Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Waxbarashada dadka waaweyn oo Somaliland laga hirgeliyay

Radio Ergo by Radio Ergo
November 19, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Waxbarashada dadka waaweyn oo Somaliland laga hirgeliyay

Saafi Mohamed oo ku jirta fasalka ay ka dhigato dugsiga hoose dhexe Alif doon ee magaalda Hargeisa/ Ilyas/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Rajada kaliya ee ay qabto Saafi Maxamed Jaamac inay ku bedesho shaqada masaaxada ee ay ka hayso Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa ah inay dhameysato waxbarasho lix bilood u soconaysa oo loo furay bishii September ee sanadkan.

Hooyadan oo ah 45 jir markii u horeysay wax baranaysa ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay inay rabto in shahaadada ay qaadato bisha January si looga bedelo shaqada nadaafada oo muddo lix iyo toban sano ah ay qabanayso, halkaas oo bishii ay ka qaadato 40 doolar oo kaliya.

“Caqabad waxay igu noqotay markaan shaqo tagay anigoon waxba garanayn qeyrkayna uu shaqeynayo oo computero shubayo aniguna aan dhulkii fiiqayo. Walaahi waxaan doonay inaan in badan is daba qabto laakiin imikaan fursad helay.”

Saafi oo il dhaqaale u ah qoys ka kooban iyada iyo saddex qof oo laba kamida ay eedo u tahay ayaa sheegtay in wakhtigii ay nasan jirtay marka ay dhameyso shaqada guriga, mida nadaafada iyo wixii kale ee ay howlo leedahay maalinkii ay uga faa’ideysanayso inay bedesho nolosheeda oo wax barato.

Waxaa ay Raadiyo Ergo u sheegtay in isbedel weyn ay dareentay labadii bilood ee ay wax dhiganaysay.

“Walaahi imika xiitaa magacayga ayaan qoranayaa, warqadbaan kuu qori karaaba, imikana meel kasta oo aan tago waxaan akhrisanayaa board ku yaala, moobilkayga ayaan akhrinayaa, waraaqihiibaan akhriyayaa, jaraaid ayaa akhrisanayaa… caruurtii ayaan eegayaa waxay soo dhiganayaan.”

Saafi waxaa ay sheegtay in markii ay yareyd aanay ogeyn muhiimada waxbarashada qoyskeeduna ahaa reer baadiye xoolo dhaqato ah oo ay uga baaqatay inay dugsi wax ka barato.

Sucaad Maxamed Cabdi Agaasimaha waxbarashada dadban ee Wasaarada ayaa waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in qiimeyn ay sameeyeen bilihii June iyo July ah ku ogaadeen in dhibaato ay ka haysato hooyooyinka akhriska iyo qoraalka.

Waxaa kale oo ay ogaadeen in caruurta waxbarashada dhigta aanay cid ka eegin casharada marka ay joogaan taasina ay sabab u tahay aqoon darida haysata hooyada oo ah mida guriga ku nool.

Tan iyo markii la bilaabay mashruuca fidinta waxbarashada ayay sheegtay Sucaad in is bedel dhinaca akhriska iyo qoraalka ay sameeyeen saddex kun iyo todobada boqol oo arday oo la diwaangaliyay ka faa’ideysanayaan dugsiyada.

“Fidinta adeega waxbarashada waxaa weeyaan inay waxbarashadu guri kasta oo Somalilander ah gasho… in qofkasta oo muwaadin ah rag iyo dumar, waayeel iyo caruur qofkastaba uu wax barto, kulamaa waalidkii wax barto oo waalid aqoonyahanii ilmihii soo saarayo oo uu macalinkii la hayo.”

Saddex boqol iyo laba iyo sagaashan dugsi oo ay dowladu leedahay ayaa galinka dambe hadda dib loo furay in wax lagu barto. Dugsiyadu waxaa ay ku yaalaan magaalooyinka, tuulooyinka iyo deegaanada miyiga ah. Labaataankii dugsi ee u horeeyay oo tijaabo lagu ogaanayo waxaa laga furay magaalada Hargeysa.

Galinka dambe waxaa loogu bilaabay waxbarashada haweenka inay wakhti heli karaan oo ay tahay marka ay ka nastaan shaqooyinka ay suuqa iyo guriga ka hayaan. Sucaad ayaa xustay in haweenka hadda kusoo biiraya waxbarashada ay tahay dugsiyada oo aan laheyn qeyb dadka waayeelka ah wax loogu dhigo haddana ay tahay markii u horeysay oo dad badan oo jecel inay wax bartaan fursad u heleen.

Waxbarashada dadka oo bilaash ayay maamulka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland rajeynayaan in ay kor u qaado dadka akhriska iyo qoraalka yaqaana ee ku nool deegaanada Somaliland.

Previous Post

Degaanka Huurshe oo laga hirgeliyay baalleyaasha cadceedda ku shaqeeya

Next Post

Ayax soo noqnoqday oo ciriiri galiyay nolosha dadka degaanka Camaara

Related Posts

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Next Post
Ayax soo noqnoqday oo ciriiri galiyay nolosha dadka degaanka Camaara

Ayax soo noqnoqday oo ciriiri galiyay nolosha dadka degaanka Camaara

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2026

IDAACADDA 11-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo