Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bakool: Qoysas ka soo barakacay tuulooyinka oo ku dhibaataysan magaalada Xudur

Radio Ergo by Radio Ergo
June 18, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Barakacayaal ku dhibaateysan tuulooyin ku teedsan Ceelcadde

Sawir/Keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kumannaan qoys oo xoolo dhaqato iyo beeralay ah oo ammaan darro uga soo barakacay tuulooyin kala duwan ayaa hoy xumo, cunta yari iyo biyo la’aan ku haystaa gudaha magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Luuley oo 70 jir ah iyo qoyskeeda oo 12 bishan June soo gaaray magaalada Xudur, ayaa ka mid ah dadka ay dhibaatadan haysato, kuwaasoo aan heli Karin raashin ay cunaan. Waxay sheegtay in marki ugu horreeysay nolasheeda ay ka barakacday deegaanka Mada-waraabe oo ay ku leedahay beer.

“Hadda biyo oo kaliya ayaan ku noolnahay, carruurta buskud nafaqo leh ayaa la siiyaa oo ay bixiyaan hay’adaha samafalka,” ayay tiri Luuley oo ka welwelsan xaaladda ay ku sugan tahay.

Nolasha qoyskan oo ka kooban 7 qof ayaa ku tiirsanayd dalagga uga soo go’i jiray beertooda, inkastoo sanadihi dambe ay saamayn abaaraha iyo ayaxa.

“Wax aan soo qaadannay oo halkan la imaanay ma jirto, xilliga abaarta oo beertu bixi waydo, waxaan soo guran jirnay xaabada oo magaalada aan keeni jirnay hadda wixii oo dhan ma jiraan, waxaan imaanay Magaalo dadka jooga iyo annagaba aan isku mid nahay,” ayay tiri Luuley.

Maamulka dowladda hoose ee degmada Xudur ayaa qoysaskan dejiyay 7 goobood oo bannana ah. Gudoomiyaha arimaha bulshada ee degmada Xudur Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay in xaaladda dadkan ay ka welwelsan yihiin laakiin waxa kaliya ee ay qaban karaan ay tahay inay dajiyaan.

“Dadka maalmihii hore yimid iyo kuwa maanta imaaday waa isku mid, xudur xaalad bani’aadanimo ayaa ka jirta, waayo wasiirka gargarka iyo hay,addaha oo yimid ayaa soo arkey xaaladan halista ah ee Xudur ka taagan,” sidaa waxaa yiri Maxamed Cabdiraxmaan.

Cali oo qooyskiisu ka kooban yahay 9 qof oo toddobaad ka hor yimid magaalada xudur ayaa sheegay in meel bannaan  ah ay seexdaan, muddaas ayuu sheegay in uu u qalay qoyskiisa 3 neef oo ari oo kamid ah 15 neef oo ari ah oo uu la soo galay magaalada.

“Cunto, biyo, musqulo iyo hoy toona ma haysanno, dadka aan u imaanay waa dad abaaraysan oo rafaadsan waxba ma haystaan,” ayuu yiri Cali oo aan garanayn waxa ay ku dambayn doonto nolashooda.

Barakacan ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay ganacstada yar yar ee tuulooyinka oo ku tiirsanaa xoolo dhaqatada iyo beeralayda. Dadkaasi waxaa ka mid ah Cabdi oo tukaan ku lahaa deegaanka War-galool oo 14 kiilo mitir u jira magaalada Xudur, ayaa sheegay in uu iibin jiray waxyaabaha qutul daruuriga ah balse asaga oo aan waxba ka soo qaadan uu ka soo tagay.

“Alaabta waxay iga iimaan jirtay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur nolala fiican baan ku haystay, amni darro ayaa soo korartay waana ka soo cararay,” ayuu yiri Cabdi.

Previous Post

Macaamiil-yari haysata ganacsatada suuqa Madiina oo dib loo dhisay shan bil kaddib gubashadiisa

Next Post

Somaliland: Haweenka ganacsiyada yaryar leh oo u baahan daymo si ay u helaan kabitaan dhaqaale

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Isbedellada nololeed ee barakacayaasha Doolow kadib sannado badan oo barakacnimo

Somaliland: Haweenka ganacsiyada yaryar leh oo u baahan daymo si ay u helaan kabitaan dhaqaale

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo