Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Ayax baabi’iyay beero ku yaalla deegaanka Dalyare oo u dhow Laascaanood

Fowzia by Fowzia
June 21, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Ayax baabi’iyay beero ku yaalla deegaanka Dalyare oo u dhow Laascaanood
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka tirsan beeraleyda deegaanka Dalyare ayaa sheegay in ka badan 40 beerood uu tacabkoodii khasaaray kaddib marki bartamihi bishi hore ee May uu ku dul-degay ayaxa, kuna reebay koronkor, isagoo sidaas si la mid ahna dhibaato u gaystay deegaanka, markuu eber ka dhigay caleentii geedaha ku taallay, cawskii iyo dhirtii.

Cabdiraxmaan Maxamed wuxuu ka mid yahay beeralayda deegaankaas, wuxuuna leeyahay beer afar hektar ah oo ay ku yaalleen yaanyo, basal iyo basbaas kuwaasoo dhammaantood uu ayaxu diirtay.

“Nolosha qoyskaygu waxay ku tiirsanayd beertaas wixii dalag ii beernaana waxaa cunay ayaxii, niyad-jab ayaan dareemay, waxaan ku khasaaray lacag gaaraysa afar kun oo doollar oo dayn igu ahayd,” ayuu yiri.

Ayaxa ayay sheegeen dadku in uu beeraha dul fadhiyey labaatan saacadood oo uu cunayay dalagga, cawska iyo dhirta intaba. Dadka ayaa samaynayay dedaal sidii ay ayaxa uga kicin lahaayeen beeraha, iyagoo adeegsanaya dab, hoonka baabuurta iyo rasaas ay kor u ridayaan.

Dhibaatada uu ayaxa u gaystay waxaa ka daran welwelka ay ka qabaan koronkorta uu halkaas ku reebay oo ay ka cabsanayaan inay dib dhibaato ugu geysato.

Cabdinaasir Maxamed Salaad wuxuu ka mid yahay beeralayda Dalyare, wuxuuna hawshan tacabka ku jiray muddo 11 sano ah. Wuxuu deegaanka ku leeyahay beer lix hektar ah oo uu ku maalgeliyay lacag gaareysa saddex kun oo doollar oo deyn ah; taasoo ay maanta waxba uga cayman ee uu ayaxii baabi’iyay. Waxaa ku adag siduu isaga bixin lahaa deyntaas oo ballantu ahayd marka uu tacabka u soo go’o inuu iska bixin doono.

“Waxyaabaha aan hadda ka welwelsanahay waxaa weeye noloshii carruurta iyo sidii aan isaga bixin lahaa lacagta deynta ah. Waxaan ku xisaabtamayay markaan daynta iska bixiyo inaan faa’iido saddex ilaa afar kun oo doollar,” ayuu yiri.

Cabdinaasir wuxuu intaasi ku daray inuu gebi ahaanba beertii iskaga tegay ee uu ka quustay markuu ayuxu ku dagay.

“Waxay ahayd xilli galab ah markii isagoo aad mooddid daruuro uu na dul yimid, oo cirkii iyo dhulkii ay isqabsadeen oo waxba la arki waayay. Sababta aan beerta uga tegay waxaa weeye wixii abuur ahaa ee aan beero waxaa cunaya korankorro ayaxii ka tegay.”

Guud ahaan deegaanka waxaa ku yaalla 259 beerood, kuwaasoo ayaxu uu dhibaato gaarsiiyay, balse wuxuu gebi ahaanba baab’iyey dallaggi ku yaallay 46 ka tirsan beerahaas sida uu sheegay guddoomiyaha beeralayda deegaanka Dalyare Cabdirisaaq Astur Warsame. Wuxuu xusay in qaar ka tirsan beeraleyda ay u guureen miyiga maadaama wax-soo-saarkii uu ka khasaaray.

“Xilligan oo kale ilaa saddex gaari oo nooca noohada iyo dhayne ayaa ka bixi jiray oo aadi jiray Gaalkacyo, Qardho, Garoowe iyo Laascaanood, haddana hal gaari ayaa Laascaanood u baxa,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha beeralayda Dal-yare wuxuu intaasi raaciyay inay sameeyeen dadaal kasta oo ay ayaxa beeraha uga kicin lahaayeen, dadkuna si wanaagsan bay uga qaybqaateen dadaalkaas loogu jiray sidii ayaxa beeraha looga kicin lahaa. Dadaalkii la waday ayaa xitaa isaguna keenay khasaarooyin, waxaana ka mid ah, dabkii lagu shidaayay ayaxa ee lagula dagaallamayay inuu gubay afar beer oo deegaanka ah.

Dalyare oo Laascaanood u jira 37 km ayaa ah deegaan hodan ku ah biyaha, kuna wanaagsan tacbashada beeraha. Deegaanka oo leh taariikh dheer waxaa la degganaa in ka badan boqol sano, tacbashada beeraha ka sokowna waa deegaan ku wanaagsan dalxiiska.

Previous Post

Sababta loo doortay cayayaan-dilaha hadda lagula dagaallamayo ayaxa

Next Post

Haween u shaqo-doonta degmada Dhadhaab oo caqabad ka haysata aadisteeda

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

October 13, 2025
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

October 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood

October 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas hoy la’aan noqday markii ay guryahooda u gadeen carruur ka tahriibay

October 6, 2025
Cudur iyo daaq la’aan cayrteeyay xoolo-dhaqato reer-miyi ku nool Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Cudur iyo daaq la’aan cayrteeyay xoolo-dhaqato reer-miyi ku nool Galgaduud

October 3, 2025
Next Post
Haween u shaqo-doonta degmada Dhadhaab oo caqabad ka haysata aadisteeda

Haween u shaqo-doonta degmada Dhadhaab oo caqabad ka haysata aadisteeda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

DAACADDA 14-OCT-2025

DAACADDA 14-OCT-2025 by Radio Ergo

DAACADDA 14-OCT-2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2025
October 12, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 11-OCT-2025
October 11, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-OCT-2025
October 10, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo