Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Qoysas laga barakiciyay dhul ay deganaayeen oo ka cabanaya biyo iyo hoy la’aan

Radio Ergo by Radio Ergo
June 2, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ku soo barakacay Garoowe oo dhul loogu deeqay 08 January, 2016

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas gaaraya 7,500 oo qoys oo bartamihii bishii May loo wareejiyay dhul magaalada Luuq ka durugsan ku dhowaad 2km ayaa ka cabanaya dhulka lagu qasbay iney degaan oo aan laheyn wax adeeg ah. Maamulka magaalada ayaa ujeedada barakicinta ku sheegay in dadka soo barakacay oo magaalada ku firirsan leyskugu geeyo xeryo cayiman oo kooban oo laga hirgalin karo mashaariic waxbarasho iyo caafimaad, lana tirakoobo.

Hasa yeeshee qoysaskan oo degganaa 12 xero oo yaryar oo magaalada ku dhex yaala oo ah dhul ay ku caawiyeen dad qaraabo la’ah ayaa sheegay in dhulkii ay degganaayeen ay ku haysteen biyo lacag la’aan ah iyo musqulo ay ka hirgalisay hay’adda UNICEF, balse aysan hadda intaasba ku haysan dhulka la dejiyay.

Maamulku kama uu caawin qorshaha guuritaanka. qoysaska qaar ayaana ku qasbanaadey iney garabka ku guuraan.

Xaliimo Cabdi Isaaq oo qoyskeedu uu ka mid yahay dadka la barakiciyay ayaa xustay in xaaladda ay wajahayaan ay u dheertahay dhibaato ay kala kulmeen guuritaanka oo qarash ay u weyday, sidoo kalana sababay in afar maalin aysan qaban shaqo xoogsi ah oo reerkeedu ku tiirsan yahay. Ineysan wali dhisan hoy ayey sheegtay oo ay  hadda ku howdaan qoyskeeda oo ka kooban lix ruux aqal qabyo ah oo kor ka bannaan.

“Gaadiid nama siinin qolyahaan maamulka. alaabta dhabar wax lagu soo daldalay iyo wax dameer aan soo barinay lagu soo qaaday ayaan ku soo guurnay.”

Maalmo geedi ah kadib waxa ay dib u bilowday Xaliimo shaqo ah xaabo ama qoryaha dabka lagu shito oo ay ku dhex iibiso xerada. maalinkii galinka hore ayeyna bannaanka magaalada ka soo gurtaa, galinka dambana reerka ayey u dhaamisaa biyaha ay cabaan oo ay ka soo arooraan wabiga Jubba oo ka fog masaafo ugu yaraan 1km ah. halka markii hore xerada ay deganeyd ay ka heli jirtay biyo galin ay u sameysay UNICEF.

“Halkaas iyo wabiga ayaa la’aadi oo dameer wax ku dhaansada iyo wax garabka ku dhaansada ayaa leyskugu jiraa. marka biyaha iyo musqushaa aad inoogu daran.”

Xilli ay wajahayeen xaalad dhaqaale xumo ayey Xaliimo sheegtay in guuritaanku uu ku soo beegmay. xerada laga raray oo la yiraahdo Busleey waxa ay ku nooleyd tan iyo 2013-kii, halkaas oo ay soo dageen isla sanadkaas kadib markii abaar ay ka leysay 162 neef oo ahaa ari ay ku dhaqanayeen deegaanka Dhanaawe ee gobolka Bakool.

Shaqada qoyskeedu uu hadda ku tiirsan yahay waxaa maalinta ay shaqeyso ka soo gala labaatan kun oo Shillin Soomaali ah, una dhiganta $0.80.  hase yeeshee ka hor bishii March ee sanadkan waxa ay shaqadeedu aheyd dhar-dhaqis, waxayna maalinkii ka heli jirtay lixdan kun oo shilin Soomaali ah, balse markii uu cudurka Coroona soo laba kacleeyay bishii saddexaad ee sanadkan ayey sheegtay in hilitaanka shaqadaas ay ku adkaatay kaddib markii qoysaskii loo shaqeynayay ay iska xadideen shaqaalaha.

“Wax dhar loo dhaqaayo maleh, wax weel loo dhaqaayo maleh, naag wax loo karinaayo maleh.”

Maamulka magaalada Luuq ayaa toddobadii bishii hore ee May waxa uu faray horjoogayaasha xeryaha laga barakiciyay qoysaskan iney ku war galiyaan in shan iyo toban cesho gudahood ay uga baxaan dhulka ay ku noolaayeen. Ma jirto cabasho iyo khilaaf u dhexeeyay dadka dhulka leh iyo qoysaska la barakiciyay sida ay noo xaqiijiyeen qoysaska la raray.

Maamulka ayaa qaba in ujeeddada ka dambeysa in la raro qoysaskan aysan aheyn in dhib loo horseedo dadka soo barakacay, balse qorshuhu uu yahay in loo helo dhul madax bannaan oo marka dano laga yeesho aan qasab looga rari karin. inkastoo dhulka  hadda la dajiyay uu yahay mid ay dad gaar u lee yihiin. waxa kaliya ee uu uga duwan yahay dhulkii horana ay tahay in dadkii lahaa ay ku bixiyeen codsi uga yimid maamulka oo masuuliyadda dhulka la wareegay.

Maamulku jawaab uma hayo sababta qoysas markii horaba soo barakacay loo dajiyay dhul aysan adeegyada aasaasiga ah ee biyuhu ugu horeeyaan ka heli karin. Hasa yeeshee guddoomiyaha arrimaha bulshada ee degmada Luuq Cabdicasiis Sugow ayaa sheegay in hadda uu socdo qorshe aan waqtiyeysneyn oo looga jawaabayo cabashada dadka soo barakacay, kaas oo ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Gedo iyo hay’adaha samafalka.

”Markaan aragnay oo qiimeynay waxaa inoo soo baxday in dadkaan aysan sidaan ku noolaan Karin oo ay u baahan yiihiin dhul ku haboon oo lagu caawin karo.”

Jimcaale Cali Muxumad oo qoyskiisa iyo 120 qoys oo kale laga raray xerada Bohol-yaxaas oo uu ku noolaa ku dhowaad toban sano waxa uu tilmaamay in barakicinta lagu sameeyay ay ula mid tahay 2011-kii oo abaar uu uga soo barakacay miyiga degmada Xudur ee gobolka Bakool, kadib markii ay ka la’deen xoolo gaaraya 310 neef oo ari ah.

Jimcaale oo ah aabbaha 7 carruur ah waxa uu sheegay in qoyskiisa oo garabka ku guuray oo markii horaba ku tiirsanaa shaqo xamaal ah oo isagu uu qabto ay xaaladda guuritaanku uga sii dartay.

”Dadku awal isagoo barakac ahaa ayuu barakac labaad ku darsada. marka hoyaad maleh, gogol maleh, guri maleh, nolol iyo biyo maleh, boorkaas ayaan taaganahay.”

Saddex xero ayaa la kala dajiyay qoysaska la barakaciyay oo markii hore ahaa dad ku xoolo beelay abaaro iyo Ayax oo qaarkood ay in ka badan toban sano barakac yihiin.

 

 

 

Previous Post

Muqdisho: Qoysas beeralay ah oo ka soo cararay fatahaadda webiga Shabeelle oo sabool ka dhigay

Next Post

Haween barakacayaal oo nolal-maalmeed ka hela mashruuc nadaafadeed

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Haween barakacayaal oo nolal-maalmeed ka hela mashruuc nadaafadeed

Haween barakacayaal oo nolal-maalmeed ka hela mashruuc nadaafadeed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo