(ERGO) – Qoysaskii ku barakacay rabshadihii magaalada Muqdisho gaar ahaan xeryaha barakaca ee xaafadda Sigaale ayaa u dib bilaabay ganacsiyadii iyo shaqooyinkii ay qaban jireen markii ay dib ugu soo laabteen xeryaha barakaca ee degmada Hodan oo ay markii hore ay kunoolaayeen.
Jiija Maxamed Yuusuf waxay ka mid tahay 30 haween oo markii ay dib ugu soo laabteen xeryaha barakaca laga caawiyay in ay dib u bilowdaan ganacsiyadii ay markii hore heysteen oo ay ku weysay rabshadihii.
Waxa ay tilmaamtay Jiija in lacag dhan 130 doollar ay ka heshay hay’adda Barwaaqo community taas oo u sahahashay in miis ay dul saarato dharka caruurta iyo Gabadhaha ka dib ay suuqa kaga soo adeegatay lacagtii la siiyay. Waxa ay sheegtay Miiskeeda ay furatay bartamihii bishii May, 2021 islamarkaana si wanaagsan wax looga iibsaday maalimihii lasoo dhaafay.
Jiiji ayaa xustay in ay ku qanacsan tahay habka ganacsigeedu hada u socdo oo ay sheegtay in uu ka duwan yahay habki uu usocday ganacsigeedi hore waxa ay sheegtay in dhaqaale garaya shan ilaa lix dollar, ay ka hesho iyo ka badan ba miiskeeda malmaha qaar halka ay sheegtay in malinta ay ugu dhaqalaha yar tahay ay so gasho lacag dhan lixddan iyo shan kun oo shilin somaali ah, oo udhiganta labba dollar iyo bar kaas oo lagaga gato hal baati ah ama hal shaash ah.
“Hay’add baa na caawisay oo na siisay lacag yar marka qeybna waan so cadaysanay qeyb na Deyn baan ku so qaatay ganacsi ban samaystay malinti lacag fican ba igaso gasha markay ugu yar tahay 2.5 ayaa igaso gasha waxan gada dharka ciyaalka kabo iyo baatiyaal madama raashinka culusyahay oo la qadi karinhadi dhib yimado.”
Hadda waxay qorsheynaysa in ay kasoo kabato waxyeeladii dhanka ganacsiga ee soo gaartay oo aheyd in markii hore miiskeed ay ku iibin jirtay raashin kiilo kiilo xiran sida burka, Bariiska iyo Sonkorta lacag ahaan lagu qiimeeyay 100 dollar.
Waxay sheegtay in raashinkii miiska u saarnaa ay la carartay,islamarkaana ay isticmaaleen malmihii ay ku sugneyd xeryaha barakaca ee degmada Dayniile qayb ka mid ah ay kaga khasaartay robaabki ka socday magaalada muqdisho malmihii udanbeyey.
Ganacsigaas ayeey sheegtay in ay ka samaysatay 2019 bishii 1aad dhaqaale kooban oo gaaraya lixddan dollar oo ay ka urruurisay ayuutooyiin iyo shaqoyiin muruq maal ah oo ay ilmaheeda ku korin jirtay ka hor inta anay bilaabin ganacsigan.
“Makhaayad baan alaabta udhaqi jiray dhaqaale yar ayaan ka uruursaday raashin yar, iyo bagaash, ban ka sameystay dhar iyo wax baan dhaqi jiray waxayga waan isku kalmaysan jiray balse marki colaadaha ayu ganacsigi iga baa ba ay raashiinki qayb wan qadanay oo cunay.”
Jiija oo ah hooyadda Sideed Carruur ah ayaa Radio ergo u sheegtay in hadda maalinkii ay dadka ka agdhow xeryaha ay kunooshahay wax ka gataan, islamarkaana carruurta labo jeer wax ugu kariso, maadaama aabahood uu horay u geeriyooday mudo hadda laga joogo afar sano.
Waxay sheegtay in ay rajo ka qabto in xaaladda Barakaca ah ee ay ku jirto in ay ka baxdo ayna noqoto qof ku filan noloshada sagaalkeeda carruurta ah.
Bishii March ee Sanadka 2016-kii ayay kasoo barakacday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ka dib markii halkaasi ay ka dhaceen abaaro ay ku weysay beer iyo xoolo oo ay degaanka ku dhaqan jirtay.
Yaasmiin abdullahi oo ah hooyoda afar caruur ah oo ka mid ahayd qoysaaski siigaale ka barakacay ayaa hadda ku mareysa noloosha qoyskeeda dhaqaale gaaraya lix ilaa iyo tobban dollar oo ay ka hesho miis ay ku ibiiso qudaar kala duwan sida qaraha, yaanyada, basasha, baradhada, kostada, barbarooniga, iyo khudaar la mid ah. Oo ay ka caawisay haay’adda barwaaqo.
Yaasmiin waxay hore uga ganacsan jirtay miis yar oo ay ku ibiin jirtay khudaar ka kooban yaanyo basal iyo xooga baradho ah waxay sheegtay in ay ka heli jirtay dhaqaale gaaraya hal dollar ila hal dollar iyo bar si maalinle ah balse waxay ku weyday miiski ay usarnayeen khudarta iyo qayb ka mid ah khudaar ay dalbatay ba kadib marki ay deeganka ka barakaceen.
“Miiiskan waxan ka rajaynaya wax fican Meeshan subax walba waan imadda nafaqaddayda ayaan ka radsada ilmahaan ku korsadda.”
Yaasmiin Waxaa ay usheegtay raadiyaha ergo in dhamaan ba ay haloowday khudaarti uxarays nayd marki ay dhaaftay waqtiigeedi sidaasna logu yeeshay deynta lacagti ay khudarta kuso qaadatay oo dhan tobban iyo shan dollar ganacsiga ayeey sheegtay in ay ku billowday dhaqaale ah ‘soddon dollar’ oo ay ka uruurisay dhar dhaqow nadaafad iyo shaqooyiin la mid ah oo ay ku noolayeen iyadda iyo qoyskeedu.
Waxay sanadkii 2018 kaso barakacday gobolka shabelaha hoose gaar ahaan deegaanka yaaq Bira weyne halkaas oo ay sheegtay in arimo qabiil Loga dilay saygeeda taas oo sabbabtay in ay soo barakacaan iyaga oo nolool ka duwan middi hore uso doontay magalada muqdisho.
Hay’adda Barwaaqo Community oo caawisay haweenkaan ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada haweenka heystay ganacsiyada yar yar ay saameeyeen rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii April ee sanadkaan.
Salim Maxamed xasan oo ka tirsan hay’adda Barwaaqo community ayaa Ergo u sheegay in 30-ka qof ee dumarka ah ee ay taageerada siiyeen ay ahaayeen kuwii ugu baahida badnaa ayna qorsheynayaan in bilaha soo socda ay caawiyaan ku dhawaad 150 dumar ah oo kunool xeryaha barakaca si ay uga baxaan dhibaatooyinka heysta dhanka nolosha.