(ERGO) – Haweenka leh ganacsiyada yaryar ee ku sugan Soomaalilnad ayaa la sheegay inay ka burburaan ganacsiyada marka ay waayaan dhaqaale ay ku kabaan sida lagu sheegay daraasad ay si wada jir ah u sameeyeen rugta ganacsiga Soomaaliland hay’adda Oxform.
Basra Xuseen Xirsi oo bishi October ee sanadki hore uu ka xirmay tukaan ay ku lahayd xaafadda gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay sababta ay tahay inay wayday dhaqaale ay ku gabato. Goobtan ganacsi oo ay ku iibin jirtay bagaasha ayaa waxay ku noolaa sideed qof oo uu ka kooban yahay qoyskeeda. Hadda waa shaqo la’aan guri joog ah.
“Waxay ahayd meherad yar oo aan wax badan la galin oo xaafad dhexdeeda ku taalla, ka bacdi wixii yaraa waala iska biishaday, wax meel sii yaallay oo aan u dhigayna ma jirin, wax gacan qabad ah oo aan meel kale ka helay ma jirin markaa meheradii yarayd sidaasi ayay igaga xirantay,” ayay tiri Basra.
Qoyskan ayaa hadda ku nool 130 $ oo ay bishii siiso hooyadeed, waxayna dagan yihiin guri uu walaalkeed ku caawiyay si ugu sii noolaadaan inta xaalku isbadalayo.
Basra waxay sheegtay in ay ka warqabto in bangiyada ay dayn bixiyaan laakiin aysan awoodin lacagta bishi la celnayo oo ay sheegtay inay ku badan tahay, Waxay kaloo cabsi galiayya lacagta daynta loo bixiyo oo badan.
Daraasadda ayaa lagu ogaaday in haweenka badankooda aysan xog ka ahayn deymaha laga qaato bangiyada si ugu kabtaan ganacsiga iyo inay ka cabsadaan bixinta dayntaas.
Cabdicasiis Cali Caddaani oo ka tirsan hay’adda Oxform, ayaa sheegay inay wareysteen boqol iyo afartan haween ah oo kala jooga magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama oo dhammaan uu ka burburay ganacsiga sanadki 2020-ki. Wuxuu sheegay in qaabka ay bangayada bixiya maalgalinta adeegsadaan uu yahay mid aan caawinayn haweenkan.
Fursadda maalgalinta haweenka ee meesha ka maqan ayaa keentay in saboolnimadu xoogeysato maadaama inta badan nolasha qoysaska ay ku tiirsan yihiin haweenka.
“Waxaa kale oo aan ogaannay in haweenka doorbidayaan amaahaha iyagu kala qaataan oo si fudud ay isaga bixin karaan sida hagbada oo kale oo ah wax ay si fudud isaga bixin karaan,” ayuu yiri Cabdicasiis.
Cabdicasiis ayaa sidoo kale sheegay in haweenka badankooda aysan awoodin celinta deymaha laga qaato bangiyada maadama ay badan lacagta laga rabo bishi inay celiyaan taasoo ah caqabad kale.
Nimco Cali Axmed oo ka ganacsan jirtay hilibka xoolaha oo laba neef qali jirtay maalinti ayaa joojisya bishi June ee sanadki 2020, kadib marki uu qaaliyoobay qiimaha xoolaha abaarta awgeed. Lacag yar oo ay haysatay waxay kaga dhammaatay biilka qoyska. Ganacsiga marka uu istaagay waxaa Meesha ka baxday waxbarashada qaar ka tirsan carruurteeda oo toddobo ah. Waxaa ku adkaatay inay dib u billowdo ganacsigeeda.
“Waxay igaga filnayd meelo badan, sida waxbarashada ciyaalka ayaan ku bixin jiray, arad baxooda, noolasha oo dhan ayaa isbadashay,” ayay tiri Nimco.
Hadda waxaa biilka qoyska, raashinka iyo saddex ka mida caruurteeda waxbarashadooda ka bixiya wiil ay qaraabo yihiin.
Nimco waxay sheegtay in bishi May ee sanadkan ka war heshay inay jirto qaab ay ku heli karto maalin dayn ah oo ay ka soo qaadato bangiyada hadda ayay qorshaynayso inay doonato dayn si ay dib ugu billowdo ganacsigeeda.
“Wali iskumaan dayin (amaahda) laakiin waan ku talo jiray inaan isku dayo, mardhow ayaan maqlay, haweenay kale oo soo qaadatay ayaa ii sheegtay,” ayay tiri Nimco.









