Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dad saacado safaf u gala ka dhaansiga ceelka keliya ee deegaanka Dhagtuur, Galgaduud

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news, Somali news, Latest Somalia news

Kaydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xuseen Maxamuud Cabdi wuxuu sagaal saac oo ka mid ah waqtigiisa maalin walba ku qaataa saf uu u galo ceelka keliya ee deegaanka Dhagtuur ee degmada Cadaado oo ay biyo ku jiraan, si uu qoyskiisa ugu soo dhaamiyo biyo. Arigiisa ma uusan waraabin isbuucyadii u dambeysay, wuxuuna ka cabsi qabaa inay harraad uga le’daan.

Wuxuu ceelka oo uu u kallaho subaxa hore, ka soo laabtaa galabkii isagoo wata labaatanle biyo ah oo ay qoyskiisa oo sagaal qof ah isku celceliyaan 24-kii saacba.

“Haddii aad soo daahdo oo barqadii oo kale aad timaado rajo lagama qabo inaad biyo ka hesho ceelkaas. Dad ayaa habeenkii caagadahooda kala laabta iyagoo maran. Waxaan nolol ma ahan waa nolol ka bax biyihii intaas aad u taagneyd waxaa laga yaabaa iyagoo aan xitaa nadiif ahayn in aad dhaansato oo wasaq ah. Waxaa laga baqayaa xitaa in shuban-biyood uu ka dhasho,” ayuu yiri.

Deegaanka Dhagtuur waxaa bishii Oktoobar ku soo hayaamay xoolo-dhaqato ku noolaa deegaannada deriska la ah oo ay abaar ka taagan tahay, kaddib markii roob aan badnayn uu ka da’ay. Dadka deegaanka iyo xoolo-dhaqatada soo dul degay oo isku batay ayaa keentay in ceelka uu biyo yareeyo.

Arrintaan ayaa dhalisay in guddoomiyaha deegaanka uu guddi ka kooban shan xubnood u xil saaro saaro, maamulka ceelka iyo qeybinta biyaha. Guddiga oo habeenkii ceelka xira ayaa dib u fara subaxa hore si qoysaska ay biyo u dhaansadaan. Qoys walba ayaa loo oggol yahay keliya labaatanle biyo ah maalinkii, kaasi oo ay si lacag la’aan ah ku dhaansadaan.

Dadkii ugu dambeeyay ee deegaanka soo degay waxaa ka mid ah Xaawo Cali Maxamuud oo ah hooyada shan carruur ah. Waxay ka soo barakacday deegaanka Biyo-gaduud oo 95 km u jira Dhagtuur, kaddib markii ay maqashay in deegaanka uu roob ka da’ay.

Haweeneydaan ayaa biyaha yar ee uu seygeeda soo dhaamiyo u yaryareysa qoyska.

Waxay sheegtay in biyo yarida haysata awgeed ay raashinka hal waqti u kariso carruurteeda. Waxay xustay in bariiska ay cashada ku kariso ay badiso si carruurta ay meel ugu dhigto qeyb ay ku quraacdaan subaxda xigta, sidaasna ay ku joogaan maalintii oo dhan ilaa cashada laga gaaro. Carruurteeda ma qubeystaan, maaddaama biyaha yar aysan kala gaarin.

“Halka jiirigaan oo biyaha ah waxaaba dhacda afar iyo labaatan saac ka badan inaan isku celcelinno. Dhar kuma mayranno, ilmana ugu qubaysan maayo. Waxaan ku karsannaa, wax yar oo ay ilmaha cabbaanna meel ayaan ugu shubaa,” ayay tiri.

Booyado ayaa biyo keena deegaanka Dhagtuur, waxayna fuustadii iibiyaan $5 ilaa $6. Xoolo-dhaqatada ku nool deegaanka ayaan awoodin lacagtaan, maaddaama xoolohooda oo ay abaartu saamaysay aysan suuq lahayn.

Xaawo qoyskeeda oo aan lacagtaan awoodin waxaa xoolahooda oo 129 neef oo ari iyo labo neef oo geel ah ugu dambeysay inay biyo waraabiyaan toban cisho ka hor.

Dadka horay deegaanka Dhagtuur u joogay iyo kuwa soo dagay ayaa u siman biyo-yarida, waxayna dhamaan saf u galaan biyaha ceelka.

Guddoomiyaha deegaanka Dhagtuur Xasan Maxamed Kheyre oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa welwel ka muujiyay xaaladda biyo-yarida ee ka sii daraysa. Wuxuu ka cabsi qabaa in dadka deegaanka ay xaaladdooda sii adkaato, haddii aysan helin roob degdeg ah ama gargaar bani’aadannimo.

Previous Post

Haween ku sugan Awdal oo isku taageera iskaashi dhaqaale-wadaag ah

Next Post

Arday ay iskuulladooda burburisay fatahaadda Shabeellaha dhexe oo wax ku baranaya geedo hoostood

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Somalia new, Somalia live news, Somali news

Arday ay iskuulladooda burburisay fatahaadda Shabeellaha dhexe oo wax ku baranaya geedo hoostood

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo