Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Dab baabi’iyay dhul-daaqsimeed nacfi u lahaa xoolaha deegaanno ka tirsan Galgaduud

Radio Ergo by Radio Ergo
June 25, 2020
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeralay ku cayrtoobay dab ka kacay magaalada Buraan

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dadkii degganaa tuulada Dhagaxdheer ee gobolka Galgaduud ayaa iskaga cararay deegaankaas markii uu ka kacay dab wayn oo baabi`iyay dhul-daaqsimeed ku fadhiya in ka badan 30 km bishan Juun 18-keedii.

Oday Ciise Maxamed Barre oo duleedka tuuladaas ku dhaqanayay boqol neef oo ari ah ayaa ka mid ah dadka lafahooda iyo xoolahooda kala soo cararay dabkaas. Wuxuuna raadiyo Ergo uga warramay masiibadaas.

“Dadkii meeshaas dagganaa intaba way ka barakacayaan oo meeshii dabku jirin baa la aadayaa ee meesha dabku jiro neef iyo naf iyo qoys iyo qof midna kuma laabanayo.”

Dhulkan oo ka badbaaday weerarkii ayaxa sidoo kalana roobka uu si fiican uga da’ay ayaa xoolo-dhaqatada ku noolaa ay rajaynayeen in ay ku gaaraan nabaadka ku yaallay xili-roobaadka kale, Ciise ayaa xusay in bilowgii dabka tuuladii u dhawayd uu ula barakacay carruurtiisa oo sagaal ah iyo xoolaha uu dhaqanayo.

Tuulada uu tagay ee Dhagaxdheer dadka ku nool oo iskaashaday sidoo kalana gacan ka helay bulshada deegaanka Godinlabe, ayaa badbaadiyay dhirtii u dhawayd deegaankaas si dabku uusan u soo gaarin guryahooda.

Ciise xoolihiisa ayaa xilligaan ka faa’iideysanaya naqa yar ee ku haray dhulka dabka ka badbaaday. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in deegaannada dabku halakeeyay ay ahaayeen kuwii roobabka ugu fiican helay dayrtii hore iyo gugii ka danbeeyay.

Wuxuu Oday Ciise oo 68 jir ah rajo-xumo ka muujiiyay iney halkaas ku sii nagaadaan toddobaadyada soo socda, kuna filnaan karin daaqa yar ee halkaas uu daggan yahay ku haray iyadoo xoolo badan la iskugu keenay awgeed, waxaana u muuqata xaaladdu iney adkaaneyso sida uu ugu warramay raadiyo Ergo.

“Deegaankaan dhagaxdheer iyo Kayn inta ka dhaxaysa weeye meesha gubatay iyo  meel layiraahdo Bisiqlay oo Godinlabe xaggiisa naga xigta, intaas wixii dagganaa Dhagaxdheer iyo Kayn geesaheeda bey aadayaan; laakiin waa qasab barakac in uu yimaado oo intaas wixii dagganaa iyo intii u dhawaydba maalmaha hore meeshay iskugu tagaanba xaaluf ay noqonee.”

Bishaaro Cumar Cali oo ah hooyada lix carruur ah ayaa ka mid ah xoolo-dhaqatada nabaadka fiican xoolahooda ku haysteen dooxada Kayn-oomane. Waxay sheegtay in deegaanka ay tageen ay ku haystaan biyo iyo cunno, balse culayska ay dareemayso uu yahay wixii ay ku noolaan lahaayeen xoolaheeda.

Bishaaro iyo qoyskeeda ayaa siddeetan neef oo ari oo uga badbaaday abaarihii ula barakacay deegaanka Cadda-kibir oo halka ay dabka uga soo carartay waqooyi kaga beegan 36 km uga warrantay raadiyo Ergo, walaaca ay ka qabto daaq la`aanta ka jirta dhulka ay barakaca ku yihiin iyo ineyan u muuqanin meel kale oo dhaanta meesha ay hadda ku sugan yihiin.

“Wax naq ah ma helin xoolahaan, way iska didayaan dhul aan naq lagu arag oo awal koronkorradu caddaysay oo abaar oo kale ah, baan ku haynaa, nolosheennu waxay ahayd  duunyada, nolol kale oo aan haysannay ma leh, wax hadda noo qorshaysan iyo wax meel noo saaran  midna ma jirto, meel hadda aan aadno oo meeshaan dhaantana lama arko. ”

Miyiga ku teedsan tuulooyinka Dhagaxdheer, Qalloocan, Jirriqaale, Feeracad iyo dooxada daaqa lahayd ee Kayn-ooman oo ka tirsan Gabolka Galgaduud ayuu dabku saamayn ku yeeshay, iyadoo xoolo dhaqatadii dagganayd dhulkaasi ay ka barakaceen sida raadiyo Ergo uu u sheegay Guddoomiyaha deegaannadaas Farxaan Maalin Daa’uud.

Wuxuu xusay in 900 oo qoys in ka badan ay ka barakaceen miyigaas oo calafka xooluhu ku badnaa. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu gacan ka helay ururka dhallinyarada iyo maamulka deegaanka Godinlabe oo tuulooyinkan hoostagaan, kuna guuleysteen daminta dabkaas oo socday sagaal saac oo xariir ah, wuxuuna kaloo yiri,

“Ummad badan baa ku soo guurtay waddankan, dad baa waxay ka soo guureen boqol km meel gaaraysa, markii xaqiiqada la taabto dadkaas markii laga fekero oo la fiiriyo haddii aysan xoolahoodu gurmad helin iyo cid saacidda dadkaas xaalkoodu iskuma aaddana, meeshii jiilaalka daaqa lahayd ee dhowraarinta ahayd musiibadaan baa ku dhacday, laakiin Ilaahey waxaan ka rajaynaynaa in roobka sanadkan uu noo soo dedajiyo”.

Previous Post

Koronkorrada ayaxa oo dhibaato u geysatay baraagihii biyaha ee tuulooyin ka tirsan Cadaado

Next Post

Dhadhaab: Dhallinyaro sameynta afxirka uga qeyb-qaadanaya xakamaynta cudurka Koroona

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhadhaab: Dhallinyaro sameynta afxirka uga qeyb-qaadanaya xakamaynta cudurka Koroona

Dhadhaab: Dhallinyaro sameynta afxirka uga qeyb-qaadanaya xakamaynta cudurka Koroona

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo