Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Arday kaalmaha koowaad ka galay iskuullo ku yaalla Jowhar iyo kuwa tartan galay oo waxbarasho bilaash ah la siiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
October 24, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Arday kaalmaha koowaad ka galay iskuullo ku yaalla Jowhar iyo kuwa tartan galay oo waxbarasho bilaash ah la siiyay

Arday fadhisa fasalka jaamacadda/Kaydkasawiradda/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hiba Maxamed Cabdullaahi oo kaalinta koowaad ka gashay imtixaamkii dugsiga sare ee Shiikh Xuseen Cadde ee magaalada Jowhar waxaa iyada iyo 34 arday oo kale ay jaamacadda Plasma ka heleen waxbarasho bilaash ah ilaa ay ka dhameynayaan heerka koowaad ee jaamacadda.

Hibo oo ah 18 jir ka soo jeedda qoys beeralay ah oo dhowr sano ay saamayn ay ku yeelatay fatahaaddii webiga shabeelle ayaa ka walwalsanayd inaysan helin waxbarasho jaamacad.

Waxay maanka ku haysay in haddii kaalmaha hore ay ka gasho imtixaamka dugsiga sare ay heli doonta abaal marin ka caawin doonta in ay waxbarashada taas oo ku dhiirigalisay in ay ku dadaasho waxbarashadeeda. Waxay nooga noo warrantay qaabka ay ku heshay jaamacadda oo toddobaadkii saddexaad ay dhiganayso.

“Maamulka iskuulka iyo kan jaamacadda ayaa wada hadlay, sidaas darteed baa lacag la’aan la iigu dhammeeyay oo aan ku dhigtaa. Waxaa kamid ahay shan arday oo kaalmaha hore ka galay iskuulladooda. Aad baan u faraxsanay, anigana ma rajaynayn in qofka koowaad aan noqdo. Jaamacaddayda waxaan jeclahay in aan horay u sii wato. Nursing baan doortay, hooyaday iyo aabbahay way ku faraxsan yihiin in kaalinta aan galay.”

Waxay jaamacaddu markii ugu horreysay sanadkan tartan siisay 100 arday oo ka baxay dugsiyada sare, waxaana soddonka ugu sarreeyay iyo shanta arday ee kaalmaha hore koowaad ka galay imtixaanaadka dugsiyadooda ay siisay waxbarasho bilaash ah.

Hiba oo qoyskeedu ka kooban yahay lix qof waxa ay si wada jir ah uga qalin-jabiyeen dugsiga sare walaasheed Adna oo 16 jir ah taasi oo jaamacadda laga siiyay qiimo-dhimis waxbarasho oo boqolkiiba labaatan ah sida ay ii sheegtay Hiba.

Adna kama aysan mid ahayn ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaamka dugsiyada sare iyo kuwii waqtiyo-nasiibka ku guuleystay, waxaase loo tixgaliyay in ay ka soo jeedo qoys danyar.

Maamule ku xigeenka jaamacadda Plasma qeybta Jowhar Cabdullaahi Sheekh Bashiir ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in deeqdan waxbarasho ay kaga gollahaayeen in ardayda ka soo jeedda qoysas danyarta ah aysan waxbarashada ka harin maaddaama qoysaskoodu aysan awooodin bixinta qarashka jaamacadda.

“Jaamacadda waxay bixin jirtay waxbarasho kooban oo 10 arday ah balse dhibaato jirtada awgeed markaan la tashannay maamulka guud ee Muqdisho waxaan isku raacnay inaan ka dhigno 35 araday in lacag la,aan lagu siiyo iyadoo loo marayo hab baqtiyaa nasiib ah oo kor-joogto ay ka yihiin maamulka jaamacadda loona saaray maamuleyaasha iskuullada iyo aqoonyahanno.”

Mahad Cabdullaahi Muuse oo dugsiga sare ee Imaamu shaafici ee magaalada Jowhar dhammeeyay sanadkii 2018 laakiin aan helin waxbarasho jaamacadeed wuxuu ka mid noqday 30 arday oo ku guuleystay tartanka.

Mahad oo dhiganaya toddobaadkii saddexaad kulliyadda Computer seyniska oo uu doortay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in hammigiisii uu ahaa safar waxbarasho oo  dibadda ah uu saamayn uu ku yeeshay cudurka Covid-19. Wuxuu nooga warramay sida ay ugu suuragashay inuu tartanka ka qeybgalo iyo halka uu ka ogaaday.

“Idaacadaha ayaan ka maqlay jaamacadda oo dhahaysa waxaan fursad siinayna ardayda sanadkan qalinjabiyay iyo kuwa kale taas baa igu dhalisay. Waxaa lagu kala baxayay nin walbow nasiibkaa, waxaana ay u dhacday hab wanaagsan oo caddaalad ah. Waxaa lagu qabanayay waraaqado ay ku qoran yihiin team walba kulliyaddooda, waraaqaha waxaa qoran waad guuleeysatay iyo ma guuleeysan ninkii ay ku aaddo waad guuleystay wuu helay”.

Jaamacadda plasma qaybteeda magaalada Jowhar waxaa dhigta hadda shigta 240 arday, wuxuu maamule ku xigeenkeedu noo sheegay in ardayda dhigata marka laga tago kuwa bilaashka ah ay u sameeyeen qiimo dhimis kala bar lacagta waxbarashada loogu daynayo si loo dhiirigeliyo.

“Waxaa jirta jaamacadda nidaam u dagan oo ardayda lagu dhiirigaliyo ardayda Full paymentga ah ee xitaa lacagtoo dhamaystiran bixiya. Ardaygii kaalinta koowaad ugala qaybtaan Jowhar semesterka xiga waxaa la siiya schoolarship dhamaystiran oo semesterkaa uu ku dhigto. Semesterka xiga haddii uu la yimaado waa sidii, haddii uu la imaan waayana lacagta ayuu baxsanaa. Sidaas waxaa loo yeelaa waa in ardaygu uu dhiirigelin uu helo iyo in uu himilladiisa higsado.”

 

 

 

Previous Post

Carruur socota ah oo lagu qabtay deegaannada Puntland

Next Post

Dhegeyso barnaamijka Tacab oo aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Related Posts

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
Next Post
Dhegeyso barnaamijka Tacab aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Dhegeyso barnaamijka Tacab oo aan uga hadalnno hormarinta beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-24-JAN-2026

IDAACADDA-24-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA-24-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA-24-JAN-2026
January 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo