Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Kumannaan qoys oo ay saameysay fatahaaddii Beledweyne oo baahi u qaba biyo ay isticmaalaan

Radio Ergo by Radio Ergo
October 19, 2020
in Cunto-Yaraanta, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay, Xaaladda Xeryaha
0
Beledweyne: Muruq-maalkii fatahaadu saamaysay oo loo qaybiyay cunto iyo biyo

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Salaado Tubbo Cali iyo sagaal boqol sagaashan iyo sagaal qoys oo barakac ku ah deegaanka Ceeljaalle ee gobolka Hiraan, waxay billowgii bishan heleen deeq raashin ah oo maamulka Beledweyne ay u soo marsiisay dowladda Jabuuti.

Dadkan oo horraantii bishii hore ka barakacay magaalada Beledweyne oo fatahaad uu ka sameeyay webiga Shabeelle ayaa xaalad cunno xumo, biyo yari iyo hoy xuma ah ku wajahaya deegaanka oo maciin bideen.

Salaado iyo qoysaska kale oo la siiyay min haaf bur bariis sonkor iyo saliid ah, waxay in raashinka carruurteeda ay u heshay ay mararka qaar u wayso biyo ay ku kariso maaddaama aysan iibsan karin biyo iib ahaan booyaduhu ku keenan Ceel-jaalle.

Waxay tilmaantay in tobanle biyo ah ama wax ka yar oo ay soo bariso ay cunnada ku karsadaan. Salaado ayaa Raadiyo Ergo uga warrantay baahida ay u qabaan iyo caqabadaha kale ee ku haysta Ceeljaalle.

“Maalintii ilmaha qorrax baa ku dhacaysa, dhibaato ayay dhex taagan yihiin in loomayro bay rabaan, in dharka laga dhaqo bay rabaan. Biyo la’aan xooggan baa nasaaran, waxaa dhici karta in aan maanta soo helo iyo inaanan soo helin. Labaatanle biyo ah waxba nooma anfaco. Dad barakacayaal ah oo iska dhibaataysan baa nahay”.

Salado oo ah hooyada 12 carruur ah, kar hor inta aysan ka soo barakicin gurigeeda, waxa ay nolosha qoyskeeda ka soo saaran jirtay miis yar oo khudaarta iyo bagaashka ay ku iibin jirtay taasi oo hadda meesha ka baxday. Waxay deeqdan raashinka ah u kabeysaa lacag $2-$3 ah oo maalinta ay dhardhaqis hesho la siiyo.

Dadkan ka soo barakacay Beledweyne kama aysan faa’iideysan biyoha roob muddo kooban ku da’ay deegaanka Ceel-jaalle horraantii bishan, maaddaama aysan haysan meel biyaha u kaydin karta, waxaana sidoo kale deegaanka aan ku oollin waraha biyaha kaydiya.

Salaado ayaa ka dayrisay in qoyskeeda ay dib ugu celiso Baladwayne oo ay soo moog yihiin wax bil ka badan. Fatahaad hor leh oo uu sameeyo webiga Shabeelle waxyeelladiisa iyo saamayn gaartay gurigeedii ayaanan u saamaxayn dib u noqoshada.

“Gurigayga wuu dumay biyaha fatahaadda way iga dumiyeen, musqushii way iga duntay, dayrkii kore wuu iga dumay. Wax habayaraatee dhaqaale ah oo aan hadda ku dhisto ma haysto nolol maalmeedka iyo dabkan la dirirnaa”.

Ceeljaalle oo hadda ay barakac ku yihiin in ka badan toban kun oo qoys sida uu maamulka Baladwayne noo sheegay ayaa ku dhowaad lix kun oo ka mid ah bartamihii Sabteembar ka faa’iidaysteen biyo dhaamin labo toddobaad socotay oo ka heleen ciidanka militaga gobolka Hiiraan.

Nadar Tabaax Maalin duqa magaalada Beledwayne ayaa sheegtay in dhowr jeer ay kormeereen xaaladda qoysaska deggan Ceeljaalle, isla markaana wejiga koobaad raashin ay ku sii noolaadaan inta ay xal uga helayaan. Waxay ka warrantay sida dadka ay u soo xuleen.

“Dadka aadka u tabarta daran ayaa lagu soo xulay. Waxaan is leeyahay waxaa ay gaartay dadkii ugu mudnaa. Mar qofka haddii gurigiisa uu ka barakaco waad dareemi kartaa. Dad xamaalato ah ayay u badnaayeen qofka maanta meel uu u soo shaqo tago maleh, waddankii biyaa looga baxay”.

Waxa ay xustay in dhammaadka bishan ay qorshaynayaan in wejiga labaad ee raashin qaybinta ay billaabaan kadibna ay ka tashadaan in qoysaska dib loogu celiyo magaalada iyo in kale.

Xaaladda adag ee dadka ku haysata Ceeljaalle ayaa haweenka qaar ku qasabtay inay u soo lugeeyaan magaaalada Beledweyne oo u jirta 7 km si ay u helaan nolol maalmeedka qoysaskooda.

Faadumo Mahdi muuse oo ah hooyada toddobo carruur ah kana mid ah haweenkaas, waxay saddex maalin toddobaadkii dharka u soo dhaqdaa dadka magaalada ku haray taas oo maalintii ay ka hesho ugu badnaan $3.

Carruurta ayay uga tagta qoysaska la deggan, mararka qaarna waxay waysaa wax u haya taasi oo ku qasabta in aysan shaqo tagin. Waxay nooga warrantay sida ay biyaha ku hesho iyo dhibaatad ay ku qabaan Ceeljaalle.

“Biyaha booyado ayaa nooshuba, marmar marna biyoole ayaan saddex doollar uga shubannaa markan awoodo, haddaan awoodi waayo islaamka ayaan iska barinnaaa. Ceeljaalle waa meel kulul oo kulayl loogu dhintay muddaan ku rafaadsannahay, hoy laga galo oo hoos ah maleh geed maleh, rafaad iyo silac baa lagu jooga”.

Qoysas degganaa Ceeljaalle ayaa ku soo laabtay magaalada Beledweyne markii ay adkaysan waayeen, waxaa jira qoysas rabi lahaa inay guryahooda ku soo laabtaan laakiin cabsi ka qaba fataahad webigu sameeyo inta lagu jiro roobka dayrta ee bishan billowday.

Previous Post

Galguduud: Dhalinyaro iyo Ganacsato waxbarasho asaasi ah u sameeyay carruurta toddobo tuulo

Next Post

Carruur socota ah oo lagu qabtay deegaannada Puntland

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Garoowe: Carruurta waxbarashada ka haraya oo ku sii badanaya xeryaha barakacayaasha

Carruur socota ah oo lagu qabtay deegaannada Puntland

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo