Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas beeralay ah oo ka soo cararay fatahaadda webiga Shabeelle oo sabool ka dhigay

Radio Ergo by Radio Ergo
June 2, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Saynab Maxamed oo ka mid ah dadka soo barakacay/Naciimo Saciid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys oo ka soo barakacay fatahaadda webiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Jowhar iyo tuulooyin gobolka Shabeelaha dhexe ah ayaa cunno yari, hoy xumo iyo musqulo la’aan ku wajayaha xeryo magaalada Muqdisho.

Saynab Maxamed Cumaan oo qoyskeedu ka mid yahay labo boqol oo qoys oo bishan tegay xerada Al-raxma ee duleedka degmada deyniile ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in xaaladda xerada ku haysata ay ugu daran tahay hoy la’aan iyo cunno yari. Dhammaan qoysaska ayaa wada seexda hal hool oo xerada ku yaalla.

Si la mid ah qoysaska cusub, waxay iyada iyo carruurteeda saf u galaan cunno ay soo aruuriyaan dadka deegaanka oo hal mar maalintii loogu kariyo xerada. Saynab ayaa xustay in sidoo kale ay dhibaato ku qabaan hoy la’aanta haysata, hase yeeshee aysan haysan meel kale oo ay ku hoydaan.

“Dhammaanteen meeshaan ayaan seexannay. Haddii biyihii Allaah nooga gargaaray waa Alxamdulilaah. Biyaha fatahaadda col waaye. Annaga qofkii hal darin hela Meesha ayuu is bilqaa. Waxaan codsanaynaa in hoy na loo sameeyo, na laga caawiyo hoy si aan ku helno.”

Saynab oo ah hooyada siddeed carruur ah oo ka soo barakacday degmada Jowhar ee gobolka shabelaha dhexe, waxay sheegtay in xili habeen ah ay ku soo baraarugtay biyaha wabiga shabeelle oo soo galay hoygeeda.

Haweenaydan ayaa xustay in labo boqol oo shilling Somaali ah ay ku soo raaceen iyada iyo carruurteeda gaari ay ku soo gaareen Balcad, iyagoo ka dib soo lugeeyay toddobo beri si ay xeradan u soo gaaraan halkaas oo dad ay u soo tilmaameen.

Waxay tilmaamtay in ay ku waysay hoygeedi iyo beer ay uga tacbanaayeen dalagyo ka caawin nolosha qoyskeeda, taas oo sababtay in ay ka soo barakacdo deegankeeda, iyadoo aan waxba kala soo bixin gurigeeda.

Si maalin le ah ayay sheegtay Saynab in iibinta dalagyadaas oo kala ahaa yaanyo, bocor, liin dhanaan iyo basbaaska, iyo dalagyada la midka ah ay uga heli jireen lacag dhan saddex boqol oo shilling Somali.

“Dalagyada aan tabcanno ayaan cuni jirnay. Wax dhib ah ma qabin. Dhaqaale beertaada ku soo galinaysa.”

Sidoo kale waxay xustay in dalagyada ugu mihiimsan ee ay tabcan jirtay ay ka mid ahayd siisinta ayay sheegtay in ay ku gadan jirtay lacag dhan hal milyan oo shilling Somali ah marka ay keydiiso.

Dhanka kale Xaliimo Shidde Nuurre oo ah 75 jir iyada iyo saygeeda oo lug naafo ka ah ay tobankii May soo gaareen xerada, waxay noo sheegtay in fatahaadda webiga Shabeelle ay ku waysay gabar ay dhashay oo dhimirka ka xanuunsan, taas oo hadda aanay nolol iyo geeri ku ogeyn.

“Inay dhimatay iyo in kale ma sheegi karo sidaan u raadinayay waan daalay. Meel aynaan aadin ma jirto.”

Sidoo kale waxaa biyuhu qaadeen dalagyo u saarnaa beertooda, gurigii ay degganaayeen, 14 neef oo ari ah, labo sac iyo toban dooro.

Xaliimo ayaa intaas ku dartay in ay soo raacday qoysas la degganaa Jowhar, kuwaas oo ay kaga hartay Balcad iyadoo halkaas kula kulantay ganacsato Soomaaliyeed oo ka caawiyay lacag dhan 300 oo shilling Somali ah oo ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho.

Haweenaydan ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in dhibaatada ugu weyn ee ay hadda wajahayaan iyada qoyskeeda ay tahay in helaan hal waqti oo bariis iyo qaxwo oo laga bixiyo xerada kaas oo ay adag tahay in maalmaha qaar la helo.

“Koob qaxwe ah oo aan saaka cabay ayaan hada ku joogaa oo Allaah igu ogyahay. Nolol ma aha tan ma nagu filna, kista bariiska ah ee aan soo qaadanaayo ilmaha kuma filna. Waxa na siinayo wadna celis ma ahane.”

Ka hor inta aysan ka soo barakicin deegaankeeda, waxay Xaliimo sheegtay dhaqaale maalinle ah oo gaaraya 200 ilaa 300 oo shilling Soomaali ah ay ka heli jireen dalagyada uga soo baxa beertooda. Sidoo kale waxay xustay in ay caan ku ahayd dhisidda guryo-dhaqameedyada magalada Jowhar, kuwaas oo marka ay dhisto ay ay ka qaadan jirtay 20 ilaa 30 doollar.

Xalimo ayaa tilmaamtay in dhammaan dhaqaalahii ay keydsan jirtay oo ku jiray god ay ka qodatay hoygeeda ay u suurtageli waysay in ay soo baxsato cabsi ay ka qabtay xaywaannada la socda biyaha awgood. Meeqo ayay ahayd lacagtaas?

Cabdikariim Axmed Yuusuf oo ah horjoogaha xerada Al-raxma waxa uu sheegay in tan iyo marki qoysaskan ay soo gareen kaamkan ay la kulmeen caqabado  adag oo dhanka nolosha ah.

Qoysaskan oo intooda badan aan aqoon u lahayn magaalada ayaa noo sheegay in ay ka walwal qabaan sida ay noqon doonto noloshooda.

Previous Post

Gaalkacyo: Boqollaal qof oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka

Next Post

Gedo: Qoysas laga barakiciyay dhul ay deganaayeen oo ka cabanaya biyo iyo hoy la’aan

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qoysas ku soo barakacay Garoowe oo dhul loogu deeqay 08 January, 2016

Gedo: Qoysas laga barakiciyay dhul ay deganaayeen oo ka cabanaya biyo iyo hoy la’aan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo