaahilnimo, waana iska wareegi jiray. Hadda laakiin maaddaama geed hoostiis ardayda la isugu yeeray oo casharka lagu qaato meeshaas baan tagnaa,” ayuu yiri.

Mid walba oo ka mid ah tobanka iskuul ee ay fatahaaddu saamaysay waxaa la siiyay 20 raadiye oo dabka ka hela cadceedda oo ay qaybisay hay’adda CARE International. Raadiyeyaasha la qaybiyay ayaa ku shaqeynaya falaashyo ay ku duuban yihiin casharradii dhaafay ardayda. Waxaa shantii arday oo isku fasal ahba la siiyay hal raadiye oo ay dib casharrada uga meersadaan.

Xabiibo Cabdi Xaaji oo dhigata fasalka afaraad ee dugsiga hoose ee deegaanka Gaafey, waxay xilliyada ay firaaqada tahay la kulantaa afarta arday ee ay raadiyaha la wadaagto si ay casharada u wada dhegeystaan, una qortaan. Shanti ardayba waxaa la wadaajiyay hal raadiye.

“Wax badan baan ka fahmay, falaashka iyo raadiyaha wixii hore ee iga lumay way ii soo celiyeen hadda wax waan ka haystaa,” ayay tiri Xabiibo.

Gabadhaan wuxuu qoyskeedu ku waayay fatahaadda beer saddex hektar ah iyo dalagyadii ugu abuurnaa.

Waxaa iskuulka la dhigta labo carruur ah oo la dhashay, da’ ahaanna ka yar. Waxay ku jiraan fasalka labaad ee dugsiga hoose. Waxay casharrada ku qaataan geedka hoostiisa.

“Geedka iyo iskuulka waxaa fiican iskuulka laakiin iskuulka biyo ayaa naga qaaday. Iskuulka dhan waa dumay, laakiin hadda geedka ayaan wax ku barannaa, qorrax baa i haysa, roob waa imaanaa marka roobkaas uu imaadana waan kala cararaynaa,” ayay tiri.

Guddoomiyaha waxbarashada magaalada Jowhar, Liibaan Bashiir Cumar ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ardaydan oo u badan kuwa ka soo jeeda qoysas danyar ah ay waxbarashada bilaash ku helaan.

Iskuullada ay fatahaaddu burburisay ayuu tilmaamay in wasaaradda waxbarashada Hir-shabeelle oo kaashanaysa hay’adaha Care iyo Unicef ay hirgalisay sanadkii 2017-kii.

“Sababta ugu weyn ee naga hortaagan dib-u-dhisidda iskuullada waa dhaqaale-la’aan. Midda labaad waa waddooyinkii ay soo mari lahaayeen qalabkii lagu dhisi lahaa, Muqdisho iyo Jowhar waad ogtahay fatahaaddii iyo roobkii ayaa kala xiray, laakiin marka ugu dhow qorshaha way noogu jirtaa in aan dhisno iskuullada tuulooyinka inta ay ka angagayso [qallalayso] waddada qorshaha way noogu jirtaa,” ayuu yiri.

Wasaaradda iyo maamullada iskuullada ayuu xusay in ay go’aansadeen in waxbarashada carruurta ay sii socoto iyagoo casharrada ku qaadanaya geedaha hoostooda.

“Hay’adda Unicef ayaa naga taageertay in ardaydii ay fatahaadda buuggaagta ka qaadday aan buugaag iyo boorsoonyin siinno. Waxaan rajaynaynaa in aan dhisno.”

Wuxuu sheegay in ay jiraan arday badan oo maamullada iskuullada ay u soo gudbiyeen in aysan waxbarashada ku laaban, markii fatahaadaha cusub ee ka dhashay roobka Deyrta ee da’aya ay saameysay isla markaana ay la barakaceen qoysaskooda.

Previous Post

Dad saacado safaf u gala ka dhaansiga ceelka keliya ee deegaanka Dhagtuur, Galgaduud

Next Post

Cabsi laga qabo cudurka kudka oo ay u xirantay seyladda Bukadhabo, Dowlad-deegaanka Soomaalida

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Keydka, sawiradda, Ergo

Cabsi laga qabo cudurka kudka oo ay u xirantay seyladda Bukadhabo, Dowlad-deegaanka Soomaalida

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo