(ERGO) – Ganacsatada suuqa weyn ee Madiina ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho oo dib u furtay dukaamadoodii oo dib loo dhisay gubasho kaddib ayaa ka cabanaya suuq-la’aan.
Suuqa oo dhowr jeer gubtay ayaa bishii December ee sanadkii la soo dhaafay waxaa hantidii taallay baabi’iyay dab.
Dib-u-dhiska suuqa waxaa iska kaashaday dadka leh dhulka oo lacago isku darsaday kana dhisay dhismooyin dhagax ah si ay u sahlanaato xakameynta dab dambe.
Cali Cismaan Cali oo ka mid ah ganacsatada dib u furtay ganacsigooda waxaa dabka ka kacay suuqa uga khasaartay badeeco uu qiimaheeda ku qiyaasay $2,500. Hadda wuxuu ku rajo weyn yahay inuu ka soo kabto dhaqaalo burburkii ku dhacay oo noloshiisa saameeyay.
Mehradda uu hadda ka furtay suuqa ayaan inta badan camirneyn.
Waxyaabaha iskifaallaha u saaran ee uu gado marka la isku geeyo waxay ku fadhiyaan qiimo ka hooseeya $300.
Kalabar badeecada wuxuu dayn uga soo qaatay ganacsato kale oo bil walba kula heshiiyay inuu qeyb qeyb u bixiyo. Lacagta deynta ah waxaa u dheer kirada laga rabo ee dukaanka.
“Markii hore meel weyn oo noolasheenna ku filan ahayd aheyd. Kistan yaroo labada iskifaallo saaran iska biidho-biidho waaye,” ayuu yiri Cali.
Cali wuxuu dib u billaabay isla ganacsigiisii hore oo ahaa iibinta noocyada saliidaha ee loo adeegsado cuntada iyo jirka, sida macsarada, saliid-caddeyda, saliid-saytuunta, iyo xabbad sowdada.
Wax-soo-saarkiisa maalinlaha ah ayuu sheegay inuu yahay celcelis $5. Lacagta oo ay reerkiisa biishaan ayaa ah mid aad u yar marka loo barbar-dhigo $30 oo uu maalin kasta ka heli jiray meheraddiisa gubashda ka hor.
Cali ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jira suuqa uu weli hooseeyso. Arrimaha ay ganacsatadu u sababeeyeen suuq-xumada waa muddadii dheereyd ee ay ka maqnaayeen suuqa iyo macaamiishii oo meelo kale u wareegay.
“Daymo la igu leeyahay ayaa jiraan oo aan alaab ku soo qaatay mar walba waa la i weydiiyaa. Waxaan iraahdaa kolay hadda xaaladda caadi ma aha ee wixiinna sugta.”
Qoyska Cali oo ka kooban lix qof ayaa deggan hal qol oo aan kiro aheyn kaas oo ay ku caawiyeen qaraabadiisa. Arrintan waxaa ku khasabtay markii uu awoodi waayay bixinta kirada guri saddex qol ah oo uu ku deggenaa kiro dhan $100 bishii.
Shantii bil ee uu suuqu xirnaa wuxuu nolosha qoyskiisa ka maareyn jiray shaqo xoogsi ah oo uu ka helay dhismaha guryaha. Wuxuu sheegay inay aheyd shaqo ku cusub oo adag oo uusan aqoon u laheyn, balse duruuftu ay ku khasbaysay.
Labo ka tirsan carruurtiisa oo waxbarashada ay ka joogsatay tan iyo markii uu suuqu xirmay ayuu sheegay in uu dib ugu celin doono tacliinta markuu ganacsigiisa u hagaago.
Shantii sano ee la soo dhaafay dhowr mar ayuu siyaabo kala duwan dab uga kacay suuqa weyn ee Madiina.
Soo noqnoqshada dabka iyo khasaaraha badan ee uu geysto ayaa loo sababayn jiray qaabka uu u dhisnaa.
Dhismooyinka hore ee suuqa ayaa u badnaa jiingado, balse hataan inta badan dhismayaasha ayaa dhagax laga dhigay.
Maamulka degmada ayaa suuqa u sameeyay tubbooyin ay ka dhaansan karaan gawaarida dab-damiska, halka dukaamada loo jeediyay inay xarumahooda dhigtaan haanta dab-damiska ee derbiyada la suro.
Isbeddelka suuqa ku yimid ayay ganacsatadu sheegeen in aysan cid ku boos waayin balse ay jiraan kuwo cabbirka boosaskooda ay is dhimeen maaddaama jidad fududeyn kara dhaqdhaqaaqa gaadiidka dab-damiska laga dhex bixiyay suuqa.
Najax oo ah shirkad dhisme oo maxalli ah ayaa dib u qaabeysay dhismaha cusub ee suuqa.
Maxamed Cali Maxamuud oo nashqadeynta u qaabbilan shirkaddaas ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qaabka hadda loo dhisay suuqa uu yahay qaab ku saleysan ka hortagga dabka.
Maxamed Xaaji Axmed oo ah farsamo-yaqaan ku shaqeysta cillad-bixinta taleefannada ayaa ganaacsigiisa dib u furtay kaddib markii uu lacag dhan $250 ku caawiyay nin ay qaraabo yihiin.
“Koow ayaan hadda ka soo billaabay. Badanaa boqolkiiba siddeetan qalabkii waa maqan yahay, laakiin intii ugu muhiim saneyd oo mobile lagu furi lahaa waan heestaa,” ayuu yiri.
Dukaankiisii hore oo uu ku gadi jiray teleefoonnada gacanta ee celiska ah iyo alaabtii taallay oo ay ku jireen qalabkii farsamada ayaan midna ka badbaadin dabka.
Muddadii uu shaqo-la’aanta ahaa, wuxuu qalabka farsamada ka kireysan jiray saaxiibbadiis. Balse wuxuu sheegay in uusan mar walba heli jirin. Marka uu helo qaar ka tirsan macaamiishiisii hore ayuu guriga ugu shaqeyn jiray si uu reerkiisa u biisho.
Suuqa weyn ee Madiina oo ku fadhiya dhul ka badan 1km oo isku wareeg ah ayaa horay u gubtay dhowr jeer, balse dabkii ugu dambeeyay ee qabsaday December 2020 ayaa loo diiwaangeliyay kii ugu saameynta badnaa 10-kii sano ee la soo dhaafay.










