Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato u hayaamay deegaanno roob helay oo ka walaacsan biyo yari iyo beec la’aanta xoolahooda

Radio Ergo by Radio Ergo
June 16, 2021
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
BIYO YARAAN IYO KULEYL SAAMEEYAY REER MIYIGA HIIRAAN

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal xoolo-dhaqato ah oo hayaan roob-raac ah ku tagay deegaannada Gidhays, Dagaari iyo Saax-wanaag oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa ku la kulmay halkas xaalad biyo yari iyo beec la’aan ku dhacday xoolahooda.

Dadkaas waxaa ka mid ah Nuur Cabdi Kulmiye. Wuxuu labadii bishan Juun dagay miyiga deegaanka Habaaswayne oo tuulada Gidheys ee gobolka Galgaduud u jira 25 km. Qoyskiis oo aysan xooluhu u gadmin ayaa si adag ku hela biyaha iyo raashinka. Wuxuu ku iibsada lacago aan joogto ahayn oo uu ka helo ehelkiisa oo daggan tuulada Ceel-huur ee gobolka Mudug.

Shan iyo labaatan qoys oo ku wehliya Nuur hayaanka ay uga yimaadeen deegaankoodii ayuu sheegay in si koox-koox ah hadda ay u iibsadaan 5-tii maalin ba fuusto biyo ah oo $6 ah, deegaanka uu joogo oo aan ceel-biyood lahayn ayaa dadka deegaanku ay biyaha iibka ah ku kaydsadaan baraaggo ay leeyihiin, Nuur wuxuu ka walwalsan yahay xoolaha oo aan biyo haysan.

“Inkastoo xooluhu ay dhamaad (caato) ahaayeen hadana biyo la’aan baa haysa. Meesha ceelka iyo barkadaha laga sheegayana magaaraan waana daraymaysiinoo waxa ay dadku ku nool yahay waa biyaha.”

Nuur ayaa tilmaamay in xoolahiisa uu u helay daaq aan badnayn oo ay isku moogaysiin karaan biyo la’aanta wuxuu se ka walaacsan yahay suuq-xumada xoolahiisa ay ugu wacan tahay caatada ay abaartu badday iyo curiiga sayladaha ka jira oo u saamixiwaayay in laga iibsado, toddobaadkii u danbeeyay wuxuu isku maray dhowr saylad isagoo wataa saddex neef oo ari ah balse xataa cidna kama gorgorin sida uu sheegay.

Ninkan ayaa miyiga Habaaswayne la yimid qoyskiisa oo lix qof ka kooban, 230 ari ah iyo labo awr. Waxay ka soo barakaceen deegaanka Ceelhuur oo halka uu joogo u jira qiyaastii 150 km. Wuxuu xusay in ay ku kaliftay hayaankan abaar daran oo ka jirta deegaankiisa oo roobkii gu’ga iyo dayrtii ka horraysay aan helin.

Nuur oo sheegay in xoolo-dhaqatadii la daganaa ay soo faarujiyeen deegaankoodii Ceel-huur waxa uu sharaxayaa sida ay ku yimaadeen dhulka doogga laga helay.

“Anigu waxaan wadada soomaray toban maalmood iyo tobankood habeen baan ku soo jiray lug baanan ahaa. Wax baabuur ah ma jirin, abaarta sa’idka ah ee abaarta caadiga ah lagu sheegi karo waxaan uga soo baxay Xinlabi, dadkii wuu soo gaari waayay sida runta ah wixii Xinlabi ka shisheeya markay marayaan ayaa xataa qaar ay halkaas dhoobteen oon iyo rafaad ayay la kulmeen wayna soo dhaqaaqi waayeen.”

Deegaanka Ceelhuur ee qoyska Nuur uu ka soo barakacay iyo kuwa kale ee ku teedsan xeebta u dhaxaysa dagmada Hobyo iyo Garacad ee gobolka Mudug ayaa roobka Gu’aga uu ku yaraa qaarkoodna dayrti hore xataa kuma hoorin, xoolo-dhaqatada ku hingoobay in deegaannadooda ay roob ku helaan ayaa iskugu tagay deegaanno aan badnayn oo ka tirsan gobollada dhexe oo roobkii gu’ga si fiican u helay.

Inkastoo uusan jirin gurmad ay xoolo-dhaqtada helayaan haddana waxay u guur-guurayaan meelaha naqa iyo biyaha laga sheego si xoolahooda ay badbaado ugu helaan.

Amaan Cabdullaahi Xirsi oo abaar ka jirta deegaanka Towfiiq oo hoostaga Gaalkacyo ka soo barakacay wuxuu daggan yahay bishii labaad miyiga Dagaari oo daaq fiican laga helay, Ninkan oo abaartu ay ka dishay in ka badan 20 neef tan iyo billowgii sanadkan wuxuu ka soo kabanayaa cunno xumadii xoolihiisa haysay.

Wuxuu sheegay in caqabadda ugu wayn ee hadda ku haysta isaga iyo xoolo-dhaqatada la midka ah deegaanka Dagaari in ay tahay  saylad la’aanta, xoolaha ay beeca u rabaan waxay geeyaan Gaalkacyo oo u jirta 32 km. Wuxuu sheegay in mararka qaar looga faa’iidaysto duruufta dhaqaale ee haysata.

“Hadda meesha aan joogno meel beec leh ama xoolo laga iibsado oo suuq leh maahan. Qofkii heli karaa neef uu suuq gaysto Gaalkacyo ayaa suuq ugu sokaysa haddana xagaa ayaa billowday oo aad baa loo walwalayaa laakiin qofkii neef fiican geesta qaymihii mid uu joogi lahaa wax dhiman baa la siiyaa oo qofka nafbaa ku qasbaysa, meeshii uu $50 ama $40 uu ka jooga $30 baa laga siinayaa.”

Labo kal-roobaad oo deegaankiisu uusan roob helin waxay dhirtu isku baddeshay mid qalalan. Qoyskiisa oo sagaal qof ah ayuu go’aansaday in uu ula barakaco deegaanno uu sahmiyay in ay roob fiican heleen sida Dagaari oo hadda uu joogo.

Wuxuu sheegay in qoyskiisa uu ku soo qaaday gaari uu ku kiraystay $170 oo kala bar lacagtaas uu sii hormariyay, wuxuu ka walwalsanaa in haddii safar lug ah uu la galo xoolihiisa oo doon u badnaa ay sababi karto in jidka ay uga dhintaa.

Wuxuu sheegay in qiyaastii 800 qoys ay daggan yihiin miyiga Dagaari kuwaas oo halkaas barakac ku tagay, deegaannada loo hayaamay waxaa ka jira ciriiri dhanka biyaha ah sida ay inoo sheegeen maamulada deegaannadaas.

Nageeye Xasan Haybe oo ah guddoomiyaha Dagaari ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in saddex ceel-gacmeed oo tuuladiisa ku yaalla dadka deegaanka iyo kuwa soo barakacay ay safaf dhaadheer u galaan si xoolaha ay uga waraabsadan maaddama biyo yarida ceelashu aysan u saamaxayn xoolaha biyaha u baahan in hal mar ay wada helaan.

 

 

Previous Post

Jigjiga: Xoolo-dhaqato wajahaya xaalado dhanka nolosha markii cudur aan la aqoon ay ku waayeen geelii ay ku tiirsanaayeen

Next Post

Macaamiil-yari haysata ganacsatada suuqa Madiina oo dib loo dhisay shan bil kaddib gubashadiisa

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Macaamiil-yari haysata ganacsatada suuqa Madiina oo dib loo dhisay shan bil kaddib gubashadiisa

Macaamiil-yari haysata ganacsatada suuqa Madiina oo dib loo dhisay shan bil kaddib gubashadiisa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo