Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Beledweyne: Dhalinyaro u istaagtay in dadka dhibban dhibka laga dulqaado

Radio Ergo by Radio Ergo
November 15, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Beledweyne: Dhalinyaro u istaagtay in dadka dhibban dhibka laga dulqaado

Cabdicasiis Maxamuud oo lacag guddoonsiinaya gabar ka mid ah dadka ay u gargaareen/ Cabdirisaaq Ahmed

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) –Kaaho Xasan Maxamed iyo saygeeda oo naafo ah iyo lixdooda carruur ah oo labo ay naafo yihiin oo ku nool deegaanka Banaaney ee duleedka Baladweyne ayaa toddobadii bishan lagu wareejiay guri loo dhisay.

Dhallinyaro toban ah oo wada olole ay ku caawinayaan dadka danta yar iyo naafada ayaa u dhisay gurigan markii baraha bulshada ay ku baahiyeen sawirro iyo muuqaallo ay ka duubeen qoyskan oo horay u degganaa daash aan celin karin roobka iyo qoraxda, waxaana ka soo jawaabay qurba-joog Soomaaliyed oo lacag $4,500 ah u soo dhiibay.

”Aniga oo meel buush ah iskaga jirrna, ilmahii iyo aniga oo meel aan galno laheyn oo roobka neys kaaga kor da’o ayaa allaah irid abshir ah ii furay, umaddii Soomaaliyeed oo intaa igu soo sadaqeeysatayna waa mahadsan yahiin,” ayey tiri Kaaho oo Radio Ergo la hadashay.

Nolosha qoyska kaaho ayaa ku tiirsan dhaqaalo uu aabbaha reerka kasoo helo gaari damer oo magaalada uga soo shaqeeeyo maalintii, kaas oo uu ka helo lacag udhaxeeyo 8 ilaa $6 oo aan ahayn mid joogto ah.

Dhaqaalaha uu shaqada maalin laha ah kasoo helo aabaha reerka ayey Kaaho sheegtay in ay caruurta dabka ushido labo waqti. Saddex caruurta ah ayaa u dhigato dugsi Qur’aan oo laga qaado 12$ bishii, waxayna reerku isticmaalaan biyo lacag ah oo fuustadii la iibiyo $3 maadaama deegaankoodu uusan ceel lahayn.

Cabdicasiis Maxamuud Muudey oo Gudoomiye u ah dhalinyarada u istaagay caawinta dadkan ayaa Radio Ergo u sheegay in hadafkoodu yahay in laga dulqaado dhibaato haysatay qof aan awoodin in uu iska dul qaado. Dowrkooda ayuu xusay in uu yahay soo bandhigis dhib jira iyo caawin.

‘’Mamadaas markii aan aragnay xaaladeeda, maamo cuuryaan ah oo gacmaha ku socoto, warbixin ayaan ka diyaarinay, warbixintiina jawaab fiican ayey dhashay oo qurux badan.”

Tan iyo intii ay howsha wadeen oo sagaal bil ah, waxay uruuriyeen lacag dhan $7,000 oo ay siiyeen 21 qoys oo danyar ah oo qaarkood indhaha loogu fiiqay, qaar buro looga qalay iyo kuwo hoy loogu dhisay. Sidoo kale 70 qoys ayey siiyeen raashin, iyagoo biyo dhaaminna u sameeyay.

Dadka kale ee ka faa’ideytay caawinta dhalinyaradan mudada ay shaqeeynayeen waxaa kamid ah Anisa Maxamuud Saleemaan oo haysata todobo caruur ah, kuna nool xerada lagu barakacay ee Khadiijo Khudaareey oo ku taalla xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne.

Anisa oo ah hooyo 70 sano jir ah nolosha reerkana markii hore kasoo saari jirtay dharka dumarka oo xerada ay ku dhex iibin jirtay ayay labadii sano ee ugu dambeeyey ka wadi waysay cudurrada sokorta iyo dhiigkarka oo ku dhacay. Waxay Radio Ergo u sheegtay in ay awoodi waysay dhaqaalo ay ku tagto dhaqter ugu danbeeyna ay ku weysay aragga mid indhaha ah.

Dhalinyaradan ayaa booqday biloowgii bishii jully ee sanadkan waxaaana ay $40 ugu hagaajiyeen hoy’ga ay ku nooleeyeen reerkeeda. Waxay sidoo kale Anisa ku caawiyeen raashin ay kasoo bixiyeen dhaqaalo ay ka heleen qurba-joogta.

“Ilmaheyga oo qadsanaaayen raashin dhiile tiran oo macalaa caanahooda watay baa la ii siiyey, muddo labo biloodna waan ku moodnay. Ajir iyo xasanaaad alla ha ka siiyo, aad iyo aad baan ugu farxay”.

Siddeeddii bishan ayay sheegtay in aragga la’ayd loogu fiiqay Isbitaalka Hilaal iyo Dr Shiine uu qalliino ka sameeyay.

Xiriir dhow ayay dhallinyaradan la leeyahiin bahda caafimaadka ee ka howlgasho Magaalada Baladweyne oo ka caawiya in ay si lacag la’aan ah ugu daweeyaan dadka xanuunsan oo ay soo bandhigayaan mararka qaarna waxaa ay siiyaan dhaqaalo ay ka helaan qurba-joogta soomalliyed.

Previous Post

Roobab dabeylo wata oo dib u barakiciyay Boqollaal qoys oo ku nool dagmada Luuq

Next Post

Degaanka Huurshe oo laga hirgeliyay baalleyaasha cadceedda ku shaqeeya

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Xeryaha barakacayaasha ee Jowle oo lagu xiray leyrar qorraxda ku shaqeeya

Degaanka Huurshe oo laga hirgeliyay baalleyaasha cadceedda ku shaqeeya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo