Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Puntland: qoysaskii ay barakiciyeen daadad ku dhuftay Qardho oo Iskuulada hoy ka dhigtay

Radio Ergo by Radio Ergo
May 5, 2020
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland: qoysaskii ay barakiciyeen daadad ku dhuftay Qardho oo Iskuulada hoy ka dhigtay

Kaydka sawwirada/Ergo.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dekeeya Jaamac Salaad waa hooyo qoyskeedu ka kooban yahay 8 qof oo kala ah 5 caruur ah oo ay dhashay, hooyadeed iyo abtigeed oo guriga kula noolaa. Daadkii ka dhashay roob xooggan oo magaalada Qardho ka da’ay 28 kii bishii hore ayaa burburiyey gurigii ay degganaayeen oo ka koobnaa 4 qol oo leben ah, iyaguna si dirqi ah ayay noloshoodu kaga badbaadey. Lix habeen ayay seexanayeeen dayr bannaan ee Iskuulka hoose/dhexe ee Waddaniya oo la dejiyey qaar kamid ah qoysaskii ku barakacay daadka.

“Ilaa hadda wax  alla iyo wax noo yimid ama wax na korjooga midna ma aragno, biyihii waa nagu xun yihiin, suuliyada nadaafad fiican malaha, cunno fiican ma haysanno, wax Muslim Ilaahay naga siiyo maahane  dadku waa la sooman yahay xilli Soon baa lagu jiraa, dowladdii ilaa hadda waxay noo qabatay male.”ayay ku calaashay Dekeeya iyadoo u warramaysa raadiyo Ergo

Dekeeya waxaa kaloo ay raadiyo Ergo u sheegtay iney la xanuunsaneyso xanuunka neerfaha, abtigeed oo la deeganna uu yahay nin qaba xanuunka dhimirka, haddana aanan la ogeyn meel uu ku sugan yahay.

Mahado Cali Muuse waxay degganayd xaafadda Xingood Hoose ee Koonfurta magaalada Qardho, waxay ku nooshahay Iskuulka Azhar oo kamid ah Iskuullada dadka lagu soo daad-gureeyey waxay sheegtay inaysan jirin wax u baxsaday gurigeedii. Shan qoys oo ka kooban 23 qof ayay ku seexdaan qol ka kooban 8 miter oo ahaa fasal iskuulku lahaa oo laga saaray kuraastii noloshooduna waa mid aad u ciriiri ah.

“Haddeer shan beri baan joognaa wax naloo qabtay ma jiraan, biyo ma haysano, waxaan ku afurno weyney, buste ma haysano, banaankaas baan hurudnaa,” ayay tiri.

In ka badan 8 kun oo qoys ayaa la sheegay inay siyaabo kala duwan u saamaysay fatahaadda, waxaana ugu daran 3500 oo noqday barakac rasmi ah, kuwaasoo maanta aan haysan hoy ay degaan. Dadka qaar waxay dulsaar ku yihiin qoysas kale halka qaarna ay daadsan yihiin iskuullo si kumeel gaar ah loo dejiyay si ay roobka uga galaan. Soo kabasho iyo dib-u-dejin ha joogtee waxaan weli la wada gaarin quudintooda, dadaalladuna waa kuwo wali socda.

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan oo ah afhayeenka guddiga uu maamulka Puntland u saaray  gargaarka dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay daadadka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadka cabanaya xafiis loo furay si degdeg ahna raashin loo gaarsiin doono.

“Cabashadu waa jirtaa dad aan la gaarin waa jiraan dad laga boodey baa jira, waxaan samaynay xafiis cabasho, dhammaan dadka cabanaya oo dhan waxay tegayaan xafiiskaas dhamaantoodna waxaan gaarsiin doonnaa raashin.” ayuu yiri.

Tan iyo markii dadku ku barakaceen gudaha magaalada waxaa gargaar la gaarsiiyey 2,500 oo qoys, guddiga loo xilsaaray gurmadka dadka roobabka ku waxyeelloobey ayaa qoys walba siiyey raashin ka kooban 25 kiilo oo bur ah, 25 kiilo oo Sonkor ah, 25 kiilo oo bariis ah, 10 kiilo oo baasto ah, 5 litir oo saliid ah iyo 3 kiilo oo timir ah oo ay la socdaan agabka huwashada iyo gogosha.

Puntland ayaa habeennimadii Sabtida shaacisay tirada rasmiga ah ee dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay daadadkaas. Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee maamulka Puntland Cabdulqafaar Xaange ayaa sheegay khasaaraha guud ee waxyeellada ka soo gaartay dadka kuwaaso lagu qiyaasay ilaa 8 kun oo qoys oo 3500 oo kamid ah ay yihiin barkacayaal.

Inkastoo ay saamayn xun reebeen roobabkii daadadka geystay ee ka da`ay Qardho ayaa ay haddana waxaa jiro digniino ay soo saareen wasaaradda deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada iyo Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka ee Puntland (HADMA), in roobab xoog badan ay maalmahan ku soo wajahan yihiin Puntland sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Ismaaciil Diiriye Gamaa`diid oo ah wasiirka deegaanka ee Puntland.

Previous Post

Muuqaal 2, Qufaca u dhig xusulka

Next Post

Soomaalilnad: Ayaxa saameeyey beeralayda gobollada Awdal iyo Salal

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Beledweyne: Ayax uga daray dhibaatadii fatahaada webiga kasoo gaartey beeraleyda gobolka Hiiraan.

Soomaalilnad: Ayaxa saameeyey beeralayda gobollada Awdal iyo Salal

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo