Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Degaanka Huurshe oo laga hirgeliyay baalleyaasha cadceedda ku shaqeeya

Radio Ergo by Radio Ergo
November 18, 2020
in Arrimaha Bulshada, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Xeryaha barakacayaasha ee Jowle oo lagu xiray leyrar qorraxda ku shaqeeya

Kayd/Radio Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waratada iyo dadka hareeraha waddooyinka ku ganacsada ayaa daqliga soo gala uu kor u kacayay tan iyo dabayaaqadii bishii September, markaas oo ay saacado shaqo oo habeenkii ah ay ku kordhiyeen ganacsigooda iyaga oo ka faa’iideysanaya layrarka ku shaqeeya soolarka oo laga hirgaliyay deegaanka Huurshe oo qiysaastii 78 km u jira magaalada Dhuusomareeb.

Canab Xasan Axmed oo hooyo u ah toban carruur ah oo meherad cunnada lagu iibyo ku leh wadada dhinaceeda ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dakhligeeda maalinlaha ahi uu gaaray ilaa $17, halkii uu awal ka ahaa $10 kadib markii ay fursadda u heshay in ay shaqayso xiliga habeenkii.

“Sidii layrka loo xiray dadka wax iga iibsanaya way kordhayeen dadka meheradda fariisanaya way kordhayeen, intii loo baahan yahay bey soo fariisanayaan oo yimaadaan oo habeenkii wax ku iibsadaan.”

Dhibaato dhinaca ifka ah ayaa ka jiray Huurshe maaddama aysan lahayn koronto joogta ah inkastoo dadka qaar ay isticmaalayeen matoorro yaryar oo shidaalka ku baxayay uu qarash badnaa. Laakiin maamulka deegaanka iyo Hay’adda Soomalia Stability Fund ayaa bishii September waxa ay nalalka baallayaasha ah ee cadceedda ku shaqeeya ka hir-galiyeen jidadka iyo suuqyada muhiimka ah ee deegaanka.

Canab waxay sheegtay in ay haatan ku filnaatay nolosha qoyskeeda oo markii hore la daalaadhacayay suuqyarida iyo dhaqaaloxumada.

“Habeen walba $7 oo siyaado ka ah intii aan heli jiray ayaan helaa, wax wayn bey i tartaa haddaan doono ilmaha iskuulkoodaan ku dabara ama guriga kiradiisan iskaga bixiya.”

Saddex carruur ah oo labo kamid ah ay dugsiga dhexe ay dhiganayaan ayaa wax u barta, waxaana shaqada habeenkii ay qabato ay ku filnaatay waxbarashada carruurteeda oo markii hore ku adkaa iyo kirada guriga ay dagantahay oo bishii $30 ah.

Cabbaas Cabdi Xasan oo miis uu ku iibiyo bagaashka iyo kiilooyiinka bariiska, burka, sonkorta iyo kuwa diirkaleh ee ka baxa dalka ku leh suuqa Huurshe waxaa isaga iyo 4 carruur ah oo uu dhalay ay ka faa’iideystaan xiliga habeenkii baallaha layrka ee ku xiran iridda hore ee goobtiisa ganacsi. Carruurta oo labo ay gabdho yihiin ayaa casharrada maalintii ay qaataan dib u aqriya habeenkii markoodii ugu horreysay.

Carruurta oo dhigata dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Yuusuf ayuu sheegay in soolarka uu ka caawiyay dhinaca fahamka casharada waxbarashada.

“Ciyaal baa noo dhigta iskuulada, meheradda bey yimaadaan oo miiskooda iyo kuraastooda baa loo diyaariyaa, intii ay suuqa wareegi lahaayeen meheraddaas baan wada joogna oo casharada loogu celiyaa.”

Soolarka ka hor Cabbaas waxa ay goobtiisa ganacsi shaqayn jirtay maalintii uun, balse xiligaan oo saacado dheeri ah uu ku daray waxa uu faa’iido ahaan u helayaa habeenkii $5, iyadoo kor ay u kacday wax soo saarkiisa labo jibbaar.

Axmed Nuur Cabdixamiid guddoomiyaha deegaanka Huurshe oo Raadiyow Ergo la hadlay ayaa sheegay in baallayaashan layrka ay ka caawiyeen Huurshe dhinacyada ammaanka iyo isku socodka bulshada xiliga habeenkii. Waxa uu xusay in maamulkiisu ka codsaday hay’adda SSF ee bixisay mashruucan maaddama ay ka warhayeen faa’iidooyinkiisa.

“Layrkan muhiimad saa’id ah ayuu deegaanka u leeyahay. Iyadoo koronto cariiri dagmada ay ka jirtay oo magaaladuba fiidkii ay kala xarooto ayaa soolarada cadceeda ku shaqeeya dagmadu heshay.”

In ka badan 40 xabbo oo ah baallayaasha layrarku ku xiran yihiin ayuu xusay guddoomiyuhu in deeganku helay, kuwaas oo looga faa’iideystay jidadka suuqyada iyo meelaha kale ee muhiimka u ah bulshada.

Previous Post

Beledweyne: Dhalinyaro u istaagtay in dadka dhibban dhibka laga dulqaado

Next Post

Waxbarashada dadka waaweyn oo Somaliland laga hirgeliyay

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Waxbarashada dadka waaweyn oo Somaliland laga hirgeliyay

Waxbarashada dadka waaweyn oo Somaliland laga hirgeliyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo