Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Cudur iyo daaq la’aan cayrteeyay xoolo-dhaqato reer-miyi ku nool Galgaduud

Jibril Osman by Jibril Osman
October 3, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Cudur iyo daaq la’aan cayrteeyay xoolo-dhaqato reer-miyi ku nool Galgaduud

Photo/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Reer guuraaga ku nool deegaannada Qalaanqal, Dhuumoodle iyo Caliwayd oo hoos taga magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa maaro u la’ cudur aysan aqoon oo riyaha iyo iduhu ay u dhimanayaan.

Waa xaalad ay wajahayaan tan iyo bishii Luulyo ee sanadkan. Cabdinuur Cabdullaahi Xassan oo ka mid ah xoolo dhaqatada deegaanka Dhuumoodle ayaa sheegay in arrintan galisay dhaqaale darro iyo inuu waayo wuxuu ku maareeyo nolosha qoyskiisa.

Wuxuu xusay in caruurtiisa oo toddobo ah ay gaajo ku seexdaan, ayna ku adag tahay in maalinkii ay helaan hal waqti oo cunno ah.

“Cunno wayn majirto, habeenkii waa la iska qadaa. In mar aad hesho ama aad waydo ayay u badan tahay sababtoo ah waa wax baadi ah ma og tahay oo aadan lacagtaada ka baxayn maaliina waad waynaysaa maalinna waad helaysaa noloshaa ciriiyaa la iskaga jiraa. Markii horoo xooluhu noo joogeeno iska barwaaqaysnayn waxaan karsan jirnay saddex jeer.”

Cabdinuur ayaa sheegay in xaaladan adag ay wajahayaan muddo sadeex bilood ah. Labaatan neef ayuu tilmaamay inay uga hartay ari 55 ah oo uu dhaqanayay.

Wuxuu xusay in dhammaan ay jirran yihiin, ayna yartahay rajada uu ka qabo inay ka bogsadaan cudurka oo ka dhigay kuwo liita oo gabay socodkii foofka.

Xoolaha yar ee u jooga ayuu xusay inaysan laheyn cad, caano iyo nacfi kale. wuxuu sheegay inuu la tacaalay oo uu ku bixiyay dhaqaale uu soo deynsaday oo gaaraya $70, balse taasi xal uma noqon oo xooluhu wali cudurka ayay usii la’anayaan.

 “Qarash yari baa iga hor istaagtay oo waxaan haystaa la arag oo aan ku soo daaweeyo. Waa xoolo caataa oo tallaaba qaadin Karin jiidaalna waa jiraa wax jiran iyo wax kale Makala taaqin neefku inuu dhaco maahane waxa dhanaaba duruufaysan, waa xoolo iska le’aaayoo inaad birta la agtaagno bay rabaan.”

Cabdinuur ayaa tilmaamay in xaaladdan ay ku soo beegantay iyaga oo aan roob fiican helin labadii xilli roobaad ee la soo dhaafay. Xilligan oo jiilaal ah iyo daaq yari jirto, waa mid xoolaha u sii nugleysay cudurka.

Ninkan waxaa il dhaqaale u ahaa ariga oo kaliya. Rajadiisu waa mid ku xiran soo kabashadooda. Wuxuu tilmaamay in waxa ugu weyn ee uu ka warwaro ay tahay qoyskiisa oo aan u sii adkeysan karin xaaladan, islamaarkan uu u waayay deyn iyo deeq wuxuu ku sii dabaro.

“Shaqo la’aan ayaan ahay, wixii aan haystayna gacanteyda way ka sii baxayaan. Waxaan ku suganahay nolol ciriir ah, maaddaama xoolihii aan ku tiirsaneyn ay dhammaadeen inta badan. Xaaladdu way igu adagtahay, xalna meel kuma ogi.”

Xoolo dhaqatada bariga magaalada Baxdo, weli maysan helin dhaqaatiir baarta nooca uu yahay cudurka ka laynaya xoolaha.

Cabdirisaaq Daahir Yuusuf oo uu ka dilay 26 ari ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in neefka uu ku dhaco uu ku dhimanayo muddo u dhexeysa saddex beri, illaa toddobaad.

 “Cudurkaan labada garbood buu ka galayaa neefka afganbi ayuuna u faniinayaa, ariga markii uu salaaddii dareero neef isaga dhan daadsanaa la arkayaa xerada dhexdeeda waxaana ka muuqanaya inuu keeno uus iyo balaq oo wixii uu cunay ay calooshiisa ka soo daataan, mana la qali karo oo neefkaas hilibkiisa lama cuni karo.”

Cabdirisaaq oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa xusay in qoyska ay u hareen 12 neef oo aan ka bixi karin xerada, tabar yari awgeed.

Reerka ayuu tilmaamay in dabka ay ku shitaan wixii ay ka helaan dariskooda oo aan tabar badan dhaamin. Cabdirisaaq ayaa xusay in bilihii Luulyo iyo Agoosto uu qoyska ku soo dabaray raashiin uu soo deynsaday, balse bartamaha bishii September ayaa laga joojiyay markii lagu yeeshay lacag dhan $270, taas oo lagu war-galiyay inuu iska bixiyo si dayn kale loo siiyo, balse wuu awoodi waayay.

 “Xaaladdu waa adag tahay markii hore nolol fiican baan haysanay laakiin haddeer xoolihii baa iska yaraaday, xoolaan ku tiirsanayn wax la gado maleh, wax la qasho maleh, caato iyo cudurbaa isku haysta xoolihii, neef laga aado maleh labo iyo toban neef baa ka hartay wax la qali karo kuma jiro.”

Cabdirisaaq ayaa sheegay in marxaladdaan ay tahay middii ugu adkeyd ee uu la kulmo, muddo 34 sano ah oo uu ku nool yahay miyiga gobolka Galgaduud.

Wuxuu intaas ku daray in miyiga uu joogo aysan ku sii noolaan karin, dhaqaale burburka ku dhacay darteed, balse duruuftu ku qasbeyso inuu sii joogo, maadaama uusan garaneyn meel kale oo uu maciin bido.

Dad ehelkiisa ah oo Muqdisho, Cadaado iyo Bxado ku sugan ayuu xusay inuu u dan sheegtay balse uu ku hungoobay oo uusan wax garab istaag ah ka helin.

Nafaqo la’aantu waa mid xoolaha ka dhigta inay ku dhacaan cuduro soo noqnoqda. Dhaqaatiirta bartay xannaanada xoolaha, waxay sheegeen in lagama maarmaan ay tahay in xooluhu ay helaan calaf ku filan, tallaal ka hortag ah iyo daaweyn joogta ah, si adkeysi ugu yeeshaan xaaladaha soo wajaha. Hasa-yeeshee xoolo dhaqatada Soomaaliyeed uma badna inay sidaas yeelaan.

Isku guur-guurka iyo kala saaris la’aanta xoolaha xanuunsan iyo kuwa caafimaad qaba, iyaduna waa mid kale oo keenta in cudurku uu baaho.

Kaahiye Cumar Yarow oo qoyskiisu ka kooban yahay lix qof, kuna nool deegaanka Caliwayd ayaa sheegay in cudurkaan uu tan iyo bishii July ka galaaftay ari 18 neef ah, sidoo kalana ay hadda u dhul yaallaan afartan kale.

Waxa uu sheegay inaysan wax nacfi ah lahayn maadaama aysan lahayn iib sidoo kolana aan laga helayn cad iyo caano midna. Wuxuu xusay in cunno xumo ay arrintan u keentay, ayna u dheertahay biyo yari deegaanka ka jirta.

“Biyo la’aanta waxaa ugu wacan colaadaha jira. Biyo yaroo carro xareed noogashaa awal lagu tiirsanaa haddana biyihii waa go’een.  Fuustadii waa $5. Cidaha dariskaa wax ka soo qaadee dadka ka soo baryee.”

Ninkan ayaa sheegay in qoyskiisa oo faro-maran ay dabka u shidaan dad qaraabadiisa ah. wuxuu xusay inuu awoodi waayay in reerka uu u raro magaalo, si ugu yaraan ay uga baxaan biyo yarida haysata.

Wax cusub ma’aha in cudurro ay ceyr ka dhigaan qoysas badan oo ku tiirsanaa dhaqashada xoolaha oo keliya. Arrintan oo ah mid soo noqnoqtay weli looma helin xal waara.

Dadka xoolaha dhaqda waa kuwo ay yartahay aqoontoodu, inta badanna aan ka sii baraan dagin caqabadaha lama huraanka ah.

Previous Post

Qoysas ka barakacay colaad oo cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya Afgooye

Next Post

Mudug: Qoysas hoy la’aan noqday markii ay guryahooda u gadeen carruur ka tahriibay

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
blank

Mudug: Qoysas hoy la'aan noqday markii ay guryahooda u gadeen carruur ka tahriibay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo