(ERGO) – Kumannaan qoys oo xoolo dhaqato iyo beeralay ah oo ammaan darro uga soo barakacay tuulooyin kala duwan ayaa hoy xumo, cunta yari iyo biyo la’aan ku haystaa gudaha magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Luuley oo 70 jir ah iyo qoyskeeda oo 12 bishan June soo gaaray magaalada Xudur, ayaa ka mid ah dadka ay dhibaatadan haysato, kuwaasoo aan heli Karin raashin ay cunaan. Waxay sheegtay in marki ugu horreeysay nolasheeda ay ka barakacday deegaanka Mada-waraabe oo ay ku leedahay beer.
“Hadda biyo oo kaliya ayaan ku noolnahay, carruurta buskud nafaqo leh ayaa la siiyaa oo ay bixiyaan hay’adaha samafalka,” ayay tiri Luuley oo ka welwelsan xaaladda ay ku sugan tahay.
Nolasha qoyskan oo ka kooban 7 qof ayaa ku tiirsanayd dalagga uga soo go’i jiray beertooda, inkastoo sanadihi dambe ay saamayn abaaraha iyo ayaxa.
“Wax aan soo qaadannay oo halkan la imaanay ma jirto, xilliga abaarta oo beertu bixi waydo, waxaan soo guran jirnay xaabada oo magaalada aan keeni jirnay hadda wixii oo dhan ma jiraan, waxaan imaanay Magaalo dadka jooga iyo annagaba aan isku mid nahay,” ayay tiri Luuley.
Maamulka dowladda hoose ee degmada Xudur ayaa qoysaskan dejiyay 7 goobood oo bannana ah. Gudoomiyaha arimaha bulshada ee degmada Xudur Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay in xaaladda dadkan ay ka welwelsan yihiin laakiin waxa kaliya ee ay qaban karaan ay tahay inay dajiyaan.
“Dadka maalmihii hore yimid iyo kuwa maanta imaaday waa isku mid, xudur xaalad bani’aadanimo ayaa ka jirta, waayo wasiirka gargarka iyo hay,addaha oo yimid ayaa soo arkey xaaladan halista ah ee Xudur ka taagan,” sidaa waxaa yiri Maxamed Cabdiraxmaan.
Cali oo qooyskiisu ka kooban yahay 9 qof oo toddobaad ka hor yimid magaalada xudur ayaa sheegay in meel bannaan ah ay seexdaan, muddaas ayuu sheegay in uu u qalay qoyskiisa 3 neef oo ari oo kamid ah 15 neef oo ari ah oo uu la soo galay magaalada.
“Cunto, biyo, musqulo iyo hoy toona ma haysanno, dadka aan u imaanay waa dad abaaraysan oo rafaadsan waxba ma haystaan,” ayuu yiri Cali oo aan garanayn waxa ay ku dambayn doonto nolashooda.
Barakacan ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay ganacstada yar yar ee tuulooyinka oo ku tiirsanaa xoolo dhaqatada iyo beeralayda. Dadkaasi waxaa ka mid ah Cabdi oo tukaan ku lahaa deegaanka War-galool oo 14 kiilo mitir u jira magaalada Xudur, ayaa sheegay in uu iibin jiray waxyaabaha qutul daruuriga ah balse asaga oo aan waxba ka soo qaadan uu ka soo tagay.
“Alaabta waxay iga iimaan jirtay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur nolala fiican baan ku haystay, amni darro ayaa soo korartay waana ka soo cararay,” ayuu yiri Cabdi.










