(ERGO) – Siddeed weriye oo ka howlgala warbaahinta gaarka ah iyo tan dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore laga helay cudurka Koofid-19, sida uu sheegay ururka ay warbaahintu ku mideysan tahay ee deegaannadaas.
Mid ka mid ah dadka laga helay cudurka waa Khadra Yuusuf Maxamed oo la shaqeysa Telefeshinka Maxalliga ah ee afka maamulka Puntland ku hadla. Waxay Raadiyo Ergo online-ka ugu sheegtay in xanuunku soo ritey xili aysan filayn inuu ku dhaco wax shaki ahna aysan hore u qabin.
“Aniga oo aan shaki qabin ayaan isku arkay calaamadaha ismana dhihin xanuunkii ayaa ku haya ee hargab ayaa ku haya ayaan is dhahay, waayo isaga iyo hargabku way isu eg yihiin. Urka ayaan waayay, sanka oo i cabudhsanaa ayaan is dhahay baa ur la’aanta keenaya in aadan waxba urin,” ayay tiri Khadra.
Khadro oo ah hooyo haysata hal cunug waxay tilmaantay in shaqada laga siiyay fasax inta ay ka soo raynayso ah. Waxay sheegtay in ilmaha iyo iyadaba ay daryeel ka haystaan ehelkeeda oo guriga kula nool balse aysan dhexgelin oo qol gaar ah kaga xayiran tahay.
Qaar ka tirsan weriyeyaasha ayaa calaamadaha cudurka ku sharraxay bogagga ay bulshadu ku xiriirto ee internet-ka.
Ibraahim Muuse Dahraan oo ah weriye madax-bannaan oo hadda ka soo raystay karoone ayaa sheegay in weriyeyaashu la mid yihiin dadka kale loogana baahan yahay taxaddar dheeraad ah.
“Cudurkan cidna ma kala soocayo – weriye, xildhibaan, wasiir ama shacabba,” ayuu yiri. “Dadka waxaan leeyahay xaddar muujiya, isna ilaaliya, waxyaabo cajiib ah ayaa ku jira cudurkan, adiga oo qof dhan ah ayaa meel ku xidhmaya xabsi ka daran.”
Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland, Maxamed Daahir Caynsane ayaa kula taliyay weriyeyaasha ka soo warramaya arrimaha cudurka inay la yimaadaan taxadar dheeraad ah, si ay u badbaadiyaan noloshooda iyo tan bulshada.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa 4-tii Oktoobar shaacisay inay kordhayaan kiisaska cudurka, markii 147 kiis oo hor leh la xaqiijiyay, kaddib baaritaan 665 qof lagu sameeyay.
Dr.Daahir Muuse Cali ah, sarakaalka arrimaha cudurka Koofid-19 u xilsaaran Wasaaradda Caafimaadka ayaa kororka u sababeeyay xilliga qaboobaha ee lagu jiro.
“Xanuunkii aad iyo aad ayuu u soo laba kacleeyey meel aad u sarraysa ayuuna marayaa marka loo eego bishan iyo bishii dhammaatay. Aad baan uga xunnahay waan dedaalaynaa, in aan dadka wacyigelinno, iyo in isu imaanshaha la yareeyo, afka la xidho, farahana la dhaqdo. Waxaa ugu wacan in waqti qaboobe soo galay, fayraskuna qabowguna kor ayuu u kacaa,” ayuu yiri Dr. Daahir..
Wuxuu intaa ku daray in ay filayeen sare u kaca xaaladaha cudurka, haddana dardargelinayaan wacyigelinta. Haddii ay sii socoto faafista cudurka waxaa suurtagal ah inuu maamulku dib u soo celiyo xannibaadaha lagu xakameynayo.