Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal qoys oo ku barakacay daad ka dhashay roob mahiigaan ah oo ka da’ay Bacaadweyne, Mudug

Radio Ergo by Radio Ergo
May 6, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Roobab dabaylo wata oo dad ku laayay gobolka Awdal

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Daadad xooggan oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo koowdii bishan May ka da’ay deegaanka Bacaadwayne oo koonfur-bari Gaalkacyo ka xiga 180 km ayaa sababay barakaca 900 oo qoys oo ku noolaa deegaankaas, markii biyo badan ay ku soo rogmadeen xaafadahooda oo ku yaalla dhul godan.

Qoysaskaan oo aan haysan hoy, cunnaduna ay ku yar tahay ayaa miciin-biday daafaha magaalada si ay uga badbaadaan daadadka. Qaarkood waxaa ka dumay guryihii qaar kalena waxaa ka dhintay xoolihii sida Raadiyo Ergo uu u xaqiijiyay Axmed Daahir Macallin oo ah Guddoomiyaha Bacaadwayne.

“Qiyaas ahaan guryaha wax ku noqday ilaa 500 oo guri weeye, biyuhu waxay u dhaafeen mitir iyo bar, haddii ay raashin lahayd iyo haddii agab kale oo ay isticmaali jireen tahay, waxaas oo dhan biyahaa la tagay, dadka kuwii ay wax u badbaadeen ayaa dadkii kale kaalmaynaya cid kale oo wax soo gaarsiisay ma jirto,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Cabdullaahi Maxamuud Yacquub oo 56 jir ah waa aabbaha qoys 11 qof ah oo 4 ay carruur yihiin, wuxuu ka mid yahay dadka u barakacay bannaanka Bacaadwayne. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in tan iyo markii uu ka soo barakacay xilli habeen ah gurigiisa uusan dib ugu laaban iyadoo ay xaafaddiisu biyuhu hareereeyeen. Cabdullaahi wuxuu haleeli waayay in raashin u yaallay iyo weelashii uu wax ku karsan lahaa u la soo baxo, hase ahaatee midda ugu muhiimsan ay ahayd inuu carruurta soo badbaadiyo.

“Hadda waad maqlee ilmahaa iska ooynaya burikiito iyo qabow, xitaa farmashiyihii waan aadi waynay. Ilmihii waa qaaqaawan yihiin, kaneeco ayaa naga laysay. Kiilo-kiilo sonkor ah iyo kiilo-kiilo bur ah ayaa la isticmaalaa. Labo-labo qoys ayaa lagu wada joogaa, wixii islahaa oo qaraabo ah isku meel bey isugu yimaadeen,” ayuu yiri.

Soddon neef oo ari ah oo deegaanka uu ku dhaqanayay ayuu sheegay in daadadka uu ku waayay, gurigiisa oo saddex qol ka koobnaa ayaa sidoo kale ka mid noqday xaafadaha xuddunta u noqday goobaha ay biyuhu fariisteen.

Cabdullaahi wuxuu markii hore qoyskiisu ku tiirsanaa nacfiga xoolihiisa oo caanaha uu ka liso uu beec-gayn jiray qaarna uuu carruurta siisan jiray, hadda oo barakac uu yahay waxba gacanta kuma hayo, wuxuuna ka walaacsan yahay nolosha carruurtiisa oo uu 2 jir ugu yar yahay.

Sahra Warsame Jimcaale oo haysata 6 carruur ah, waxa ay bannaan-joog ka tahay gurigeedii ilaa Jimcihii la soo dhaafay. Salli ay ciidda uga xijiso carruurta iyo sensiyeeri ayaa waxaa ku caawiyay dhallinyaro deegaanka ah oo caawinaysa dadka aanan haysan waxay gogladaan.

“Hadda geed tallaal ah hoostiis oo bannaanka uga baxsan magaalada ayaan sinsiyeerigana ku xirannaa habeenkii. Waan soomanahay, maalintiina ilmaha salkiisan ku haynaa … wallaahi xaaladdeennu waxay ku sugan tahay inaanan aqoonba, midda ugu yar way iga qandhan tahay teer iyo habeenkii saan biyo ugula dabaalanayay,” ayay tiri iyadoo welwel iyo cidlo dareemeysa.

Saharo waxay qoyskeeda ku lahaayeen Bacaadwayne guri labo qol ka kooban, kaasoo ay  biyo badan galeen, waxayna sidoo kale dhaqanayeen tobaneeyo ari ah oo uu daadku la tagay.

Deegaankan Bacaadweyne ayaa ku yaal dhul godan oo biyo-fariisin ah oo sida badan markii ay roobabku da`aan ay biyuhu fariistaan, hase yeeshee roobabkan ayaa intii hore si weyn uga badnaa taasoo keentay barakaca ku yimid dadka deegaanka.

Previous Post

Soomaalilnad: Ayaxa saameeyey beeralayda gobollada Awdal iyo Salal

Next Post

Dowladda iyo maamul goboleedyada oo u diyaargarobay la dagaallanka Koronkorta

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Next Post
Beledweyne: Ayax uga daray dhibaatadii fatahaada webiga kasoo gaartey beeraleyda gobolka Hiiraan.

Dowladda iyo maamul goboleedyada oo u diyaargarobay la dagaallanka Koronkorta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-SEP-2026

IDAACADDA 25-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-SEP-2026
September 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-SEP-2026
September 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-SEP-2026
September 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo