Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Somaliland: Haweenka ganacsiyada yaryar leh oo u baahan daymo si ay u helaan kabitaan dhaqaale

Radio Ergo by Radio Ergo
June 18, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Isbedellada nololeed ee barakacayaasha Doolow kadib sannado badan oo barakacnimo

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haweenka leh ganacsiyada yaryar ee ku sugan Soomaalilnad ayaa la sheegay inay ka burburaan ganacsiyada marka ay waayaan dhaqaale ay ku kabaan sida lagu sheegay daraasad ay si wada jir ah u  sameeyeen rugta ganacsiga Soomaaliland  hay’adda Oxform.

Basra Xuseen Xirsi oo bishi October ee sanadki hore uu ka xirmay tukaan ay ku lahayd xaafadda gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay sababta ay tahay inay wayday dhaqaale ay ku gabato. Goobtan ganacsi oo ay ku iibin jirtay bagaasha ayaa waxay ku noolaa sideed qof oo uu ka kooban yahay qoyskeeda. Hadda waa shaqo la’aan guri joog ah.

“Waxay ahayd meherad yar oo aan wax badan la galin oo xaafad dhexdeeda ku taalla, ka bacdi wixii yaraa waala iska biishaday, wax meel sii yaallay oo aan u dhigayna ma jirin, wax gacan qabad ah oo aan meel kale ka helay ma jirin markaa meheradii yarayd sidaasi ayay igaga xirantay,” ayay tiri Basra.

Qoyskan ayaa hadda ku nool 130 $ oo ay bishii siiso hooyadeed, waxayna dagan yihiin guri uu walaalkeed ku caawiyay si ugu sii noolaadaan inta xaalku isbadalayo.

Basra waxay sheegtay in ay ka warqabto in bangiyada ay dayn bixiyaan laakiin aysan awoodin lacagta bishi la celnayo oo ay sheegtay inay ku badan tahay, Waxay kaloo cabsi galiayya lacagta daynta loo bixiyo oo badan.

Daraasadda ayaa lagu ogaaday in haweenka badankooda aysan xog ka ahayn deymaha laga qaato bangiyada si ugu kabtaan ganacsiga iyo inay ka cabsadaan bixinta dayntaas.

Cabdicasiis Cali Caddaani oo ka tirsan hay’adda Oxform, ayaa sheegay inay wareysteen boqol iyo afartan haween ah oo kala jooga magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama oo dhammaan uu ka burburay ganacsiga sanadki 2020-ki. Wuxuu sheegay in qaabka ay bangayada bixiya maalgalinta adeegsadaan uu yahay mid aan caawinayn haweenkan.

Fursadda maalgalinta haweenka ee meesha ka maqan ayaa keentay in saboolnimadu xoogeysato maadaama inta badan nolasha qoysaska ay ku tiirsan yihiin haweenka.

“Waxaa kale oo aan ogaannay in haweenka doorbidayaan amaahaha iyagu kala qaataan oo si fudud ay isaga bixin karaan sida hagbada oo kale oo ah wax ay si fudud isaga bixin karaan,” ayuu yiri Cabdicasiis.

Cabdicasiis ayaa sidoo kale sheegay in haweenka badankooda aysan awoodin celinta deymaha laga qaato bangiyada maadama ay badan lacagta laga rabo bishi inay celiyaan taasoo ah caqabad kale.

Nimco Cali Axmed oo ka ganacsan jirtay hilibka xoolaha oo laba neef qali jirtay maalinti ayaa joojisya bishi June ee sanadki 2020, kadib marki uu qaaliyoobay qiimaha xoolaha abaarta awgeed. Lacag yar oo ay haysatay waxay kaga dhammaatay biilka qoyska. Ganacsiga marka uu istaagay waxaa Meesha ka baxday waxbarashada qaar ka tirsan carruurteeda oo toddobo ah. Waxaa ku adkaatay inay dib u billowdo ganacsigeeda.

“Waxay igaga filnayd meelo badan, sida waxbarashada ciyaalka ayaan ku bixin jiray, arad baxooda, noolasha oo dhan ayaa isbadashay,” ayay tiri Nimco.

Hadda waxaa biilka qoyska, raashinka iyo saddex ka mida caruurteeda waxbarashadooda ka bixiya wiil ay qaraabo yihiin.

Nimco waxay sheegtay in bishi May ee sanadkan ka war heshay inay jirto qaab ay ku heli karto maalin dayn ah oo ay ka soo qaadato bangiyada hadda ayay qorshaynayso inay doonato dayn si ay dib ugu billowdo ganacsigeeda.

“Wali iskumaan dayin (amaahda) laakiin waan ku talo jiray inaan isku dayo, mardhow ayaan maqlay, haweenay kale oo soo qaadatay ayaa ii sheegtay,” ayay tiri Nimco.

Previous Post

Bakool: Qoysas ka soo barakacay tuulooyinka oo ku dhibaataysan magaalada Xudur

Next Post

Maintaining COVID19 preventive measures during independence festivals

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Coronavirus prevention and what Islamic religion says about taking precautions as new wave starts

Maintaining COVID19 preventive measures during independence festivals

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo