Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Galguduud: Dhalinyaro iyo Ganacsato waxbarasho asaasi ah u sameeyay carruurta toddobo tuulo

Radio Ergo by Radio Ergo
October 15, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Galguduud: Dhalinyaro iyo Ganacsato waxbarasho asaasi ah u sameeyay carruurta toddobo tuulo

Mid ka mid ah Iskuullada cusub ee waxbarashada siinaya reer miyiga /Cabdirisaaq Haajirow/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Axmed Cabdi Warsame oo xoola-dhaqde ah wuxuu afar ka mid ah carruurtiisa ka qoray iskuul bilaash ah oo laba bilood ka hor laga hirgeliyay tuulada Dhagaxyaale oo 45km u jirta magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Carruurta Axmed oo iskuulka dhiganaya todobadkii lixaad ayaa labo ka mid ahi ku jiraan fasalka kowaad halka labada kalena ay qaataan casharro ka hooseeya fasalka koowaad ee dugsiga hoose.

“Waxaan is iri gadaal ayaad marteen waxbarasho la`aan awgeed dadku duunyada wuxuu uga badalan yahay waa caqliga, marka sidaas ayay igu dhalatay in aan ilmaha iskuulkan geysto”  ayuu yiri.

Iskuulkan bilaashka ah ee Dhagaxyaale oo ay carruurtu u dhigtaan Axmed, wuxuu ka mid yahay iskuullo Jiingad iyo dhis ah oo midkiiba yahay laba ilaa afar qol, kuna kala yaal tuulooyinka Biyo-gaduud, Dabarre, Afrax Muuse, Ceel baraf, Ceel qorax  iyo Afcagaag  oo dhammantood hoostaga degmada Guriceel, kuwaas oo dhalinyaro iyo ganacsato ay lixdii bilood ee u dambeeyay ka wada hirgeliyeen deegaannadaas, si ay waxbarasho u helaan carruurta dadka reer miyga ah iyo kuwa tuulooyinkaas oo aan awal iskuulo haysan.

Cabdulaahi Macalin Xasan oo ah gudoomiyaha guddi ay leeyihiin ganacsatada hirgalisay waxbarashadan bilaashka ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay qiimeyn ay wadeen muddo sannad ah kadib in ay bilaabeen in horraantii sannadkan dadka reer guraaga ah ay ula tagaan barnaamij ay ugu magac dareen “Keenso aan kugu Darnee” oo ah qaab ay bulshada iyo kooxdani si wada jir ah iskaga kaashanayeen furista goobahan waxbarashadda.

“waxyaabaha la iska rabo marka afar meelood loo qaybiyo laba iyagaa qaadanayay laba meeloodna annaga ayaa qaadanaynay, tusaale waxaa loo baahan yahay dhulkii iskuulka laga dhisayay, waxaa loo baahan yahay ardaydii waxbaranaysay oo dharkodii wata, waxaa loo baahan yahay dhismihii meesha wax lagu baran lahaa, waxaa loo baahan yahay macallimiintii dhigi lahayd iyo xuquuqdodii marka labada ugu fudud ayay dooranayeen anagana kuwa ay soo reebaan ayaan qadanaynay” ayuu yiri

Diyaarinta iskuulada oo toddobadii bilood ee u dambeeyay ay si wadajir ah u dhiseen dadka tuulooyinka, dhalinyarada iyo ganacsatada hawsha wada waxaa barbar socday barnaamij waxbarasho dadban ah oo mudadaas lagu sii diyaarinayay ardayda iskuullada dhiganaya, si sannad-dugsiyeedka oo bilawda bisha Sibtembar ay u helaan ardaydii geli lahayd iskuuladaas oo bixinaya waxbarasho asaasi ah oo toos ah, waxaana ilaa iyo hadda ka faa`iideystay in ka badan 500 carruur ah.

“Dadka degaanku xoolo ayay iska aruurinayeen oo ku dhisanayeen meeshii ay wax ku baran lahayeen markaas kadib ayaan keeneynay agabkii ay wax ku baran lahayeen iyo dadkii bari lahaa” ayuu hadalkiisa ku daray Cabdullahi.

Faadumo Cismaan oo ku nool tuulada Biyo-guduud oo 33km u jirta Guriceel, waxay  Raadiyo Ergo u sheegtay in saddex ka mid ah carruurteeda shanta ahi ay iskuuladan ka heleen waxbarasho bilaash ah, markii ugu horaysay ee ay iskuul tagaan.

“Waxaad mooda anigoo ooman in biyo qabow la i siiyay, markii hore meel ii dhaw oo iskuul leh ma jirin meeshana kama guuri karin oo awood uma hayn ilmuhuna waxbarasho iima heysan” ayay tiri.

Ka hor inta aysan guda-galin howshan ayay dhalinyarada iyo ganacsatadu aruuriyeen lacag dhan $8,000  oo ay u kala qeybiyeen mushaarka macalimiinta oo keydsan iyo fulinta howlaha kale sida meelaha qaar oo ay dadka aan iibsan karin dharka iskuulka iyo bugaagta u iibinayeen ardayda, waxaana mashruucaan ka howl-gasha 14 macallin oo mushaarkoodu u dhexeeyo $150 ilaa $200 midkiiba.

Axmed Cabdi Warsame wuxuu dhaqdaa boqol iyo siddeetan ari ah iyo todobo neef oo Geel ah wuxuu markii uu carruurtisa afarta ah iskuulka Dhagaxyaale geynayay uga soo ii biyay Guriceel dharka iskuulka, buggaag iyo qalimaan uu ku kharash gareeyay $64 oo ah lacag uu ka helay orgi uu carruurta u iibiyay.

Ka go’naanshaha ay reer miyiga deegaannadani u yeesheen in ay carruurtu wax u bartaan darteed, Axmed ayaa xaqiijiyay in waalidiinta reer miyiga ah ay ku soo fakadeen hawlihii xoola-raacidda iyo shaqooyinkii yar yaraa ee qoyska taas oo carruurtu ay awal gacan ka geysan jireen ka hor inta aysan ku biirin iskuulladan.

Previous Post

Dhegeyso barnaamijka Tacab oo aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Next Post

Kumannaan qoys oo ay saameysay fatahaaddii Beledweyne oo baahi u qaba biyo ay isticmaalaan

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Beledweyne: Muruq-maalkii fatahaadu saamaysay oo loo qaybiyay cunto iyo biyo

Kumannaan qoys oo ay saameysay fatahaaddii Beledweyne oo baahi u qaba biyo ay isticmaalaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-MAY-2026

IDAACADDA 07-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo