(ERGO) – Waratada iyo dadka hareeraha waddooyinka ku ganacsada ayaa daqliga soo gala uu kor u kacayay tan iyo dabayaaqadii bishii September, markaas oo ay saacado shaqo oo habeenkii ah ay ku kordhiyeen ganacsigooda iyaga oo ka faa’iideysanaya layrarka ku shaqeeya soolarka oo laga hirgaliyay deegaanka Huurshe oo qiysaastii 78 km u jira magaalada Dhuusomareeb.
Canab Xasan Axmed oo hooyo u ah toban carruur ah oo meherad cunnada lagu iibyo ku leh wadada dhinaceeda ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dakhligeeda maalinlaha ahi uu gaaray ilaa $17, halkii uu awal ka ahaa $10 kadib markii ay fursadda u heshay in ay shaqayso xiliga habeenkii.
“Sidii layrka loo xiray dadka wax iga iibsanaya way kordhayeen dadka meheradda fariisanaya way kordhayeen, intii loo baahan yahay bey soo fariisanayaan oo yimaadaan oo habeenkii wax ku iibsadaan.”
Dhibaato dhinaca ifka ah ayaa ka jiray Huurshe maaddama aysan lahayn koronto joogta ah inkastoo dadka qaar ay isticmaalayeen matoorro yaryar oo shidaalka ku baxayay uu qarash badnaa. Laakiin maamulka deegaanka iyo Hay’adda Soomalia Stability Fund ayaa bishii September waxa ay nalalka baallayaasha ah ee cadceedda ku shaqeeya ka hir-galiyeen jidadka iyo suuqyada muhiimka ah ee deegaanka.
Canab waxay sheegtay in ay haatan ku filnaatay nolosha qoyskeeda oo markii hore la daalaadhacayay suuqyarida iyo dhaqaaloxumada.
“Habeen walba $7 oo siyaado ka ah intii aan heli jiray ayaan helaa, wax wayn bey i tartaa haddaan doono ilmaha iskuulkoodaan ku dabara ama guriga kiradiisan iskaga bixiya.”
Saddex carruur ah oo labo kamid ah ay dugsiga dhexe ay dhiganayaan ayaa wax u barta, waxaana shaqada habeenkii ay qabato ay ku filnaatay waxbarashada carruurteeda oo markii hore ku adkaa iyo kirada guriga ay dagantahay oo bishii $30 ah.
Cabbaas Cabdi Xasan oo miis uu ku iibiyo bagaashka iyo kiilooyiinka bariiska, burka, sonkorta iyo kuwa diirkaleh ee ka baxa dalka ku leh suuqa Huurshe waxaa isaga iyo 4 carruur ah oo uu dhalay ay ka faa’iideystaan xiliga habeenkii baallaha layrka ee ku xiran iridda hore ee goobtiisa ganacsi. Carruurta oo labo ay gabdho yihiin ayaa casharrada maalintii ay qaataan dib u aqriya habeenkii markoodii ugu horreysay.
Carruurta oo dhigata dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Yuusuf ayuu sheegay in soolarka uu ka caawiyay dhinaca fahamka casharada waxbarashada.
“Ciyaal baa noo dhigta iskuulada, meheradda bey yimaadaan oo miiskooda iyo kuraastooda baa loo diyaariyaa, intii ay suuqa wareegi lahaayeen meheraddaas baan wada joogna oo casharada loogu celiyaa.”
Soolarka ka hor Cabbaas waxa ay goobtiisa ganacsi shaqayn jirtay maalintii uun, balse xiligaan oo saacado dheeri ah uu ku daray waxa uu faa’iido ahaan u helayaa habeenkii $5, iyadoo kor ay u kacday wax soo saarkiisa labo jibbaar.
Axmed Nuur Cabdixamiid guddoomiyaha deegaanka Huurshe oo Raadiyow Ergo la hadlay ayaa sheegay in baallayaashan layrka ay ka caawiyeen Huurshe dhinacyada ammaanka iyo isku socodka bulshada xiliga habeenkii. Waxa uu xusay in maamulkiisu ka codsaday hay’adda SSF ee bixisay mashruucan maaddama ay ka warhayeen faa’iidooyinkiisa.
“Layrkan muhiimad saa’id ah ayuu deegaanka u leeyahay. Iyadoo koronto cariiri dagmada ay ka jirtay oo magaaladuba fiidkii ay kala xarooto ayaa soolarada cadceeda ku shaqeeya dagmadu heshay.”
In ka badan 40 xabbo oo ah baallayaasha layrarku ku xiran yihiin ayuu xusay guddoomiyuhu in deeganku helay, kuwaas oo looga faa’iideystay jidadka suuqyada iyo meelaha kale ee muhiimka u ah bulshada.