Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Haween ku sugan Awdal oo isku taageera iskaashi dhaqaale-wadaag ah

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia latest news, Somali live news, Mogadishu live news, Somali news

Kaydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shan sano ay la daalaa-dhacaysay inay qoyskeeda u hesho raashin hal waqti ah kaddib, Aamina Cabdi Muuse waxaa hadda u suurtagashay inay carruurteed dabka u shiddo saddexda waqti, sidoo kalena ay iska bixiso lacagta kirada guriga iyo waxbarashada saddex ka tirsan lixdeeda carruurta ah.

Haweeneydaan ayuu nolosha qoyskeeda isbeddel ku yimid saddex bil ka hor, markaas oo $60 oo ay ka daynsatay haweenka tuulada Jarahoroto ee gobolka Awdal, oo lacag iska uruuriya, ay ku billowday ganacsi yar oo ay uga dhex shaqeysato tuuladeeda. Waxay iibisaa uunsiga iyo dharka dumarka.

“Noloshu aad bay isku beddeshay, qof gacantiisa ku ciil baxay ayaan noqday. Lacagtii dhigaalkii ee bishii aad soo awoodi kari la’ayd aad soo awoodayso,” ayay tiri.

Aamina ayaa ah qofka keliya ee uu qoyskeeda ku tiirsan yahay, maaddaama seygeeda oo wadi jiray cagaf cagafta uu hadda yahay shaqo-la’aan. Waxay ganacsigeeda ka heshaa $7 oo faa’iido ah maalinkii, waxayna rajeyneysaa in marka ay lacag badan u aruurto ay dayn kale ka soo qaadato haweenka tuulada si ay u iibsato dhul una dhisato.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in isbeddelka ku yimid nolosheeda ay ku dhiirigaliso kallahida subax walbo ay u kallahdo shaqada. Waxay rajeyneysaa inay ganacsigeeda uga bixiso waxbarashada carruurteeda ilaa heer jaamacadeed.

Haween ay tiradoodu tahay 25 qof oo kula nool tuulada ayay sheegtay inay bishii iska ururiyaan min $7 kaddibna ay siiyaan qofka ugu hooseeya nolol ahaan ee kolba fikir ganacsi la yimaada.

Haweenka lacagta la siiyay ayaa dib isaga soo celiya iyagoo iska bixiya bishiiba inta ay awoodaan. Haweenka qaar ee awooda lacag ka badan $7 ee bishii la iska uruuriyo ayaa bixiya lacag dheeri ah, taasi oo waqti walbo ee ay u baahdaan ay dib u codsan karaan in loo soo celiyo. Muddo afar bilood iyo bar ah oo ay haweenkan iskaashanayaan waxay lacag ay ganacsiyo ku samaystaan ku caawiyeen toddobo ka tirsan haweenka ku nool tuulada, oo ay ku jirto Aamina.

Deegaannada Cadmadooni, Geed-diqsi iyo Qabri-dhaweed oo dhamaan hoostaga degmada Baki ee gobolka Awdal ayaa iyaguna sidaan oo kale haweenku ay isku maalgaliyaan lacago ay iska ururiyaan. Fikirkaan ayaa wax weyn ka beddelay nolosha qoysas badan oo ku nool deegaannadaan.

Guddoomiyaha ururka haweenka ee tuulada Geed-diqsi, Xaawo Cabdi Liibaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in sababta ay isu kaashadaan ay tahay inay is gacan-qabtaan oo ay isku caawiyaan sidii ay ganacsiyo u furan lahayeen. Waxay sheegtay in siddeed haween ah oo ku nool deegaanka Geed-diqsi ay ganacsiyo u maal-geliyeen.

Ifraax Xasan Cabdi oo ah hooyada toban carruur oo ku nool tuulada Geed-diqsi waxay $60 oo ay haweenka ka heshay ku furatay dukaan ay khudaarta ku iibiso bishii May ee sanadkaan.

Haweeneydaan ayaa mar kale haweenka ka deynsatay $230 bishii Luulyo ee isla sanadkaan si ay u beddelato ganacsigeeda oo ahaa iibinta khudaarta. Lacagtii ay deynsatay ayay ku furatay dukaan dharka lagu iibiyo.

Ifraax waxay qoyskeeda ku biili jirtay mushaar ay ka soo hesho meherad oo ay nadiifiso ka ahayd. Waxay carruurteeda dabka u shidi jirtay labo waqti maalinkii, balse hadda waxay dabka u shidaa saddexda waqti. Afar ka tirsan carruurteeda oo sanad ka hor iskuulka uga haray dhaqaale-la’aan awgeed ayay dib ugu celisay waxbarashada.

Ifraax oo ay seygeeda kala tageen ayaa sheegtay in aysan taageero dhaqaale ka helin. Waxay ka soo guurtay aqal-caws ay deggeneyd waxayna kireysatay guri labo qol ah.

Previous Post

Taxanaha Gargaarka: Xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo noocyada gargaar ee xilligan loo baahan yahay

Next Post

Dad saacado safaf u gala ka dhaansiga ceelka keliya ee deegaanka Dhagtuur, Galgaduud

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Somalia news, Somali news, Latest Somalia news

Dad saacado safaf u gala ka dhaansiga ceelka keliya ee deegaanka Dhagtuur, Galgaduud

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo