Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Qoyska Mahado oo shaqadii nolol-maalmeedka ay ka soo saaran jireen bisha soon ay saamayn ku yeelatay oo wajahaya nolol adag

Radio Ergo by Radio Ergo
April 25, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Qoysas ku jira xero barakac/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Mahado Aadan Xasan oo ah hooyada 12 qof ah waxaa ku adkaaday helidda cunnada iyo biyaha tan iyo markii ay billaabatay bisha barakaysan ee ramadaan, waxaa hoos u dhacay lacagta ay ka helaan shaqada kabbo-casaynta labo ka tirsan carruurteeda oo qoyska u soo dhiciya nolol maal-meedka, xirnaanshaha maqaayadaha iyo goobaha kale ee bulshadu ku kulanto ayaa saamayn ku yeeshay.

Hooyadaan oo saygeedii ay kala tageen waxay huriwaysay in carruurteedu ay u shaqeeyaan, siddeed bil ka hor ayay shaqo la’aan noqotay, markii ay isla kowsadeen xanuun dhabarka ka asiibay iyo qoysaskii ay dharka u dhaqi jirtay oo lacag la’aan ay ku dhacday markii Karoonuhu saameeyay.

Waxay xustay in hadda ay maalmaha qaar soo shaqeeyaan wax ka yar hal doller, lacagtaas oo ay ku kabto raabshin ay ku caawiyaan dariskeeda ayay hal waqti maalintii dabka ugu shiddaa, waxay sheegtay in afurka mararka qaar ay wayso maaddama carruurta aysan soo shaqeyn wax ka badan cunnada halka waqti.

Mahado waxay ka walwalsan tahay ishii dhaqaale ee qoyskeeda oo hoos u dhac wayn uu ku yimid.

“Wiilasha casey-yaasha ii ah qoyska way iiga adkayeen wayna ay iiga aadi jireen haddana waan u darsannay, wixii ilahey u soo calfo way ii keeni jireen, haddana sidii soonka loo galay ayey shaqo gab noqdeen, mid $5 ayuu keenayay midna $3 doolar ayuu keenayay, haddeer haddii ay u badato hal doolar ayey keenaan marna waa aba ay iska imanayaan.”

Qoyska Mahado oo sanadkii 2016 ka soo barakacay colaad ka dhacday Gaalkacyo waxay billowgii sanadkii 2020-kii ka soo guureen xerada lagu barakacay ee Daryeel oo ku taalla Guriceel, waxay hadda dagganyihiin labo qol oo jiingad ah islamar kaana bil walba ay ka bixiyaan $25 oo kiro, waxay halkaas u soo wareegtay xiligii ay shaqayn jirtay.

Waxay sheegtay in aysan u tagin dhaqtar si ay iskala tacaasho xanuunka dhabarka ka haya oo ah mid ku soo booday maaddama aysan haysan dhaqaale, waxay xustay Mahado in ay ku dadaasho dhisidda mustaqbalka waxbarashada carruurteeda. Iyadoo kuwa waawayn ay waxbarasho bilaash ah ku dartay.

Cabdiqani Xuseen Jaylaani oo 15 jir ah waa curadka qoyska Mahado. Wuxuu sheegay in fursadda ay haystaan ay tahay in ay shaqeeyaan maaddama aysan jirin qof kale oo ka caawinaya in ay helaan raashinkii ay ku noolaan lahaayeen.

In ka badan toddobaad ayuu sheegay in uu la kulmayo hoos u dhac dhaqaale oo shaqadiisa ah, markii ay waayeen macaamiil badan, maalmaha qaar ayuu xusay in uu dib ugu soo laabto guriga isagoo waxba aan soo shaqayn.

“Goobaha Boosniya, tallaalada iyo quraca ayaan u badnaan jireen iyaga xataa waa la xiray  haddeer, shaah iyo badar ayaa lagu karin jiray marka aniga meshaas ayaan farisan jiray meshaas baan ka shaqeysan jiray oo wareegi jirnay, wixii lacag helo waan ku caseyn jiray, qaarna waaba i didayaan isku mid maahan bishan iyo midii hore tii hore ayaa fiicneyd oo shaqo laheyd bishaan shaqo ma lahan.”

Galinka hore ee maalintii marka uu shaqada ka soo ka soo laabto wuxuu bartaa qur’aanka. Halka isaga iyo koox baalashalayaal ah oo ay ku jiraan labo wiil oo la dhashay ay xaadiraan fasallo dhallinyaro waxbartay ay ku bixiyaan waxbarasho maadi ah oo bilaash ah.

Waxay bartaan xisaabta, dhigaalka af-soomaaliga iyo carabiga, waxbarashada oo ay billaabeen bishii December ee sanadkii hore ayuu sheegay in ay ka caawinayso sidii uu uga bixilahaa jahliga mustaqbalkana wax ugu qabsan lahaa.

Mahado oo ah hooyadan wiilkan maalintii oo dhan waxay ka fekerta nus-kiilo bariis ah sidii ay dabka ugu saari lahayd carruurteeda, sido kalena waxaa laga sugaya lacagta biyaha qasabadda ugu jirta oo bishii laga qaado $5, waxay tilmaantay in ay tahay xiligii ugu adkayd tan iyo markii ay timid Guriceel.

“Dadka dariskaa in aan wax ka soo qaato maahee wax kaloo u shaqeeya oo ka korreeya malahan ilaahaa naga korreeya, anigana waan shaqaynayay iyaguna way shaqaynayeen, aniga shaqadii waan ka fariistay waan ka cuslaaday waana shaqayn waayay. Marka waan iska soo wada fariisannay, maalintii waxay soo shaqeeyaan way soo hoyn jireen bil waxba kumaanan qaadanayn cidna wax iguma siin jirin.”

Waxay ka cabsi qabtaa in laga saaro guriga kirada ah haddii ay bixin wayso bishan April kiradiisa sidaasna ay dib ugu laabato xerada lagu barakacay, in uu ka mid noqdo qoyska Mahado dadka deegaanka waxaa u saamaxay markii hore dhaqdhaqaaqeeda shaqo oo lacag fiican ay ku kasban jirtay kolkii danbana waxaa kirada ka caawinayay ku rayadeeda, waxayse ku rajo wayntahay in dhaqaale xumada ay ka gudbidoonaan.

Waxaa lamid ah qoyska Mahado 150 qoys oo u badan barakacayaal, kuwaas oo ku tiirsanaa shaqada baalashka ee carruurtooda ay lacagaha ka helaan sida uu sheegay ururka horrumarinta bulshada Guriceel oo qorshaynaya in ay billaabaan afurinta dadka aan wax haysan.

Shaafici Sheekh Bashiir oo guddoomiyaha ururkaas ayaa sheegay in xogtan ay ku saleeyeen maaddama ay waxbaraan carruurta qoysaskan ay ka soo jeedaan, soonka ayuu xusay in ay ha kad galaan shaqooyinka qaar taasi oo saamaysa qoysas badan oo danyar ah.

 

Previous Post

Kumannaan neef oo xoolo ah oo cudurro ugu dhintay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool

Next Post

Galgadud: Beeralay helay abuur, tababbar, qalabka waraabka beeraha iyo haamo lagu shubo sunta lagu buufiyo cayayaanka

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Baardheere: Beerihii fatahaaddi baabi’isay oo hadda dib loo abuuray

Galgadud: Beeralay helay abuur, tababbar, qalabka waraabka beeraha iyo haamo lagu shubo sunta lagu buufiyo cayayaanka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo