Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Soomaalilnad: Ayaxa saameeyey beeralayda gobollada Awdal iyo Salal

admin by admin
May 6, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beledweyne: Ayax uga daray dhibaatadii fatahaada webiga kasoo gaartey beeraleyda gobolka Hiiraan.

Ayax waxyeeleeyey beeraha hore fatahaaduhu u burburiyeen ee gobolka Hiiraan /Abdirisak Ahmed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Beeralayda ku nool deegaanno ka tirsan gobollada Awdal iyo Salal ee Soomaaliland ayaa ka cabanaya koronkortii uu reebay ayaxii sanadkii hore oo dillaacday dhibaatana ku haysa dalaggoodii.

Meelaha sida gaarka ah looga soo sheegayo dhibaatada ayaa kamid ah Baki, Dila iyo Xariirad, taasoo saameyn ku yeelatay wax soo-saarkoodii khudaarta iyo dalagyada kale. Waxay beeralaydu filayeen iney goostaan labadii toddobaad ee u dambeeya bishii Abriil, iyagoo rajadoodii ahayd iney ka faa`iideystaan xilliga Ramadaanka.

Cabdiraxmaan Xuseen Maxamuud oo beer ku leh deegaanka Xariirad oo ka tirsan degamada Saylac Boorame ayaa kamid ah beeralayda sugeysay iney goostaan dabayaaqadii Abriil Khurdaar ay kamid yihiin xabxabka (Qare), yaanyo iyo basal hase ahaatee ay ka cuneen koronkortii ayaxa oo dillaacday.

“ Waxaan doonayey inaan ka gooyo lawdh gaadhiya oo xabxaba, ilaa saddex kun
oo xabbo, iyadoo ay iga gashay ilaa shan kun oo doollar”

Qoyska Cabdiraxmaan oo ka kooban 10 ruux ayaa ku tiirsan dalagga uga soo go’a beertiisa oo cabirkeedu yahay 3 hiktar. Wuxuuu tilmaamay in markii hore ay yaryarayd koronkorrada haddase ay weeynaatay oo meesha ay gasho ay eber ka dhigayso.

Beeralayda ayaa isticmaalayay si ay koronkorta uga hor-tagaan inay qodaan godad oo ay ku xabaalaan basle taas waxba kama ayan tarin oo waxay sheegeen in koronkortu aad u badan tahay. Beeraha ay arrintan saamaysay ayaa lagu qiyaasayaa ilaa 300 boqol oo beerood ah oo inta badan u suuq geeyaan dalaggooda magaalooyinka Barame, Hargeysa iyo dalka Jabuuti.

Cabdi Suubbane oo beer ku leh deegaanka Xariirad ayaa sheegay inuu ku maalgaliyey lacag dhan lix kun oo dollar guud ahaan shaqada iyo abuurka khudaarta. Waxaa uu abuuray qare, basal,yaanyo, bartiikh, barbarooni iyo xawaaji taasoo uu sheegay inuusan waxba ka hayn oo ay ka cuntay koronkorta.

“Iska daa beerahee magaaladii bay dhex socotaa markaa way iska wada bood boodeysaayoo beerahey iska dhex socotaa, midhihii dambe iyo caleentii geedka ka baxayey way liqdey, geedkii oo xoodhsanna way ka tagtay” Sidaasi waxaa yiri Cali Suubane.

Wasaaradda horumarinta beeraha ee Soomaaliland ayaa sheegtay in koronkorta ayaxa uu ka dillaacay deegaanka Xariirad oo ay ku yaallaan beero badan.

Muqkhtaar Cabdiraxmaan oo wasaaradda u qaabilsan la dagaallanka ayaxa ayaa sheegay in koronkorta iyo ayaxa duulaya oo ka soo gudbay dhanka Itoobya ay saamayn ku yeesheen dhul-beerka iyo dhulka daaqisinka xoolaha. Wuxuuna xusay in bishi Abriil ayax laba nooca ah lagu arkay beeraha iyo daaqisinka deegaanno kala duwan.

“ Itoobiya waxaa ka yimid ayax lalaya oo ukumo kale ku reebaya deegannada uu ku dagay, waxaa kale oo laga cabsi qabaa in marka dabayshu aaddo dhanka waqooyiga in ayax kale yimaaddo”

Muqkhtaar ayaa sheegay in wasaaradda oo kaashanaysa hay’adda bisha cas ay wadaan dedaallo lagu buufinayo, isla markaasna lagu qodaayo godad lagu aasayo koronkorta, laakiin ayan intaasoo keliya ku filnayn, maxaa yeelay koronkortu aad bay u badan tahay.

“ Dadka beeralayda xataa hadda way fahmeen oo way nala qaateen qaabka wax looga qaban karo koronkorta, oo markii hore wax kale ayay aaminsanaayeen.” ayuu yiri Mukhtaar

Muqkhtaar ayaa tilmaamay haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban ayaxa kazoo gudbay dhanka Itoobiya ay ka dhalan karto in beeralayda iyo xoolo dhaqatadu ku yimaaddo barakac, maaddaama wax soo-saarka xoolahooda iyo beerahooda uu saamayn ku yeelan doono ayaxaas.

 

Previous Post

Puntland: qoysaskii ay barakiciyeen daadad ku dhuftay Qardho oo Iskuulada hoy ka dhigtay

Next Post

Boqollaal qoys oo ku barakacay daad ka dhashay roob mahiigaan ah oo ka da’ay Bacaadweyne, Mudug

Related Posts

Dad colaad ka barakacay oo cuno yari, hoy xumo iyo waxbarasho la’an ku wajahaya Sanaag
Wararkii u Danbeeyay

Dad colaad ka barakacay oo cuno yari, hoy xumo iyo waxbarasho la’an ku wajahaya Sanaag

August 31, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
Next Post
Roobab dabaylo wata oo dad ku laayay gobolka Awdal

Boqollaal qoys oo ku barakacay daad ka dhashay roob mahiigaan ah oo ka da'ay Bacaadweyne, Mudug

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026

IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-AUG-2026
August 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-AUG-2026
August 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-AUG-2026
August 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-AUG-2026
August 27, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo