Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Kumannaan neef oo xoolo ah oo cudurro ugu dhintay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool

Radio Ergo by Radio Ergo
April 23, 2021
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Sool: 35,000 oo ari ah oo laga daweeyay cudurro

Photo | Keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan saddex kun oo neef oo xoolo ah oo iskugu jira geel, ari iyo lo’ ayaa saddexdii bil ee la soo dhaafay ku dhintay deegaano hoostago degmooyinka Ceelbarde, Yeed, iyo Rabdhuure oo ka wada tirsan gobolka Bakool.

Isu-duwaha wasaaradda xannaanada xoolaha maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Ceelbarde Sulub Cali ayaa sheegay in degmooyinkan oo xudduud la leh Itoobiya ay sii badisay tirada xoolaha dhamaanayo maaddaama cudurradu ay faafeen.

Wareysi uu Raadiyo Ergo siayay ayuu ku sheegay waxa sababay xanuunadaan iyo dowrka ay wasaaraddu ka qaadaneyso bedbaadinta xoolaha soo haray.

Sulub Ali: Dadka halkaan ku nool boqolkiiba boqol waa xoolo dhaqato. Degaannadaan waxaa ku hareereysan xudduud ay la wadagaan Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo aan la ilaalin. Xoolo-dhaqatada ka soo hayaama abaarta ayaa iska soo galo degmooyinka, sidaa darteed is dhexgalka xoolaha ayaa keenay in cudurradaan ay ku faafaan degmooyinkaa.

Bishan Abriil waxaan ka tallaalnay xoolaha ku dhaqan degaannadan cudurka CPP. Hase yeeshee waxaa jira cudurro kale, sida babesiosis oo ay keento shillinta, cudur kale oo la yiraahdo HS iyo sidoo kale Black quarter cudurka la yiraahdo oo aan weli xoolaha laga tallaalin balse si weeyn u aafeeyey saddex bil ee la soo dhaafay xoolaha.

Sidaaa awgeed, waxaa si weyn loogu baahan yahay in deegaannadan laga fuliyo tallaallada xoolaha inta uusan, maaddaama ay roobabku halis u yihiin inay sii fiidiyaan cudduradan.

Radio Ergo: Cudurradan ma kuwo xilliyeysan baa oo dhaca keliya xilliyada jiilaalka?

Sulub Ali: Horta cudurradan badankooda waa kuwa horay u soo jiray, laakiin waqtiyada jiilaalka xoolo-dhaqatada waxay la hayaamaan xoolahooda. Isdhexgalka xoolaha ayaa keenay in cudurradan ay faafaan. Tusaale ahaan, xoolo-dhaqatada qaar waxay xoolahooda kala yimaadaan Beledweyne halka kuwa kale ay kala yimaadaan Itoobiya, Kenya iyo Gedo.

Sidoo kale jiilaalka awgiis, xoolaha way nacfi darreysteen oo waa baabb’a marka jirkooda iska ma difaaci karo cudurrada.

Waxaa sidoo kale deegaanadan ka jira tallaal la’aan. Markii ugu dambeysay ee tallaal weyn laga fuliyay waxay ahayd saddex sano ka hor. Waa laga ma maarmaan in tallaal lala soo gaaro deegaanadan waayo waa meel istaratiiji u ah xoolo-dhaqatada ka soo hayaamo Itoobiya, Kenya iyo Gedo.

Radio Ergo: Cudurradan oo ay xoolaha u dhinteen saddexdii bilood ee la soo dhaafay ma waxay ahaayeen cudurro faafa?

Sulub Ali: Cuduradaan badankooda waa kuwa ay xoolaha kala qaadi karaan. Hase yeshee waxaa jira kuwa ku faafa qaniinyada cayayaanka sida shillinta.

Radio Ergo: Wasaarad ahaan, maxaad ka qabanaysaan ka hortagga dhimashada xoolaha?

Sulub Ali: Waxaan wadnaa wacyigelinta, waxaana u sheegnaa inay na la soo wadaagaan xafiiskeena wixii xoolahooda ka mid ah oo ay ku arkaan astaamaha cudurradaan si aan ula wadaagno xogtooda madaxda sare ee wasaarrada, loona caawiyo dadkan oo ay xoolahooda saameeyeen cudurrada.

Tababbarro badan uma aanan qaban xoolo dhaqatada, laakiin waxaan ku wargelinnay inay karantiilaan xoolaha ay ku arkaan astaamaha cudurradan oo aysan isla daaqin kuwa kale ama ka cabin biyaha hal meel si loo yareeyo faafida cuduradaan.

Previous Post

Boosaaso: Qoysas soo barakacay oo dhibaato ku qaba lacago looga qaado isticmaalka suuliyaal kiro ah

Next Post

Qoyska Mahado oo shaqadii nolol-maalmeedka ay ka soo saaran jireen bisha soon ay saamayn ku yeelatay oo wajahaya nolol adag

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Qoyska Mahado oo shaqadii nolol-maalmeedka ay ka soo saaran jireen bisha soon ay saamayn ku yeelatay oo wajahaya nolol adag

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo