Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Jigjiga: Xoolo-dhaqato wajahaya xaalado dhanka nolosha markii cudur aan la aqoon ay ku waayeen geelii ay ku tiirsanaayeen

Radio Ergo by Radio Ergo
June 15, 2021
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Jigjiga: Xoolo-dhaqato wajahaya xaalado dhanka nolosha markii cudur aan la aqoon ay ku waayeen geelii ay ku tiirsanaayeen

Xoolo dhaqato gubaayo geel u dhintay cudurka/Cabdiraxmaan Cismaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan afar kun oo neef oo geel ah ayaa tan iyo bishii May cudur aan la aqoon ugu dhintay deegaanno dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ah. Cudurka ayaa cayr ka dhigay kumannaan xoolo-dhaqato ah oo geela keliya haystay, taas oo saameyn ku yeelatay noloshooda.

Qoyska Xaliimo Cabdi oo duleedka degmada Sagag ee gobolka Nogob ku dhaqanayay shan neef oo geel ah oo cudurku ka dilay horraantii ilaa bartamihii bishii hore, waxaa soo food saartay dhibaato nololeed oo ku qasabtay in ay u soo guuraan tuulada Ciidadow oo hoos timaadda degmada Sagag.

Xaliimo waxay sheegtay in hadda xaaladda weyn ee ay wajahayaan iyada qoyskeedu ay tahay cunno yaraan iyo hoy la’aan.

“Qabowga iyo dhaxanta iyo dabaysha dibadda ayaanu u jiifnaa, rafaad badan ayaa nahaysta Ilaahay ayaan sugaynaa in uu nasoo caawiyo, wax alla wax aanu haysanaa ma jiro, waxaan haystaa 10 ruux oo Aaabohood si weyn u xanuunsanayo.’’

Xaliimo waxay tuulada ka furatay maqaaxi laga cabo shaaha oo ay ka hesho wax ay hal mar maalintii dabka saartaan. Waxay maqaaxidan ku billowday haaf sonkor ah oo ay ka soo amaahatay nin tuulada ku haysta dukaan raashinka lagu iibiyo. Xaliimo waxay sheegtay in maalintii ugu yaraan laga iibsado labo falaas oo shaah ah oo ay ka faa’iiddo ugu badnaan 60 bir oo u dhiganta $1.1.

Qoyska Xaliimo isha dhaqaale ee kaliya ee ay ku tiirsanayeen waxa uu ahaa Geela, ma jirin xoolo kale oo ay lahaayeen, taas ka dhigtay qoyskan Caydh.

“Dad 11 qof ah ayaa irmaankiisa iyo iibkiisa iyo arsaaqdiisaba sugaysay, dadkii 11-ka ahaa geelii ku masruufka ahaa magaranay, ama hasha irmaan ama hayinka iyo Ratiga ugu xoogsanayey ee aan ugu qaf-qaflayn lahaa ee aan xaabo ugu guri lahaa ama aan wax kale ugu qabtayaaye ee aan arsaaqad ka sugaaayey ilaahii lahaa ayaa muquunsaday oo ka qaatay.’’

Bashiir Macalin Maxamed oo kamid ah leellayda deegaanka Malayko ee gobolka Nogob waxaa si wayn u saameeyey cudurka geela laynaya. Bashiir qoyskiisa haystay 30 neef oo geel ah wuxuu cudurka ku waayay 15.

“Anigu Nin weyn oo caqli leh ayaan ahay, Ilaahay in ay noloshu ku tiirsan tahay ayaan ogahay, laakiin wixii iga hooseeyey ee caqligiisu uu yaraa oo dhan in aanay noolaanayn oo ay maanta u dhammaatay ayaa ku xarootay. Ilaahay ayaa ina arsaaqi ee aamusa uun baan leeyahay, cabsi weyn baa xagga noloshasha naga soo foodsaartay, waanan cabsannay noolaan maysaan baa nagashay, haddana dadka iyo dawladdu way na wacyi-geliyeen, si fiican bay qalbiga noogu sifeeyeen, waa la idiin gurman wax baa la idiin qaban ayaa nala yidhi, intaas baa qalbiga noo dajisay.’’

Bashiir Macalin ayaa Radio Ergo uga warramay qaabka uu xanuun kani Geela u laynayo, isagoo xusay in ay argagax ku abuurtay guud ahaan bulshada geel dhaqatada ah sida fududud ee geela uu u leynayo cudurkan aan noociisa la garanayn.

“Wuxuu u dhimanayaa hashu iyadoo foolan ayaa fool loo raaci, ilmihii way soo tuuri, kobtaa uun bay ku yeedhi, ninkii calool nugulna wuu bakhtiin, nina inta kuruskuu ka goosan oo waa laga cararayaa uun, iskaddaaya ayaa la yidhi xitaa kuruskii la shiilay waa laga cararay, nolol iyo cabsi badan ayaa nagu dhacday, markaa xaaladdayadu aad bay u inkaaran tahay, weligay ma aanan arag 15-Halaad oo dhashay oo dayr-dhal iyo gu’-dhal ah oo bakhti ah oo meel yaalla.”

Bashiir ayaa tilmaamay in ay joojiyeen isticmaalka hililbka geela uu cudurku ku dhaco markii ay ku xanuunsadeen dhowr qof oo isagu ku jiro. Waxa uu ka warramayaa marka uu dhinto sida ay u maareeyaan.

“Geela waa la gubay badidii, wixii tabar loo hayey, oo dad akabaabigaa kaga dhawaa ayaa gubay, wixii kelana dhulka uun buu ku uray, wax la qashay ma jiro, dharaarihii hore ee sidii cudurka Geelu ku dhiman jiray ayaa neef-neef la qashay, neef-neefkiina dadku wuu ku xanuunsaday, anigu dadkii ku xanuunsaday ayaan kamid ahaa, waxa la isoo dhigay Cisbitaalka Malayko, Garbo gaadhi iiga soo diray, aad iyo aad ayaan u xanuunsaday, ilaa 10 beri ayaan aalllay.’’

Xanuunkan ayaan weli la ogaan nooca uu yahay iyo waxa sababay, waxaana baadhitaankiisa loo diray shaybaadhka xoolaha ee qaranka Itoobiya oo ku yaalla magaaalada Adis Ababa.

Dr Abdifataax Axmed oo bartay culuunta caafimaadka xoolaha iyo cudurrada xoolaha kana shaqeeya shaybaadhka xoolaha ee deegaanka Soomaalida oo ka mid ahaa dhakhaatirtii markii cudurku ka dilaacay deegaannada loo diray inay xog ururin ku sameeyaan nooca cudurka ayaa bulshada uga digay in ay xiligan isticmaaalaan caanaha geela iyo cadkooda inta la ogaanayo nooca xanuunka.

“Farrinta aan u gudbinayo waxaa weeyaan dhammaan dadka gaar ahaan xoolo dhaqatada ah inay maxay ahaydee inta uu xanuunku meel u dhacayo la ogaanayo jawaab deg deg ah laga keenayo een jatiiyooyinku soobaxayaan inay macxay ahaydee ay hilibka ayna cunin caanihiisan ayna cunin een neefka tu’saale xerada ku dhunta oo kale ay gubaan ama ay aasaan ilaa god labbo mitir ah ay ka daxadaraan weeyaaan, neef neefka ay arkaan inuu xanuunsanayo inkaas  lafti giisa ay iska ilaaliyaan inayna taaban.”

Geelleyda ayaa cabsi weyn ka qaba in cudurkan oo sii faafaya uu ku sii raago deegaanka iyadoo aan loo hayn daawo iyo ka hortag midna.

 

Previous Post

Muqdisho: Haweenkii rabashadaha doorashada ka barakaciyey xeryahooda oo laga tageeray dhaqaale ganacsi

Next Post

Xoolo-dhaqato u hayaamay deegaanno roob helay oo ka walaacsan biyo yari iyo beec la’aanta xoolahooda

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
BIYO YARAAN IYO KULEYL SAAMEEYAY REER MIYIGA HIIRAAN

Xoolo-dhaqato u hayaamay deegaanno roob helay oo ka walaacsan biyo yari iyo beec la’aanta xoolahooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo