Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Carruur socota ah oo lagu qabtay deegaannada Puntland

admin by admin
October 20, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Garoowe: Carruurta waxbarashada ka haraya oo ku sii badanaya xeryaha barakacayaasha

Keydka/Sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Saddex boqol iyo labaatan iyo afar carruur oo socoto ah ayaa laga qabtay deegaannada maamulka Puntland, tan iyo billowgii sanadkaan 2020. Carruurtan ayaa isugu jiray qaar laga tahriibinayay xeebaha magaaladda Boosaaso, kuwa loo ballan-qaaday shaqooyin sidaasna eheladooda looga soo kaxeeyay iyo carruuro laga soo xadday qoysaskoodda.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland ayaa sheegtay in daraasad muddo socotay ay ku oggaadeen inay kordhayaan carruurta socotadda ah ee laga soo kaxaysto eheladooda ee deegaanada Puntland la keeno kuwaas oo Boosaaso keliya laga qabtay 150.

Maxamed Cabdirisaaq Hantiile, agaasimaha guud ee wasaaradda oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in carruurtan ay da’ ahaan ka yar yihiin 15.

“Sababaha inta badan loo soo kaxaysto carruurta ama loo soo xaddo waxaa ugu badan in lagu shaqaysto, in jirkooda ama xubnahooda laga ganacsado, taas oo ah in dad xaalado caafimaad darro la nool qaarkood looga faa’idaysto, in tacaddiyo galmo loo adeegsado. Qaarkood carruurtu waxay u soo tagaan si iskood ah, sidoo kale in waalidiintooda mid ka mid ah oo la socdo la tahriibaayo, una socdo waddamadaas aan xudduudda la leenahay ee carabta, oo waalidkii intuu tago in laga dabageeyo uu rabo, oo halkaas ilmihii laftigiis uu dayro noqda.”

Wasaaradda ayaa leh 11 xarumood oo ay taageerto Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF, oo ku kala yaal magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacayo, Garoowe, Baran, Boocame, Galdogob iyo Burtinle, kuwaas oo loogu talagalay xanaanaynta carruurta socotada ah ee qabato inta waaliddiintooda ay ka helayaan.

Faadumo Axmed oo ku nool magaalada Muqdisho waxay Sanadkii 2015, wayday gabadheeda Amaal oo siddeed jir ahayd taas oo ay la baxsatay gabar ay qaraabo yihiin oo ku nool Magaaladda Boosaaso.

wadahadal ka dib waxay gabadhu u sheegtay in Amaal ay iyada la safartay, iyadoo Faadumo ku qancisay inay wax u bari doonto, sidoo kale marka ay korto ay shaqo u gayn doonto taas oo lacag badan ay helaysa.

Amaal oo ay wada dhasheen lix kale oo carruur ah oo ka soo jeeda qoys danyar ah ayay nolol cusub uga billaabatay magaaladda Boosaaso inkastoo ay shan sano ka dib soo shaac baxday in dhibaato isugu jirtay jirdil iyo guri-ka saaris loo gaystay gabadhaas yar taas oo ay hooyadeed u soo weriyeen ehelo ka mid ah dadkii deriska la ahaa guriga ay gabadhu ku noolayd oo ku yaalla xerada barakaca ee Boosaaso.

“Gabar baa igu tiri gabadhaada waa soo tagtay oo waa la soo garaacay, waa la soo jirdilay, gabadhu inay ku imaatay rabtaa, anigana inay iyada iga warantaa ka cabsaday xeradaan kuu geeyay. Hay’adda xerada waxay sameeyeen marka, gabadhii waa ay ii qabteen, way ii haayeen.”

Faadumo oo gabahdeeda dib ula midoobay bishii September ee sanadkan,ayaa waaldiiinta ku wacyigelinaysaa in ubadkooda aysan cidna ku aaminin, lana socdaan dhaqdhaqaaqooda.

Ciidanka booliska oo marka ugu horraysa soo qabta carruurta socotadda ah, ayaa sheegay in siyaabood kala duwan lagu ogaado, sida uu noo sheegay taliyaha qeybta gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud. “Carruurtaas siyaabo badan baa lagu soo qabtaa oo ay ciidamaddu qeyb ka yihiin, bulshadu qeyb ay keenaan waa jirtaa ama baraha baarista ayaa lagu qabtaa. Bulshadu qeyb ay ka soo warbixiso oo ay noo soo sheegaan ciyaal aan meesha lagu aqoon, ama dad aan carruur lagu arki jirin, ama dad socoto ah oo la helo intaba waa jiraan, marka carruurtaas sidaas oo dhan ayaa lagu soo qabtaa”.

Carruurta ayaa markii ay ka soo gudbaan gacanta booliska waxay ku soo wareegaan xarumaha daryeelka carruurta, halkaas oo ay ka helaan, goobo ay seexdaan, waxbarasho ku meel-gaar ah, cunto iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah. Sidoo kale waxaa jira hanaan socda markaas oo ay dib ugula midoobayaan qoyskooda sida uu markale noo sharaxayo agaasimaha guud ee ee Wasaaradda Haweenka.

“Marka ugu horraysa ee ilmuhu xarunta uu soo gaaro waxaa loo sameeyaa aqoonsi, meesha uu ka yimi, wuxuu u socday, waxaa la xaqiijiyaa ilmaha inuu socoto yahay, inuu keligii socday. Markaas ka dib waxaa la sameeyaa waraaqo, in la dhamaystiro meesha uu ka yimi, sababaha uu u socday, cidda soo ka xaysatay, gobolka uu ka yimid. Waxaa loo sameeya la talin, waxaa la sameeya in la baafiyo, baafinta ka dib markii waalidkii la helo oo kaleeto, in lala mideeyo waalidkiis”

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in waaliddiin badan carruurtooda looga soo kaxaysto in shaqo la gayn doono, lacagana ay heli doonaan, taasni ay u baahan tahay in la fahan siiyo in ay dambi tahay in ku shaqeysiga carruurta.

“Dabcan inta badan waxaa weeye shaqa la’aanta ayaa ku sababaysa qaarkood, oo ku shaqaysiga waa in runtii laga wacyigeliyo dadka marka koowaad. Wacyigelin laga sameeyo in wax mamnuuc ah ay tahay in carruurta lagu shaqaysto, in carruurta laga ganacsado jirkooda, in laga ganacsado xubnahooda in ay mamnuuctahay, kana dhantahay xuquuqda carruurta iyo xaquuqda bini’aadamka.’’

Waxaa jira dad kala duwan oo lagu soo qabtay, iyagga oo wada carruur aysan dhalin, ama ay soo xadeen, kuwaas oo maxkamaddu ay xukuno ku ridday. Waxaan falalkaan inta badan dadka lagu qabto u badan Haween, sida uu sheegay taliye Xuseen Cali Maxamuud. Badi carruurtan ayaa laga keenay magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Beledwayne iyo Afgooye.

 

Previous Post

Kumannaan qoys oo ay saameysay fatahaaddii Beledweyne oo baahi u qaba biyo ay isticmaalaan

Next Post

Arday kaalmaha koowaad ka galay iskuullo ku yaalla Jowhar iyo kuwa tartan galay oo waxbarasho bilaash ah la siiyay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Arday kaalmaha koowaad ka galay iskuullo ku yaalla Jowhar iyo kuwa tartan galay oo waxbarasho bilaash ah la siiyay

Arday kaalmaha koowaad ka galay iskuullo ku yaalla Jowhar iyo kuwa tartan galay oo waxbarasho bilaash ah la siiyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo