Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Koronkorrada ayaxa oo dhibaato u geysatay baraagihii biyaha ee tuulooyin ka tirsan Cadaado

Radio Ergo by Radio Ergo
June 23, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Ayax baabi’iyay beero ku yaalla deegaanka Dalyare oo u dhow Laascaanood

Photo Credit / Sven Torfinn/ FAO

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdulaahi Macallin Ciise oo ka mid ah dadka deggan tuulada Jaaq-dhagaysato oo 7 km u jirta magaalada Cadaado, ayay dhibaato ka soo gaartay koronkorta markii ay ka buuxsameen baraag uu biyaha ku kaydsanayay. Biyahaas ayaa waxaa ku tiirsanaa qoysaskiisa labada ah oo ka kooban siddeed qof.

Inkasta uu dadaal badan ku bixiyay siduu berkadda u nadiifin lahaa, ugana saari lahaa ayaxa ayay haddana taas waxba uga suurtagelin markii ay biyihii yeesheen ur aanan fiicnayn anfacna aan lahayn iyo midabkoodii oo doorsoomay.

“Waxay noqdeen wax uu neef ku bakhtiyay oo kale way ureen xitaa markaan ka faraxashay farahaygii waa ka hari diideen oo oomadii waa ka goyn-wayday.”

Sida badan baraagta tuulooyinka oo aanan qaarkood lahayn wax dabool ah oo ka ilaaliya wixii cayayaan ah ee ku dhici lahaa ayaa keentay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay uu ayuxu dhib wayn ku hayay baraagaha tuulooyinka, weliba kuwooda aanan lahayn daboolka, waxayna tan ku kalliftay Cabdullaahi iyo reerkiisa in ay soo iibsadaan biyihii ay isticmaali lahaayeen ilaa dhammaadka dayrta sida uu qorshahoodu ahaa.

Deegaanka Baraag-galaanbe oo 8 km u jirta Cadaado oo ay dad xoola-dhaqato ah ku leeyihiin konton barkad-roobaad ah ayaa koron-korradu si weyn u dhibaateeyeen kaydkoodii biyaha.

Cabdisalaan Faarax Gaab oo ka mid ah dadka deegaankaas Baraag-galaanbe ayaa isaguna dhibaato kala kulmay koronkorrada kaddib markii ay ku daateen barkaddisa oo qaadda ilaa 850 fuusto oo biya ah. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in ay aad ugu dadaaleen in ay ka hortagaan koronkorta, hase ahaatee ayan waxba ka suurtagelin oo ay muddo laba maalmood ah ku dhacaysay ilaa ay midabkii iyo urtii biyaha is beddelaan.

“Ayadoo laba habeen ku jirtay ayaan ugu tagnay biyuha ayagoo soo uraya bahashuna ay ka buuxdo kaddib waan galnay, waan ka bixinnay, markaas kaddib waxaan ku shubay nafto, biyihii ayagoo hadda xoogaa soo dhadhamaya oo madoow ayay hadda ku jiraan.”

Xoola-dhaqatadan ayaan hore u arki jirin ayaxa iyo koronkortiisa, mana lahayn waayo-aragnimo ay kula tacaalaan ugagana hortagaan,  taasoo keentay inuu gaarsiiyo baraagtoodii khasaaraha intaas la`eg oo laga yaabo iney uga gaashaamaan kareen iney u helaan dabool barkadahooda.

“Wax raja ah oo aan anigu hadda ka qabo ma jirto in aan biya kale soo shubto  maahane,” ayuu yiri Cabdisalaan. “ Baraagahaas ayaa laga yaabaa in maryo laga saaro maahane wax kale hadda aan annagu kula dagaallannaa ma jiraan.”

Maamulka Galmudug oo taageero ka helaya dowlada federal ah ee Soomaaliya iyo hay’adda FAO ayaa dadaallo lagu buufinayo ayaxa ka wadda deegaannadaas, laakiin Wasiirka Beeraha Dhirta iyo Daaqa ee Galmudug Axmed Xaaqi Cismaan wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in deeganada qaarkood ay sameeyeen ka hortag ayaxa koron-korta ah isla markaasab ay ka buufiyeen baraago badan.

“Horta daawada aan hadda isticmaalnaa daawo dadka wax u dhimaysa maaha, waxaan samaynaa in aan ayaxa meelahaas baraagaha korkoodaa kula dagaallanno,  balse markay soo gasho godka maku buufinno anagoo ka baqayna in biyaha dhadhankoodu isbaddalo.”

Abshir Cismaan Maxamed iyo qoykiisa waxay ka mid yihiin qoysas badan oo aan iyagu markii hore lahayn wax barkado ah balse biyaha ka heli jiray dadka ehelka ah ee kaydka biyaha roobka helay, haseyeeshee wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in markii ay koronkortu biyaha ku dhacday ay ku qasabtay in uu lacag ka badan $300 ku soo iibsado haan-baceed uu dhulka ku xabaashay oo uu biyo ku shubtay taasoo uu  ka dalbaday Cadaado, waxayna fuustadii ugu timaaddaa lacag ka badan $1.

Abshir iyo qoyskiisa ayaa waxay hadda ku qasban yihiin iney haan-baceeddaas ku aasan dhulka iney ka ilaaliyaan koronkorrada iyadoo ay suurtgal tahay xataa iney koronkortu gasho halkaas.

Previous Post

Taxaddarka ay tahay dadku inay ka muujiyaan sunta lagu buufiyo ayaxa

Next Post

Dab baabi’iyay dhul-daaqsimeed nacfi u lahaa xoolaha deegaanno ka tirsan Galgaduud

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
Next Post
Beeralay ku cayrtoobay dab ka kacay magaalada Buraan

Dab baabi'iyay dhul-daaqsimeed nacfi u lahaa xoolaha deegaanno ka tirsan Galgaduud

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-FEB-2026

IDAACADDA 08-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo