Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas hoy la’aan noqday markii ay guryahooda u gadeen carruur ka tahriibay

Jibril Osman by Jibril Osman
October 6, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Qaar ka mid ah dhalinyarada isku dayay tahriibka dibadda oo lagu soo celiyay Muqdisho/keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno yari iyo hoy xumo ayay qoyska Suldaan Jaamac ku wajahayaan xerada Salaama ee magaalada Gaalkacyo. Xaaladdan ayay galeen bishii Juun ee sannadkan markii  $13 kun oo dollar ku xaraasheen guri ay lahaayeen oo ay deganaayeen.

Suldaan ayaa sheegay inuu ka fursan waayay inuu gado booskan oo uu keligii hanti ka lahaa markii gabadhiisa oo tahriibtay kuna xiran xabsi ku yaalla Liibiya lagu armay bixinta lacag madax furasho ah oo gaaraysa $20,000.  

Ninkan ayaa tilmaamay inay labo culeys haystaan kuwaas oo kala ah inuu qoyskiisa oo 12 ah uu u la’ xitaa hal waqti oo cunno ah maalintii, meel ay ku hoyadaan iyo gabadhiisa oo nolosha ka kabi jirtay reer oo weli maxbuus ah.

“Aabbe dhibaataysan baan ahay oo duruufaysan gurigii markaan iska iibiyey meel qaxooti ah baan degay oo bush baan ka dhistay meeshaas baan ku noolahay, magaalada haddaan galgalo hal doolar iyo waxaan biil biil uga dhigaa, gabadha iskuul bay dhigi jirtay. $100 bay qaadan jirtay ciyaalkaan masaariif uga dhigan jirnay waana ii roonayd gabadha. Boqolkii meesha waa ka baxay gabadhii magafay aaday haddii ay ii joogi lahayd qobolkayga iska iimaansan lahaa.”

Ka hor inta uusan guriga xaraashin wuxuu isku dayay inuu helo xal kale oo gabadhiisa ku furan karo balse uma suura-gelin iyadoomuddo bil ah uu ku jiray raadin deyn. Suldaan ayaa isaga oo gurigiisii gaday haddana wuxuu uu la daalaadhacayaa inuu bixiyo $7,000 oo ku harsan, taas oo welwelka ku sii kordhinaysa.

Ninkan ayaa tilmaamay si uu dayn iyo deeq ugu raadiyo sii daynta gabadhiisa inuu shaqadiisa oo ahayd waardiye uu ku waayay. Wuxuu xusay inuu dareen ahaan awoodi waayay feker dartii.  Wuxuu bille uga qaadan jiray boqol doolar balse ma shaqayn saddex bil ee u dambaysay.

“Ehelkayga waan ka waayay qof walba waan u tagaan wuxuu idhahaa waxba ma haysto sidaas darteed baan u iibiyey guriga oo gabadhayda ka walwalsanaa oo la dhibaataynayey oo la dilayey oo la silcinayey.”

Qoyskan ayaa horay nolosha ula halmagayay, balse waxay haysteen hoy aan kiro ku ahayn iyo caawimaad ay gabadhooda bare iskuul ahayd ay ka heli jireen kahor inta aysan tahriibin. Ninkan ayaa xusay in shan carruurtiisa ka mid ah ay hadda guri joog noqdeen markii uu awoodin waayay inuu ka bixiyo $25 oo ay bishii iskuul iyo dugsi ku dhigan jireen.

Dhibaatada safarka tahriibka ka soo gaarta dadka gala ka sokow, wuxuu dhaqaale burbur iyo nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool deegaannada Puntland, kuwaas oo ilahoodii dhaqaale u xaraashay xubno uga xiran dalalka galbeedka iyo waqooyiga Africa.

Waxaa ka mid ah Cabdullaahi Cali Samatar oo la daalaa-dhacaya maaraynta nolosha qoyskiisa oo 14 ah. Qoyskan ayaa dul-saar ku ah qoys ay qaraabo yihiin, iyagoo ka degan sandaqad jiko u ahayd maaddaama ay awoodi waayeen inay guri kireystaan.

Cabdullaahi ayaa sheegay inuu guri ka koobnaa saddex qol uu ku qasbanaaday inuu ku xaraasho $10,000 bishii May ee sannadkan si uu ugu bixiyo lacag madax-furasho ah oo gaareysa $18,000 oo loogu heysto wiilkiisa Liibiya.

Ninkan ayaa xusay in qoyskiisu hadda galeen hubanti la’aan cunno iyo duruufo kale oo aan horay u soo marin. Wuxuu sheegay inay ku adag tahay inay hal xilli dabka shitaan.

“Reerkaas qaraabada ah oo dulsaarka ku nahay balbalo uu leeyahay baan seexanaa waan isku dhibaataysanahay. Habeenkii bannaankaas baa iska jiifsanaa, dhaxanta iyo dabaysha. Guri aan anigu leeyahay degenahay buu ahaa laakiin xaaladu ma fiicna; hoy aad gasho lahayn, cuntadiina marna helayso marma  inaad weyso u badan tahay dhibtaas waxaa sababay aan hoygaygii u gaday cunigaas tahriibay.”

Cabdullaahi ayaa tilmaamay in qoyskiisu horay ugu tiirsanaayeen shaqada dhismaha oo uu isaga ka shaqayn jiray. Shaqadaas ayuu sheegay inuu todobaadkii maalin ama labo ka mid ah uu ka heli jiray $10-15 taas oo ku filnayd baahida qoyskiisa. Hadda wuxuu xusay inuusan shaqo niyo u hayn culeyska haysta dartii.

Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in uusan shaqayn bilihii u dambeeyey, taas oo nolosha ku sii adkaysay. Lacagtii madax furashada ee laga rabay wiilkiisa ayuu sheegay inay weli ku harsan tahay, taas oo gaareysa $8,000. Wuxuu la’yahay meel uu ka keeno.

“Wiilkayga oo aan weysanaa muddo 20 beri meelahaas ah ayaa maalin la isoo wacay waxaa la i yiri $18 kun soo dir gurigiina waan gaday lacag uusan u qalmin. Waxaa ku gaday lacag $10 kun ah sideediina weli waa ii dhiman tahay wax deyn la iigu aruurinayo iyo wax weli aan hayn bay tahay wiilkiina weli waa xiran yahay, gurigii waa iibiyey reerku nolol fiican ma haysto; hoy ma haysano, cunto ma haysano, xaaladayadu waa cakiran tahay.”

Cabdullaahi ayaa sheegay in qorshihiisa ugu weyn uu yahay sidii uu wiilkiisa uga soo saari lahaa gacanta magafayaasha. Sidoo kalana uu ku fekerayo in dowladda Soomaaliya ay wiilkiisa dib ugu soo celiso.

Lix carruurtiisa ah oo dhigan jiray malmacad iyo iskuul ayaa waxbarashada laga soo ceyriyay dhamaadkii Luulyo, markii uu bixin waayay dhaqaalaha billaha ah ee ay wax ku baran jireen oo gaaraya  $60.

Lacagta madax furashada looga qaato tahriibayaasha ayaa ku dhisan heshiis iyo muddada uu qofku ku jiro xabsiga, taas oo sii kordhin karta haddii uu wax badan ku jiro.

Tahriibka oo galaafta nolosha dhallinyaro badan oo Soomaliyeed ayaa kordhay 2025 sida ay sheegeen Ururka Badbaado iyo Barwaaqo ee ka hortaga aafada tahriibka. Cabdi Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha ururkan ayaa tilmaamay in tiro-koob ay ka saameeyeen deegaannada Puntland ay ku ogaadeen xogtaas.

Wuxuu xusay inay diiwaan-galiyeen in ka badan 100 qoys, kuwaas oo iibiyay ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen sida guryo, ganacsiyo iyo gaadiid, si ay madax-furasho ugu bixiyaan, taas  markii dambe sababtay inay la kulmaan nolol adag.

Ninkan ayaa xusay in qaar ka mid ah qoysaskaas ay ku qasbanaadeen inay degaan xeryo barakac, halkaas oo ay ka raadsadeen gargaarka hay’adaha samafalka iyo meel ay seexdaan, iyagoo aan heysan cunno ku filan.

“Waxaan ognahay in maanta qoysas badan shaah karsan karin oo wax la cuno ay raadinayaan ayagoo marka shalay loo fiiriyo ay heerarka sare nolosha ku jireen ay lahaayeen baabuur, guryo, ganacsiyo maanta intaas midna u jirin oo noloshoodii hoos u dhacday. Ururkeena ka hortaga tahriibka wuxuu awooda saarayaa sidii loo garab istaagi lahaa qoysaskaas maanta nolosha adag ku jira iyo sidii bulshada kale looga wacyi gelin lahaa arrintan dhibaatada ah.”

Cabdi ayaa intaas ku daray in ururkooda uu qoysaskan siiyo la-talin ku saabsan sidii ay u wajihi lahaayeen nolosha adag ee soo food saartay. Wuxuu sheegay in sidoo kale ay u qareemaan si ay u helaan gargaar iyo taageero ka timaada hay’adaha iyo deeq bixiyeyaasha, taas oo qayb ka ah dadaalka lagu doonayo in qoysaskan loogu helo fursado nololeed oo ka saarta dhibaatada nololeed ee ay galeen.

Previous Post

Cudur iyo daaq la’aan cayrteeyay xoolo-dhaqato reer-miyi ku nool Galgaduud

Next Post

Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood

Related Posts

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere
Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

February 13, 2026
Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Next Post
Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood

Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-FEB-2026

IDAACADDA 13-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-FEB-2026
February 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-FEB-2026
February 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo