Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Dowladda iyo maamul goboleedyada oo u diyaargarobay la dagaallanka Koronkorta

admin by admin
May 11, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beledweyne: Ayax uga daray dhibaatadii fatahaada webiga kasoo gaartey beeraleyda gobolka Hiiraan.

Ayax waxyeeleeyey beeraha hore fatahaaduhu u burburiyeen ee gobolka Hiiraan /Abdirisak Ahmed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Deegaanno ka mid ah Galgaduud, Nugaal iyo Sool ayaa lagu arkay ayax ku
dul fariistay dhul-daaqsimeed iyo beero caws ah, kaasoo ka dhashay koronkortii uu
reebay ayaxii sanadkii hore.

Wasaaradda beeraha Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda cuntada iyo beeraha ee
FAO ayaa sheegtay inay u diyaargaroobeen la daggaallanka koronkorta iyo ayaxa
duulaya si looga hortago in uu waxyeello gaysto.

Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Nur Yuusuf
Nuur oo wareysi siiyay idaacadda Ergo ayaa sheegay inay hay’dda FAO ay ka
caawinayso qalabka iyo tababarrada la siinayo dadka la dagaallamaya ayaxa, halka
wasaaraddu diyaarinayso dadka iyo qorshayaasha kale.

“Sanadkii hore ayaan cashar ka barannay, oo ay ugu horreyso diyaargarowga,
waxaan aad uga baqaynaa in koronkorta ay dillaacdo, marka in aan ka hortagno
ayaan rabnaa si aysan u faafin”

Nuur wuxuu intaas ku daray in hadda ay diyaar yihiin siddeed gaari iyo
qalabkooda oo afar ka mid ah loogu talagalay Puntland, halka afarta kalana loogu
talo galay Galmudug, maadama meelaha sahanka ay ku ogaadeen meelaha ugu
badan ee ay ku jirto koronkortu.

Sahanka oo lagu sameeyey qaybo ka mid ah gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo
waqooyiga gobolka Galgaduud ayuu sheegay inay ku badan tahay koronkorta,
inkastoo ay jiraan gobollo kale oo uu sii maray ayaxa sida Gedo, Baay iyo Hiiraan
oo ay qorshaha ugu jiraan.

Wasaaradda beeraha ee Puntland ayaa tilmaantay qaar ka mid ah deegaannada lagu
arkay kororonkorta oo dillaacaday kuwaasoo kala ah dhulka dooxada ah iyo
beeralayda deegaanka Godob-jiraan iyo Xas-bahal oo ka tirsan gobolka Nugaal
iyo gobolka Sool.

Agaasimaha waaxda badbaadada beeraha Puntland Cabdiqaadir Cali Samatar oo
isna la hadlay raadio Ergo ayaa sheegay in dhul gaaray 25 km oo isku wareeg ah ay
ku arkeen koronkorta islamarkaana ay billaabeen iney ka buufiyaan, sidaas si la mid
ahna ay u tababareen beeralayda deegaanka habkay isaga buufin lahaayeen,
waxayna buufintaas socotaa ilaa hadda muddo 12 maalmood ab.

Waxaa kaloo sahan loo diray deegaannada Baargaal oo ka tirsan gobolka Bari iyo
Bacaadwayn oo ka tirsan gobolka Mudug si loo soo ogaado heerka koronkorrada
sida uu sheegay agaasimaha waaxda badbaadada beeraha ee Puntland. Waxaana
aamman leh sida ay dadweynahu uga qaybqaadanayaan dadaalka loogu jiro
ciribtirka koronkorrada, iyagoo ay dadka deegaannada Buuro-wadal oo dhanka
gobolka Sool ay sheegeen iney arkeen ayax duulaya oo dul dagay dhul-daaqsin ah.

Ayaxa ayaa soo galaya bishii Juun ee sannadkii hore dalka Soomaaliya isagoo ka
soo galay dhanka Itoobiya iyo Lamadegaanka Carabta, wuxuuna dhibaatooyin
waaweyn u geystay beeraha iyo daaqa dalka, isagoo waxeello u geystay dhul
gaaraya 70 kun oo hiktar balse ilaa Disembar oo isla sanadkaas ayaa la
saadaalinayey in uu mari doono 105 kun hiktar sida uu noo sheegay Agaasimaha
Wasaaradda Beeraha ee Dawladda Federaalka ah Nuur Yuusuf Nuur.

Previous Post

Boqollaal qoys oo ku barakacay daad ka dhashay roob mahiigaan ah oo ka da’ay Bacaadweyne, Mudug

Next Post

Fatahaad boqollaal qoys ku barakicisay Doolow

Related Posts

Dad colaad ka barakacay oo cuno yari, hoy xumo iyo waxbarasho la’an ku wajahaya Sanaag
Wararkii u Danbeeyay

Dad colaad ka barakacay oo cuno yari, hoy xumo iyo waxbarasho la’an ku wajahaya Sanaag

August 31, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
Next Post
Fatahaad boqollaal qoys ku barakicisay Doolow

Fatahaad boqollaal qoys ku barakicisay Doolow

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026

IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-AUG-2026
August 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-AUG-2026
August 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-AUG-2026
August 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-AUG-2026
August 27, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo